Dhakhaatiir Ka Qalin Jabisay Jaamacada Hageysa Oo Habeenkii Xalay Xaflad Balaadhan Loogu Sameeyey Magaalada Hargeysa+SAWIRO
Hargeysa(Xogreebnews)Dufcaddii shanaad ee kuuliyadda caafimaadka Jaamacadda Hargeysa ayaa xalay ka qalinjabisay, kuwaas oo munaasibad loogu hambalyeynayo loogu qabtay hoteel Maansoor ee magaaladda Hargeysa.
Munaasibaddan loogu dabaaldegayey dhakhaatiirtan qalinjabisay oo ka kooban 22 dhakhtar ayaa waxa ka soo qaybgallay gudoomiyaha jaamacadda, gudoomiyaha guddidda jaamacadda, macalimiinta, ardayda iyo marti sharaf kale.
Hargeysa(Xogreebnews)Dufcaddii
shanaad ee kuuliyadda caafimaadka Jaamacadda Hargeysa ayaa xalay ka
qalinjabisay, kuwaas oo munaasibad loogu hambalyeynayo loogu qabtay hoteel
Maansoor ee magaaladda Hargeysa. Xafladan loo qabtay
dhakhaatiirtan cusub ee soo qalinjabisay ayaa waxa soo qabanqaabiyey xarunta
caafimaadka ee Hayaat Diagnostic Centre, kaas oo maalgalisay munaasibadan loogu
dabaaldegayey dhakhaatiirtan qalinjabisay. Hormuudka kuuliyadda caafimaadka Dr. Diiriye Ismaaciil, ayaa sheegay inay muddo todobo sanno ah dhiganayey kuuliyada caafimaadka oo baahi weyn loo qabo inuu dalku dhakhaatiir yeesho, waxaanu yidhi “ waxay maanta marayaan dhakhaatiirta ka soo baxday jaamacadda Hargeysa 98 dhakhtar, waxaana xukuumadda u sheegayaa in dhakhaatirtaasi la shaqaalaysiiyo oo la hawlgaliyo, inkastoo ay intooda badan ka shaqeeyaan Cisbitaaladda gaarka loo leeyahay oo ay gaar u shaqaystaan”
“Aniga farxad ayey ii
tahay inaan arko dhalinyaradii oo qalinjabisay waxaana isku soo marnay
cisbitaalka guud, cisbitaalka iyo jaamacadda wax aka dhexeeya xidhiidh wada
shaqeyn oo sanadka u dambeeya waa halka ay wax ku bartaan”ayuu yidhi Agaasimaha
cisbitaalka Guud ee Hargeysa Axmed Cumar Askar. Dr. Xamse Maxamuud
Jibriil oo ku hadlayey afka cisbitaalka Hayaat ayaa sheegay inay mar
walba dhakhaatiirta ka caaawiyaan shaqooyinkooda, isla markaana wada shaqayn
fiicani ka dhexeyso, waxaana ka mid ahaa hadaladiisii “waxaan aad ugu
faraxsanahay dhakhaatiirta cusub ee soo qalinjabiyey oo anigu mar aan fogeyn ka
mid ahaa dhakhaatiirtii dhowaanta ka qalinjabiyey oo halkaa aad fadhidaan
fadhiyey, waxa kale oo idinka codsanayaa inaad u duceysaan dhakhaatiir badan oo
ka mid ahaa aasaaskii jaamcada oo geeriyooday
“Haddii aanu nahay XAYAAT waxaanu si dhow ula shaqaqeeyo arrimaha caafimaadka iyo wax kasta oo aqoon korodhsiga, markii ugu horeyey maaha ee aanu kulan sidan oo kale samaynayo ee waa mid mar kasta aanu la kulmi doono dhakhaatiirta si fiican waan usoo dhoweynaynaa”ayuu yidhi Jibriil. Prof. John Rise oo ka mid ah macaliminta ajanabiga ah ee imtixaanka ka qaadda ardayda dhakhaatiirta soo baxda oo ku hadlayey afka Kings college ee kala saarta ardayda caafimaadka barata ayaa u hambalyeeyey ardaydan qalinjabisay, waxaanu sheegay inay dadaal badan sameeyeen, isla markaana muddo dheer dhabarka usoo rideen sidii ay heerkan ay maanta joogaan usoo gaadhi lahaayeen Axmed Xaashi gudoomiyaha xirfadleyda caafimaad ee Somaliland, ayaa isna sheegay inay ku hawlan yihiin sidii ay arrimaha caafimaadka ee isku walaaqan wax uga qaban lahaayeen.Inj. Maxamed Xaashi Cilmi ayaa isna ka sheekeeyey intii uu wasiirka maaliyada ahaa xaga caafimaadka waxa uu ka qabtay iyo sida uu ugu hawlay inay dadku helaan dhakhtar ay kaga raystaan kuwo dibadda loogu baxo ee kharashka badan kaga baxo, waxaanu sheegay inuu soo iibiyey qalab qaali ah oo lagaga raysanayo dhakhaatiir dibeed in loo tago kuwaas oo ay ka mid yihiin misiinka Kelyaha. Sidoo kale, waxaa iyaguna halkaasi ka hadlay Gudoomiyihii hore ee jaamacadda Hargeysa Dr:Xuseen Bulxan, Dr:Cabdiraxmaan Nuux oo ka mid ah macalimiinta, Dr:Faadumo Xaashi Iimaan, Yuusuf Axmed Maxamed guddidii qabanqaabada ee xafladan, Sidoo kale, Jamaal Jaamac Cismaan oo ku hadlayey afka waalidka, Abiib Axmed Agaasimaha tacliinta sare, Dr: Ciise Cabdi Jaamac Agaasimaha shaqaalaha iyo tobabarka wasaaradda Caafimaadka iyo wasiirka Qorsheynta Dr:Sacad Cali Shire, kuwaas oo dhamaantooda u hambalyeeyey dhakhaatiirta cusub ee soo baxday kuna guubaabiyey inay dadkooda u shaqeeyaan
Xogreebnews//Office Hargeisa Somaliland By Zaki Adam Zuxufi Leave a comment |
|
Dhakhaatiir Ka Qalin Jabisay Jaamacada Hageysa Oo Habeenkii Xalay Xaflad Balaadhan Loogu Sameeyey Magaalada Hargeysa+SAWIRO
Hargeysa(Xogreebnews)Dufcaddii shanaad ee kuuliyadda caafimaadka Jaamacadda Hargeysa ayaa xalay ka qalinjabisay, kuwaas oo munaasibad loogu hambalyeynayo loogu qabtay hoteel Maansoor ee magaaladda Hargeysa. Munaasibaddan loogu dabaaldegayey dhak