Madaxweyne Siilaanyo Oo Gobal Cusub U Magacaabay Xaysimo Oo Magaalo Madaxdiisu Tahay Taleex

0
Saturday July 05, 2014 - 17:09:03 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 872
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Siilaanyo Oo Gobal Cusub U Magacaabay Xaysimo Oo Magaalo Madaxdiisu Tahay Taleex

    Hargeysa(Xogreebnews)-Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Md:Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa tigreeto madaxweyne ugu magacaabay Gobal in ay tahay Xaysimo oo ay Magaalo Madaxdiisu ay tahay Magaalad Taleex. Warsaxaafeed ka soo baxay aqalka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(Xogreebnews)-Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Md:Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa tigreeto madaxweyne ugu magacaabay Gobal in ay tahay Xaysimo oo ay Magaalo Madaxdiisu ay tahay Magaalad Taleex. Warsaxaafeed ka soo baxay aqalka madaxtoyada ayaa waxaa uu udhignaa sida tan 05/07/2014 Hargeysa(Xogreebnews)-Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Md:Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa tigreeto madaxweyne ugu magacaabay Gobal in ay tahay Xaysimo oo ay Magaalo Madaxdiisu ay tahay Magaalad Taleex.

Warsaxaafeed ka soo baxay aqalka madaxtoyada ayaa waxaa uu udhignaa sida tan 05/07/2014
WAR-SAXAAFADEED

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu Digreeto madaxweyne oo sumadeedu tahay JSL/M/XERM/249-2613/072014 ku magacaabay Gobolka Xaysimo magaalo badaxdiisuna tahay Taleex.

Madaxweynuhu:-

Markuu Arkay: Qodobka 109aad, Faqradiisa 3aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Arkay: Qodobka 10aad ee Xeerka Gobollada iyo Degmooyinka oo tilmaamaya wax ka beddelidda Qaab-dhismeedka Dalka;

Markuu Tixgeliyey: Codsiyada ka yimid Madax-dhaqameedyada, Waxgaradka, Culimada iyo Odayaasha Deegaanada;

Markuu Dhegeystay: Soo jeedinta Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha;

Markuu Ku Qancay: In maamulada loo dhaweeyo shacbiga oo hoos loo daadajiyo;

Wuxuu Go’aansaday;

In uu u magacaabo Gobolka Xaysimo oo magaalo Madax u tahay Taleex, oo ka koobnaan doona Degmada Sarmaanyo, Degmada Xalin, Degmada Carroolay iyo Degmada God-aalo.

ALLAA MAHAD LEH


Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured