Suldaan Si Adag U Naqdiyey Siyaasadaha Khaarajiga Iyo Daakhiliga Ee Xukuumadda Siilaanyo, Nasiib-Daro-Na Ku Tilmaamay Tacadiyada Ka Dhanka Ah Xoriyatul-Qawlka

0
Saturday July 12, 2014 - 19:34:03 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 918
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Suldaan Si Adag U Naqdiyey Siyaasadaha Khaarajiga Iyo Daakhiliga Ee Xukuumadda Siilaanyo, Nasiib-Daro-Na Ku Tilmaamay Tacadiyada Ka Dhanka Ah Xoriyatul-Qawlka

    Hargeisa-(xogreebnews.com-Suldaan Mahad Maxamuud Xirsi (Caraj) oo ka mid ah salaadiinta reer Somaliland ayaa luuqad adag ku naqdiyey siyaasadaha khaarajiga iyo daakhiliga

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeisa-(xogreebnews.com-Suldaan Mahad Maxamuud Xirsi (Caraj) oo ka mid ah salaadiinta reer Somaliland ayaa luuqad adag ku naqdiyey siyaasadaha khaarajiga iyo daakhiliga Hargeisa-(xogreebnews.com-Suldaan Mahad Maxamuud Xirsi (Caraj) oo ka mid ah salaadiinta reer Somaliland ayaa luuqad adag ku naqdiyey siyaasadaha khaarajiga iyo daakhiliga xukuumadda Madaxwayne Siilaanyo, taas oo uu ku tilmaamay mid albaab walba ka soo xidhmay oo lumisay kalsoonidii shacbiga reer Somaliland iyo guud ahaan kii dunidaba.
Suldaan Mahad waxa uu nasiibdaro ku tilmaamay xidhiidhka ay Somaliland la leedahay dalalka Mandaqada gaar ahaan Ethiopia oo wakhtigan maraya meeshii ugu xumayd isla markaana xukuumadda Siilaanyo ugu baaqay inay talaabo ka qaado sababaha keenay shakiga xukuumadda Somaliland ay ka qaadeen dalalka jaarka ee Ethiopia iyo Djibouti oo sababtay inay xadadkoodii si rasmi ah mar kaliya taariikhda Somaliland ay u xidhaan.Suldaan Mahad Maxamuud Xirsi waxa uu sidoo kale farta farta ku fiiqay inay dareen badan sii galisay dalalka Somaliland la saaxiib ka ahaa Maxkamad la’aanta uu ilaa hadda xabsiga ugu jiro wasiir ku xigeenkii hore ee Amniga C/laahi Abokor Cismaan, kaas oo uu ku tilmaamay in Maxkamadda oo la horkeenaa ay dareenada shakiga leh ka saari lahayd beesha caalamka, maadaama oo masuulkaasi loo xidhay eedo uu masuuliyiin xukuumadda ka tirsan kula xidhiidhiyey inay ka tirsan yihiin ururo xagjir ah.Suldaan Mahad waxa uu sidoo kale cambaareeyey xadhiga iyo xayiraada ay xukuumadda Siilaanyo iskugu dartay Wargeyska Haatuf iyo madaxdiisa, taas oo uu ku sifeeyey talaabo muujinaysa dagaalka ay xukuumadu kula jirto warbaahinta madaxabanaan iyo xoriyatul-qawlka, isagoo tacadiyadaasi ku tilmaamay kuwo aan wadadii sharciga ahayd loo marrin.Suldaanku waxa uu sidaasi ku sheegay qoraal kooban oo uu ka soo saaray Magaaladda Hargeysa, ayaa ugu horayn isagoo ka hadlaya xidhiidhka Somaliland iyo Djibouti heerka uu marayo waxa uu hadalkiisa ku bilaabay“Waxaanu aad uga xunahay in culays wayni fuulay ganacsatadii wax kala soo degi jirtay dalka Djibouti, iyadoo isku socodkii labada shacbi ee labada dalna xaga Somaliland dadkii ka tagayey guud ahaanba la joojiyey oo dadkeena loo ogalayn inay sidii fududayd ee ay ugu socdaali jireen dalkaani aanay imika u tagi kari oo shaki badani galay dwladda Djibouti.Mida kale waxa nasiib daro ah in ilaa imika aanay Xukuumadu wax lagu qanco ka odhani arrintaas saamaynta badan ku leh isku socodka iyo ganacsiga labada dal, iyadoo xidhiidhka ganacsi ee Mudooyinkii u danbeeyay Faraha ka siibaxaya ee Aanay xukuumadu ka hadal waxa kalifay, iyadoo ay waheliso taa mid la mid ah oo Culays badani uu ka soo kordhay Muwaadiniinta reer Somaliland ee baahida daruuriga ah ee ay gayn jirtay dalka Itoobiya oo ay ka mid ahayd in baahiyo Cafimaad ay u tagaan dadka reer Somaliland ee xanuunadu hayaan iyo kuwa danta gaarka ah u leh Dalkaasi oo aad daruuri u ahaa. Xukuumaduna ilaa iyo hada aanay ka hadal sababta keenay in safaarada Dalka itoobiya ay ku leedahay Somaliland ay u joojisay gabi ahaanba isa socodkii labada dal”.Suldaan Mahad isagoo hadalkiisa sii wata, isla markaana ka hadlaya xaaladaha cakiran ee uu dalku galay mudadii xukuumadda Siilaanyo, waxa uu yidhi “Waxaanu xukuumada Ku dhaliilayaa wax ka qabasho la’aanta xaaladaasi ee soo wajahday guud ahaanba dalka oo dhan oo waliba keentay curyaamin xag siyaasadeed iyo xag ganacsiba.Waxa mudooyinkii u danbeeyey jirtay oo aanu odhan karnaa waxay sababtay xaaladaha xuduudaha Somaliland ee cakirmay, ay sabab u yihiin eedaymo xukumada dul hoganaya oo ah xaalado amni, oo aan ilaa hada xukuumadu aanay dhinacna iskaga leexin oo ay ka mid tahay Masuuliyiin xukuumada ka mid ahaan jirtay ku eedeeyeen kuwa manta shaqeeya , iyadoo aan wali wasiirku kigeenkii hore ee amniga Cabdilaahi abokor oo ay eedayntaasi ka soo yeedhay uu xabsiga ku jiro oo Aan wali maxkamad la horkeenin si arintaasi uu u cadeeyo hadii kalena uu danbiile ku noqdo xukun uu ugu dhaco. Taasi oo shakiga ka saari lahayd wasiirada maanta shaqeeya ee uu ku eedeeyay in ay xidhiidh la leeyihiin ururo argagaxiso ah. Hadiise aan C/laahi Abokor degdeg Maxkamad cadaalad ah loo horkeenin waxay cadaynaysaa in wixii uu sheegayey oo dhami ay yihiin wax run ah.Hadaba waxay umada reer Somaliland yar iyo weynba xukumada uga fadhiyaan in ay xaaladahaasi xaasaasiga ah ee mada reer Somalilandna ku laf jabka ah ay dhan iskaga leexiso

Waxa guud ahaanba shaki ku abuurtay dadka reer Somaliland aamusnaanta xukumada ay ka aamusantahay xaalada adag ee dalka iyo dadkaba ku habsatay , waxaan madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Siilaanyo ugu baaqayaa inuu ceebtaasi ku soo noq noqatay inay xukuumadiisu cadayso oo uu isagu cadeeyo isagoo saxaafada u marinaya xaqiiqada jirta, hadii ay jirto waa wax aan ceeb uun ku ahayn Xukuumada ee ceeb ku wada ah shacabka reer Somaliland. Waxaa dawladda la gudboon in ay ka gilgilato ceebaha ba’an ee dul hooganaya qarankan curdinka ah ee Somaliland si dhaqso ahna loo horkeeno cida ay eedayntani ka soo yeedhay iyadoo loo raacayo sifo sharciga waafaqsan oo Cadaalada iyo Maxkamadaha la hor keeno.Waxa kaliya ee Somaliland aynu ku iib gayn jirnay ayaa ah amniga hadii kiina dawladihii jaarku xadadka ka xidhanayaan xaalad amni xumo Aawadeed waxaanu u aragnaa Siyaasad xumo xukuumada dul hooganaysa, Dawladda waxqabadkeeda waa lagu amaanayaa wixii ay xumaysana waa lagu dhaliilayaa”.Suldaan Mahad Maxamuud Xirsi (Caraj) mar uu ka hadlayey dagaalka xukuumadda Siilaanyo ku hayso warbaahnta madaxabanaan iyo xoriyatul-qawlka, waxa uu yidhi “Waxaan si adag u dhaliilayaa xadhiga iyo cabudhinta lagu hayo saxaafada xorta ah iyo xukunada ka baxsan bini aadanimada ee xukuumadu kula dhaqmayso saxaafada madaxabanan, ee bulshada uga waranta wacyiga dadlka ka jira.Waxaan u arkaa xukunka ku dhacay Wargeyska Haatuf iyo masuuliyiintiisa in uu yahay mid sharciga Baal marsan, Sharcidaradaa lagula kacay Wargayska madaxabanaan ee HAATUF ayaa ah mid dadka xusuusinaya dhaqamadii foosha xumaa ee aynu ku Ridnay dawladii Rajiimka ahayd ee Siyaad Barre inana ku naf iyo maal weynay.Dhinaca kale waxa ceeb iyo fadeexad ah in warbaahinta ay xidhaan oo ay xayiraan shakhsiyaad aan xil haynin oo ka mid ah qoyska madaxtooyada gaar ahaan wiilka uu madaxwaynuhu sodoga u yahay oo sida igu maqaalo ah dacwada wargeysyada Haatuf iyo Hubaal-ba isagu dabada ka riixayey, isla markaana halka Haatuf laga raacay ay tahay warar uu Wargeysku ka baahiyey wiilkaasi oo aanay Maxkamadda gobolkuna si cadaalad ah uga garnaqin.Ma qabo Saxaafadu in ay u dhisan tahay wax ka sheega Maamulka Somaliland ee waa rukun ka mid ah astaanta qaranimo, Waxay ka tarjuntaa wacyiga Qaranku ku nool yahay iyo kolba wixii dalka ka jira.Saxaafadana waxaan leeyahay kol hadii aad saxaafadii Somaliland aad tihiin waxaad tihiin shaashadii caalamku ka daawan lahaa qaranimada Somaliland ee iib gayn lahayd Dumuqraadiyada ee iib gayn lahayd qarankan Somaliland ee ka qayb qaadan lahayd Ictiraaf raadinta”.Suldaan Mahad mar uu ka hadlayey xidhiidhka sii xumaanaya ee u dhaxeeya xukuumadda Somaliland iyo dalalka jaarka, waxa uu hadalkiisa ku bilaabay “Waxaan xukuumadda si adag ugu dhaliilayaa inay ka gaabisay wax ka qabashada eedaha isa soo taraya ee mudooyinkii u danbeeyay soo noqnoqonaya ee aanay dhinacnaba iskaga reexin, kalifayna in uu xumaado xidhiidhkii saaxibtinimo ee Somailand la lahayd Dawladaha Caalamka oo ay kaw ka yihiin kuwa jaarka la ah dalka Somaliland oo saaxib dhaw la ahaa Somaliland, taasi oo aynu dheerayn Maamulada La ictiraf san yahay ee ay ka mid tahay Maamulka Somalia”



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured