Dawladda Ingiriiska Oo Weli Ka Digaysa Amniga Somaliland, Hargeysa Iyo Berberana U Aragta In Safarada Muhiimka Ah Oo Keliya Loo Tago
Dawlada Ingiriiska ayaa weli ku dhegan dhaliisha ay u hayso amniga Somaliland, waxaanay muwaadinteedu inay safar ku tagaan ugaga digaysaa sida ay uga digayso Somaliya, marka laga reebo magaalooyin kooban. Wasiirka Ingiriiska u qaabilsan Afrika Mark Simmonds, oo 10 Jullay aqalka Baarlamaanka Ingiriiska hortagay, ayaa wuxuu sheegay in Hargeysa iyo Berbera Dawlada Ingiriiska ayaa weli ku
dhegan dhaliisha ay u hayso amniga Somaliland, waxaanay muwaadinteedu inay
safar ku tagaan ugaga digaysaa sida ay uga digayso Somaliya, marka laga reebo
magaalooyin kooban. Wasiirka Ingiriiska u qaabilsan Afrika Mark Simmonds,
oo 10 Jullay aqalka Baarlamaanka Ingiriiska hortagay, ayaa wuxuu sheegay in
Hargeysa iyo Berbera loo tagi karo arrimaha muhiimka ah oo keliya.
Andrew Rosindel ayaa wasiirka
weydiiyay tirada muwaadiniinta Ingiriiska ah ee caawimo safaaradeed oo deg deg
ah uga baahatay afartii sannadood ee u dambeeyay iyagoo ku sugnaa Somaliya,
wuxuu yidhi “Ma awoodno inaanu Somaliya ku siino caawimo qunsliyadeed oo toos
ah.” Ayuu yidhi wasiir Mark Simmonds, waxaanu isagoo tilmaamaya in Hargeysa iyo
Berbera loo tegi karo oo keliya arrimaha muhiimka ah uu yidhi “Hase yeeshe, iyadoo
aanu ku talinayno inaan Somaliya oo dhan loo socdaalin marka laga reebo
magaalooyinka Hargeysa iyo Berbera, oo aanu cid kasta kala talinayno marka laga
reebo safarada lagama maarmaanka ah, waxaanu siinay caawimo qunsuliyadeeda
muwaadiniita Biritishka ah ee ku sugan Somaliya annagoo u marina safaaradayada
Addis Ababa iyo guddiga sare ee Nayrobi.” Leave a comment |
|
Dawladda Ingiriiska Oo Weli Ka Digaysa Amniga Somaliland, Hargeysa Iyo Berberana U Aragta In Safarada Muhiimka Ah Oo Keliya Loo Tago
Dawlada Ingiriiska ayaa weli ku dhegan dhaliisha ay u hayso amniga Somaliland, waxaanay muwaadinteedu inay safar ku tagaan ugaga digaysaa sida ay uga digayso Somaliya, marka laga reebo magaalooyin kooban. Wasiirka Ingiriiska u qaabilsan Afrika Mark