Ciidanka Xeebaha Oo Gacanta Ku Dhigay Tahriibeyaal Si Sharci-darro Uga Dhoofayay Dalka

0
Saturday July 12, 2014 - 16:50:20 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 893
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidanka Xeebaha Oo Gacanta Ku Dhigay Tahriibeyaal Si Sharci-darro Uga Dhoofayay Dalka

    Hargeysa(Xogreebnews)-Taliyaha ciidanka illaalada xeebaha ee gobolka Selal saddex xidigle Haaruun Siciid Cali ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen dad la rabay in si sharci dara ah looga dhoofiyo xeebaha galbeed ee Somaliland.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(Xogreebnews)-Taliyaha ciidanka illaalada xeebaha ee gobolka Selal saddex xidigle Haaruun Siciid Cali ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen dad la rabay in si sharci dara ah looga dhoofiyo xeebaha galbeed ee Somaliland.

Hargeysa(Xogreebnews)-Taliyaha ciidanka illaalada xeebaha ee gobolka Selal saddex xidigle Haaruun Siciid Cali ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen dad la rabay in si sharci dara ah looga dhoofiyo xeebaha galbeed ee Somaliland.

Taliyaha oo waraysi siiyay wargeyska Dawan ayaa xaqiijyay inay saddex qof oo u dhashay Soomaaliya iyo ninkii tahriibinayay ku qabteen duleedka magaalada Lawya-caddo ee jiida galbeedka Somaliland.


Taliyaha ilaallada xeebaha gobolka Selal oo ka hadlayaa arrintaasina waxa uu yidhi, “Bisha tobankeedii ayaa waxaanU qabanay dad muhaajiriin ah oo la rabay in si qarsoodi ah looga tahriibiyo xeebta badda Lowya-caddo, dadkan oo ahaa afar qof oo haween ah, kana yimi dalka deriska ah ee Soomaaliya ayaa waxaa mukhalas ka ahaa nin dhalinyaro oo reer Somaliland ah. Waxa kale oo aanu haynaa hantidii uu ka qaaday oo dhan 1200$ oo doolar.”

Taliyaha ayaa intaas ku daray inay shantaas qof ku wareejiyeen qaybta booliska gobolka Selal si baadhitaan dheeraad ah loogu sameeyo.

Waa markii saddexaad ee muddo shan bilood gudahood ah ciidanka illaalada xeebaha ee gobolka Selal gacata ku dhigaan dad si sharci-darro ah uga dhoofaya xeebaha gobolkaas.

Labadii bilood ee u dambeeyay ayaa waxa la xoojiyay hawlaha illaalinta xeebaha gobolka Selal sida uu sheegay taliyaha illaalada xeebaha gobolka Selal saddex xidigle Haaruun Siciid Cali.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured