Mareykanka oo ka digay weeraro kusoo fool leh garoonka diyaaradaha ee Entebbe Uganda

0
Thursday July 03, 2014 - 19:48:41 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 925
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mareykanka oo ka digay weeraro kusoo fool leh garoonka diyaaradaha ee Entebbe Uganda

    KAMPALA (xogreebnews.com-Safaarada Mareykanka ee KAMPALA ayaa muwaadiniinta Mareykanka uga digtay inay maanta isticmaalaan garoonka diyaaradaha ee Entebbe ee Kampala.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

KAMPALA (xogreebnews.com-Safaarada Mareykanka ee KAMPALA ayaa muwaadiniinta Mareykanka uga digtay inay maanta isticmaalaan garoonka diyaaradaha ee Entebbe ee Kampala. KAMPALA (xogreebnews.com-Safaarada Mareykanka ee KAMPALA ayaa muwaadiniinta Mareykanka uga digtay inay maanta isticmaalaan garoonka diyaaradaha ee Entebbe ee Kampala.
Dowlada Uganda oo ciidamo isugu jira Boolis iyo Militari ka howlgalisay gudaha iyo hareera magaalada caasimada ah ee Kampala.Qoraal kasoo baxay safaarada oo qeyb kamid ah lagu daabacay wargeyska the monitor ayaa lagu sheegay in xog ay ka heshay Booliska Uganda(UPF) iyo ilo laga soo xigtay wardoonka inay jirto khatar cad oo sheegaysa in maanta weerar loo gaysan doono garaanka diyaaradaha ee Entebbe iyadoo ay weerarkaas ay soo qorsheeyeen kooxo aan la aqoonin sidaas darteedna muwaadiniinta Mareykanka looga digayo inay dib u qiimeeyaan ka dhoofitaanka garoonka Entebbe.Isbuucii la soo dhaafay ayaa taliyaha Booliska dalka Uganda wuxuu sheegay in garoonka diyaaradaha ee Entebbe ee Kampala uu aad khatar ugu yahay in loo gaysto weerar kaga imaanaya kooxo argagixiso ah.Taliyuhuu wuxuu sheegay in kooxahan ay mar hore diyaariyeen qaabkii a weerarka ugaysan lahaayeen iyagoo sida uu sheegay tijaabooyin weerarkaas la xidhiidha sameeyay.Maanta waxaa lagu daadiyay gudaha iyo hareera magaalada Kampala Booliska argagixiso la dirirka iyo militari iyagoo ku sugan wadooyinka waaweyn ee soo gala magaalada halkaasna ku baaritaano ka wada.Si kastaba ha ahaatee Cayaarihii koobka Aduunka ee sanadkii 2010 ayaa laba weerar oo mataano ah loo gaystay goobo cayaaraha Aduunka ee kubada cagta lagu daaawanayay iyadoo weeraradaas ay ku dhinteen 78 qof




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured