Qorshe uu Wasiirka Xanaanadda Xoolaha Somaliland Dr Cabdi Aw Daahir Ku Doonayo in U Xoolo Gaar ah U Xidho Banka Qool Caday iyo Reer guuraaga Oo Cabasho Ka Muujiyey

0
Monday July 14, 2014 - 08:39:47 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 911
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qorshe uu Wasiirka Xanaanadda Xoolaha Somaliland Dr Cabdi Aw Daahir Ku Doonayo in U Xoolo Gaar ah U Xidho Banka Qool Caday iyo Reer guuraaga Oo Cabasho Ka Muujiyey

    Hargeysa(Xoriyonews)-Wasiirka wasaaradda xanaanadda xoolaha Somaliland Cabdi Aw Daahir Cali ayaa mudooyinkii danbe wuxuu ku hawlanaa xidhashada bananka xoolaha reer guuraagu ku nool yihiin ee ay daaqaan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Cabdi Aw Daahir Wasiirka Xanaanada Xoolaha Somaliland
Hargeysa(Xoriyonews)-Wasiirka wasaaradda xanaanadda xoolaha Somaliland Cabdi Aw Daahir Cali ayaa mudooyinkii danbe wuxuu ku hawlanaa xidhashada bananka xoolaha reer guuraagu ku nool yihiin ee ay daaqaan

wasiirka ayaa waxa la sheegay in uu heshiis la galay ganacsadaha carbeed ee Al-jaabiri waxayna ku heshiiyeen in xoolo isku dhaf ah oo ganacsadaha iyo wasiirku leeyihiin loo xidho banka weyn ee loo yaqaano qool caday oo koonfur bari caasimadda hargeysa kaga began.

Waxa la sheegay in wasiirka xanaanada xoolaha iyo ganacsade al-jaabiri qorshahaasi isla gaadheen xili malaayiin lacag ah,baanka aduunku ku bixinayo in la soo celiyo dhulkii seeraha loo yaqaanay ee xukuumadihii hore cawskiisa la kaydin jiray,wasiirka ayaa waxa la sheegay maali gelintaasi midawga yurub ku sameynayo bananka in uu uga faa’iidaysanayo dano gaar ah ,xoolaha la sheegay in lagu naaxinayo banka qool caday ee mashruuciisa isku saxeexay wasiirka wasaaradda xanaanadda xooluhu ayaa waxa uu khatar ku yahay nolosha malaayiin xoolo ah iyo dadka reer guuraaga ah,oo ay xoolahoodu ku nool yihiin bananka waaweyn ee umadda ka dhaxeeya.

Arintan ban xidhashada ayaa waxa walaac ka muujiyey dadweynaha reer guuraaga oo sheegay in bankan weyn xoolo hoodu ku nool yihiin ,isla markaana aysan dhici Karin in wasiir awoodii dawladda isticmaalayaa u diido xoolaha reer guuraaga bankaasi weyn ee qool caday.

Qorshahan ayaa waxa uu u muuqaa mid uusan dareen sanayn madaxaweyne siilaanyo,waxana uu caqabad ku yahay dhaqashada xoolaha nool ee reer guuraaga,hadii uusan amdaxweyne siilaanyo wax ka qaban ku tacadiga wasiirka xanaanadda xoolaha ee uu ku samaynayo dadka masaakiinta ah ee reer guuraaga ,isla markaana uu dhulkii umadda ka dhaxeeyey dan shakhsi ah uga faa’iidaysanaya?

Qore:Maxamed Cali C/laahi

Email:calicabdilaahi@hotmail.com

Hargeysa/Somaliland




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured