Dadka Iskaga Kala Gudba Jabuuti Iyo Somaliland Wakhtigan Xagaaga Oo Dhibaato Weyn Kala Kulmay Xadka Xidhan Ee Jabuuuti

0
Friday July 04, 2014 - 19:26:37 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 871
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dadka Iskaga Kala Gudba Jabuuti Iyo Somaliland Wakhtigan Xagaaga Oo Dhibaato Weyn Kala Kulmay Xadka Xidhan Ee Jabuuuti

    Saylac(xogreebnews.com-Tan iyo sidii qaraxyadda uga dhaceen Jabuuti waxa adkaatay isku socodkii labadda dhinac, isla markaana waxay Jabuuti xidhay xadkeedda, iyadoon ogolayn inay cidi soo gasho wax ka soo baxa mooyee.Sidoo kale, waxa gabi ahaanba ay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Saylac(xogreebnews.com-Tan iyo sidii qaraxyadda uga dhaceen Jabuuti waxa adkaatay isku socodkii labadda dhinac, isla markaana waxay Jabuuti xidhay xadkeedda, iyadoon ogolayn inay cidi soo gasho wax ka soo baxa mooyee.Sidoo kale, waxa gabi ahaanba ay joojisay in lagu Saylac(xogreebnews.com-Tan iyo sidii qaraxyadda uga dhaceen Jabuuti waxa adkaatay isku socodkii labadda dhinac, isla markaana waxay Jabuuti xidhay xadkeedda, iyadoon ogolayn inay cidi soo gasho wax ka soo baxa mooyee.Sidoo kale, waxa gabi ahaanba ay joojisay in lagu galo dalkeedda Passpora Somaliland, taas oo cadibaad badan ay kala kulmeen dadweynaha hawluhu kaga xidhan yihiin Jabuuti, iyadoo xiitaa ay adagtahay in dadka caafimaadka u tagi lahaa Jabuuti inay galaan

“Hawlo muhiim ah ayaan doonayey inaan u tago Jabuuti, illaa hada meel aan maro ayaan garan laayahay, xadkiina wuu xidhan yahay wax ka soo baxaya mooyee wax galayaa ma jiro,” Sidaas waxaa yidhi Maxamed Mawliid oo ka hadlayey dhibaatadda ay kala kulmeen isku socodkaasi xidhan iyo xadkaasi dhinaca Jabuuuti ka xidhan.bbbb
Si kastaba ha ahaatee, dadweynaha Somaliland ee hawluhu ku galaan Jabuuti ayaa walaac weyn ka qaba sidii ay u gali lahaayeen, isla markaana dawladda Jabuuti u fasaxi lahayd sidii Passporka Somaliland loogu gali lahaa dalkaasi.Dhinaca kale, xukuumadda Somaliland ayaa wefti u dirtay dalkaas, weftigan oo ka socda hay’adaha amniga Somaliland oo uu hogaaminayo wasiirka Arrimaha gudaha Cali Warancadde, waxaana safarkiisa ku wehelinaya Taliyaha Ciidanka Booliska Sareeyo Guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan iyo taliyaha Sirdoonka Qaranka Jaamac Xasan Aadan.
Inkastoo aanay dawladdu shaacin sababta ay u tagayaan dalka Jabuuti, haseyeeshee waxa la sheegayaa in ujeedada hay’adaha amniga loogu diray Jabuuti ay tahay inay kala hadlaan arrimaha amniga ee labadda iyo isku socodkan xumaaday sidii loo hagaajin lahaa.
Sidoo kale, waxay wararku sheegayaan in socdaalkaasi daaran yahay sidii ay labada dhinac wada jir ugu wada baadhi lahayeen kiiska qaraxii bishii hore ka dhacay wadanka Djibouti, oo ay dawladda Djibouti sheegtay in dadka is qarxiyay ay ka gudbeen xadka Somaliland.
Xukuumadda ayaa wefti kala duwan u dirtay Jabuuti, inkastoo aanay midho dhalin wufuudda loo diray Jabuuti inay madaxda Jabuuti ka soo dhaadhiciyaan sidii isku socodka loo fududeyn lahaaa.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured