Taliyaha Ciidanka Ilaalada Xeebaha Oo Si Cad U Beeniyey In Askari Ka Tirsan Ciidanka Ilaalada Xeebahu Uu Rasaaseeyey Maayarka Saylac

0
Sunday July 06, 2014 - 12:06:39 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 943
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taliyaha Ciidanka Ilaalada Xeebaha Oo Si Cad U Beeniyey In Askari Ka Tirsan Ciidanka Ilaalada Xeebahu Uu Rasaaseeyey Maayarka Saylac

    Hargeysa(Xogreebnews)-Taliyaha Ciidanka ilaalada Xeebaha Somaliland Adminaral Axmed Aw Cismaan ayaa beeniyey warar maalmihii ugu danbaysay ay qaar kamid warbaahintu qoraysay kaasi oo sheegayey in In Askari ka tirsan Ciidanka Ilaalada Xeebaha dagmada

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(Xogreebnews)-Taliyaha Ciidanka ilaalada Xeebaha Somaliland Adminaral Axmed Aw Cismaan ayaa beeniyey warar maalmihii ugu danbaysay ay qaar kamid warbaahintu qoraysay kaasi oo sheegayey in In Askari ka tirsan Ciidanka Ilaalada Xeebaha dagmada Saylac uu rasaaseeyey Maayarka dagmada Saylac.

Taliyaha Ciidanka Ilaalada Xeebaha Somaliland adminaral Axmed Aw Cismaan oo warbaahinta u waramaayey ayaa sheegay in uu xidhiidh la sameeyey Maayarka dagmada Saylac si uu u hubiyo waxa ka jira warkaasi,Maayarka dagmada Saylacna uu u cadeeyey in aanay waxba ka jirin in Askari ka tirsan Ciidanka ilaalada Xeebahu.

“Arrintaa waxba kama jiraan la yaab ayaanay nagu noqotay markii aanu maanta warbaahinta ku aragnay,waxaan wada hadalnay oo aan la xdhiidhay Maayerka degmada Saylac oo aan waydiiyay waxa dhacay,laakiin warkaa wuu beeniyay waxaanu ii sheegay Maayerku in aanay jirin wax rasaas ah oo lagu riday.”Ayuu yidhi Taliye Axmed Aw Cismaan.

Taliyaha Ciidanka Ilaalaha Xeebaha Somaliland oo hadalkiisa si wata ayaa waxaa uu intaasi uu ku daray“Maayerka degmada Saylac ayaanu arrintaa ka wada hadalnay waajibkna wuxuu yahay in ay iyagu ka hadlaan anigu waxa kaliya ee aan caddaynayaa in aanu jirin askari ka tirsan ciidanka ilaalada Xeebaha oo rasaaseeyay Maayerka Degmada Saylac"

Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

featured