Xus Balaadhan Oo Loogu Ducaynaayey Culimadii Hogaaminaysay Mujaahidiintii SNM Oo Loogu Qabtay Hargeysa

0
Sunday July 13, 2014 - 19:33:33 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1212
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xus Balaadhan Oo Loogu Ducaynaayey Culimadii Hogaaminaysay Mujaahidiintii SNM Oo Loogu Qabtay Hargeysa

    Hargeysa(xogreebnews.com-)Xus Balaadhan oo loogu Ducaynaayey Mujaahidiintii SNM ayaa caawa Hargeysa lagu qabtay,Xuskan oo ay soo qabanqaabiso Jimciyada Waxbarashada Diiniga iyo Qaban-qaabinta Xusaska iyo Xafladaha Diiniga ee Jimciyatul Axbaab ayaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(xogreebnews.com-)Xus Balaadhan oo loogu Ducaynaayey Mujaahidiintii SNM ayaa caawa Hargeysa lagu qabtay,Xuskan oo ay soo qabanqaabiso Jimciyada Waxbarashada Diiniga iyo Qaban-qaabinta Xusaska iyo Xafladaha Diiniga ee Jimciyatul Axbaab ayaa Hargeysa(xogreebnews.com-)Xus Balaadhan oo loogu Ducaynaayey Mujaahidiintii SNM ayaa caawa Hargeysa lagu qabtay,Xuskan oo ay soo qabanqaabiso Jimciyada Waxbarashada Diiniga iyo Qaban-qaabinta Xusaska iyo Xafladaha Diiniga ee Jimciyatul Axbaab ayaa waxa lagu qabtay Majlisul Axbaab oo ku yaala Xarunta Guud ee Jimciyatul Axbaab ee magaalada Hargeysa .


Xuskan Diinigaa ee ay soo qaban-qaabisay Jimciyatul Axbaab ayaa ah mid Sanad walba bisha ramadaan 15-keeda sidan oo kale looga qabto Xaruntan Majliska Xabaabta Xabiibka oo ah halkii laga aasaasay halgankii dalka dib loogu xoreeyey iyadoo islamarkaana xaruntan ayaa ahayd halkii bar-kulanka u ahayd Hogaankii sare ee Mujaahidiintii dalka xoreynaysay xiligii ay dalka u halgamaayeen ,Mujaahidiintii Majliskan ku kulmi jirey ayaa waxa ka mid ahaa Mujaahid Sayid C/laahi Xaaji Cilmi Nuur oo ahaa Sheekha Majliska aasaasay ila markaana Hagaha guud u ahaa,


Xuskan oo ah mid loogu duceeyo sanad walba ayaa waxa kasoo qayb-galay Gudoomiyaha guud ee Jimciyatul Axbaab Sayid Muxamed Sayid C/laahi Xaaji Cilmi oo uu dhalay Sheekhii Majliskan Axbaabta aasaasay iyo Marti Sharaf kale oo tiro badan oo ay ka mid ahaayeen Agaasmihii hore ee Wasaarada Caafimaadka Dr.Axmed Cabdi Jaamac, Sh.ismaaciil Xasan Faarax,Sh.Axmed Xaaji Cilmi Nuur,Mujaahid Axmed Maxamed Xasan (A.Jabaan) iyo Culimo iyo Mujaaahidiin tiro badan oo ka mid ah Axbaabtii Majliskan Mudada dheer ka tirsanayd.

Xafladan oo ahayd mid si heersare ah loosoo agaasimay ayaa Waxaa ugu horeyn ka Hadley Agaasimihii hore ee Wasaarada Caafimaadka Axmed Cabdi Jaamac waxaa uu si qoto dheer uga waramay Taariikhdii Allah ha u naxariistee Sayid Cabdilaahi X.Cilmi oo isagu aas aasay Majlisulkan lagu qabtey Xuskan,iyo Mujaahidiintii SNM oo iyagu xaruntoodu ahayd Majlisulkan.

Agaasimihii hore ee Wasaarada Caafimaadka Axmed Cabdi Jaamac waxaa uu ilaahay uga baryey in ilaahay Naxariistii Jano ka waraabiyo guud ahaanba Mujaahidiintii dalkan xoreyntiisa naftooda u waayey,

Waxaa iyaguna Xuskan hadalo Duco ah ka soo jeediyey Culimo u diin kala duwan oo ay ka mid ahaayeen Sh.ismaaciil Xasan Faarax,Xaaji iyo Axmed Xaaji Cilmi Nuur waxayna ku dheeraadeen Taariikhdii Culimadii hormuudka u ahayd Mujaahidiintii SNM

Xuskan ayaa waxaa soo gunaanaday Gudoomiyaha guud ee Jimciyatul Axbaab Sayid Muxamed Sayid C/laahi Xaaji Cilmi Nuur waxaa uu ugu horeyn uu u duceeyey Culimadii hogaaminaysay halgankii Hubaysnaa ee dalka lagu xoreynayey ee naftooda u hurey,waxaanu tilmaamay in ramadaan kasta shan iyo tobankeeda laga Xuso Majliskan Axbaabta isla markaana la wadi doono inta ka hadhay ramadaan oo dhan,

Gudoomiyaha guud ee Jimciyatul Axbaab Sayid Muxamed Sayid C/laahi Xaaji Cilmi Nuur waxaa uu sheegay in Ururkii SNM u dagaalamayay diinta balse aanu loo dagaalamayn qabiil,



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured