Wasiirka Duulista Iyo Hawada Somaliland Oo Ka Hadlay Khilaafka Ilaa Haatan Ka Taagan Maamulka Hawada Somaliland Iyo Somaliya Soona Bandhigay Qodobada Ay Xalka U Arkaan.

0
Friday July 11, 2014 - 19:46:15 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 920
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Duulista Iyo Hawada Somaliland Oo Ka Hadlay Khilaafka Ilaa Haatan Ka Taagan Maamulka Hawada Somaliland Iyo Somaliya Soona Bandhigay Qodobada Ay Xalka U Arkaan.

    Hargeysa(xogreebnews.com-wasiirka wasaarada duulista iyo hawada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa ka hadlay khilaafka ilaa haatan ka taagan maamulka hawada dalkii laysku odhan jiray somaliya. Wasiirka wasaarada duulista iyo hawada Somaliland oo m

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(xogreebnews.com-wasiirka wasaarada duulista iyo hawada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa ka hadlay khilaafka ilaa haatan ka taagan maamulka hawada dalkii laysku odhan jiray somaliya. Wasiirka wasaarada duulista iyo hawada Somaliland oo maanta shir Hargeysa(xogreebnews.com-wasiirka wasaarada duulista iyo hawada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa ka hadlay khilaafka ilaa haatan ka taagan maamulka hawada dalkii laysku odhan jiray somaliya. Wasiirka wasaarada duulista iyo hawada Somaliland oo maanta shir jaraa,id ku qabtay xarunta garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa ayaa waxa uu sheegay inaanay xukuuumada Somaliland marna aqbali doonin in hawadeeda laga maamulo waddanka Somaliya.
Wasiirka Duulista Iyo Hawada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi. Ugu horayn wasiirka duulista iyo hawada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi oo jawaab ka bixinaya hadal dhawaan ka soo yeedhay wasiir ka tirsan xukuumada somaliya ayaa waxa uu sheegay inaanay marnaba qaadan doonin in qaramada midoobay ay maamulka hawada ku wareejiso dawladasomaliya waxaanu yidhi “Dhawaan waxa hadlay wasiir ka tirsan xukuumada somaliya kaas oo sheegay in mudo ka yar laba bilood ay la wareegi doonaan maamulka hawada dalkii laysku odhan jiray somaliya qaramada midoobayna ay ku wareejinayso, hadalkaas iyo guud ahaanba arinta ay u xusul duuban tahay dawlada somaliya inay muquunsato maamulka hawada qarankii la odhan jiray somaliya waxa uu ka markhaati kacayaa oo uu muujinayaa in heshiiskii ay wada galeen labada dal ee somaliland iyo somaliya ay ka baxeen, waxaanu xaqiijinayaa inaanay dhawrin is fahamkii nagu dhex maray Turkiga ee ahaa in gacmaha qoomiyada somalida dib loogu soo celiyo maamulka hawada, arintaasina waa nasiib daro weyn dadkuna heshiisyada way dhawraan waanay fuliyaan, haddii xukuumada somaliyana sidaas ku wado go,aankeeduna sidaas yahay waxay madhalays ka dhigi doontaa oo ay albaabada u xidhaysaa wada hadaladii socday.” Ayuu yidhi wasiir Maxamuud Xaashi Cabdi.

Sidoo kale wasiirku waxa uu sheegay in qaramada midoobay ay masuul ka tahay maamulka hawada dalkii laysku odhan jiray somaliya, taas oo uu sheegay in gacanta loogu geliyey go,aan ka soo baxay golaha amaanka qaramada midoobay waxaanu yidhi “Qaramada midoobay iyaga ayaa masuul ka ah maamulka hawada oo gacanta ku sii haya, waxaana awood u siiyey go,aan ka soo baxay qaramada midoobay golihiisa amaanka kaas oo dhigaya ilaa inta somaliya ku heshiinayso dawlad awood leh oo dhulkeeda xukunta inay qaramada midoobay gacanta ku hayso, dawlada somaliya maaha mid haysata kalsoonida shacabka umada soomaliyeed, mana aha mid ka talisa ciida qarankii somaliya, mana xukunta badh ka mid ah qarankii somaliya, go,aan ka danbeeyey oo kaas hore ee qaramada midoobay ka soo baxayna ma jiro.”Sidoo kale wasiirka duulista iyo hawada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi waxa uu ka hadlay qodobada ay u arkaan in lagu dhamayn karo khilaafka ilaa haatan ka taagan maamulka hawada Somaliland iyo somaliya, waxaanu tilmaamay inaanay aqbali doonin wixii ka baxsan qodobada ay xalka u arkaan waxaanu yidhi “ waxaanu xal u aragnaa sadex qodob oo kala ah In hawadayada maamulkeeda gacanta naloo soo galiya haddii aanu nahay qaranka Somaliland waana arin meel mari karta oo aanu doodaheedii iyo sharcigeedii diyaarsanay oo aanu kaga gar helayno qaramada midoobay, qodobka labaad mar haddii khilaaf yaalo go,aan qaramada midoobay ahina yaalo waa inay gacanta ku sii hayso qaramada midoobay maamulka hawada inta xal la helayo, qodobka sadexaadna waxa weeyaan in la meel mariyo heshiiskii Stanbul oo hawada aynu wada maamulano oo ay noqoto mid ka madax banaan siyaasad, sadexdaas xal waxaan ahayna xukuumada Somaliland ma aqbalayso umana hogaansamayso, waxaanu ka rumayn doonaa inay riyo tahay in hawadayada laga maamulo Muqdisho.” Ayuu yidhi wasiirka duulista iyo hawada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi.Wasiirka duulista iyo hawada Somaliland waxa uu si weyn u sheegay inaanay shacabka Somaliland iyo xukuumadooduba aanay marna aqbali doonin in hawadooda laga maamulka wadanka somaliya.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured