Ciidamada RRU-da Oo Caawa Saylac Kasoo Qaaday Nin Al-shabaab Looga Shakisan Yahay Oo Toddobaad Ku Xidhnaa Lawyacado

0
Friday July 04, 2014 - 19:29:31 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 829
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada RRU-da Oo Caawa Saylac Kasoo Qaaday Nin Al-shabaab Looga Shakisan Yahay Oo Toddobaad Ku Xidhnaa Lawyacado

    Saylac(xogreebnews.com- Nin aan Wali Haybtiisa La Aqoonsan Oo Doddobaad Ka Hor ciidanka Ammaanka somaliland ku qabteen Lawyacaddo ayey Habeenkii Xalay Ciidamo RRU ahi ka soo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Saylac(xogreebnews.com- Nin aan Wali Haybtiisa La Aqoonsan Oo Doddobaad Ka Hor ciidanka Ammaanka somaliland ku qabteen Lawyacaddo ayey Habeenkii Xalay Ciidamo RRU ahi ka soo Saylac(xogreebnews.com- Nin aan Wali Haybtiisa La Aqoonsan Oo Doddobaad Ka Hor ciidanka Ammaanka somaliland ku qabteen Lawyacaddo ayey Habeenkii Xalay Ciidamo RRU ahi ka soo qaadeen Halkaas si Baadhitaanno Loogu sameeyo. ninkan oo muddo toddobaad ah xidhnaa ayaa looga shakisan yahay inuu Hawlo argagixiso ku Lug lahaa, waxana sida aanu warka ku Hayno Masuuliyiinta Sirdoonka Somaliland qaabilsani dalbadeen in Hargeysa loo soo dhaadhiciyo. Ninkan la hayo ayaa wararka qaarkood sheegayaan in la yidhaa Siyaad Muuse Cabdi dhalasho ahaana uu ka soo jeedo Gobolka Gabilay, balse taasi lama hayo cid xaqiijisya.Wararka kale ee ninkan laga Hayo ayaa sheegay in laga helay warar la xidhiidha kooxda loo aanaynayo in uu ka tirsan yahay ee Alshabaab, taasina ay tahay sababta RRU-da loogu diray Habeenkii xalay si ay Hargeysa u keenaan, balse ilaa hada ma cada in tuhunkaas loo hayaa dhab yahay iyo inkale

Ciidanka Booliiska Lawyacado ayaa qabtay ninkan oo u talaabayey dhinaca Jabuuti, waxaana lala xidhiidhinayaa in uu usocday si uu halkaas Hawl-galo uga fuliyo, wallow aanay illaa hada Xukuumadda Somaliland soo bandhigin wax Caddaymo ah.
Qabashada ninkan ayaa ka danbaysay kadib markii la adkeeyey amaanka Xuduuda Jabuuti iyo Somaliland, kadib markii Dawladda jabuuti ay adkaysay in dhinaca Somaliland looga soo talaabo, iyadoo ka cabsi qabta inay mar kale qaraxyo ka gaystaan kooxda alshabaab dalkooda.
Isku socodka Djibouti iyo Somaliland ayaa Hakad galay tan iyo intii uu qaraxu ka dhacay Djibouti, waxana soo baxay Tuhun weyn oo sheegaya in dadkii qaraxyada Geystay ay ka gudbeen Xuduudda Somaliland iyo Djibouti u dhaxaysa
cource cadceed




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured