Al-Shabaab Oo Sheegatay Masuuliyadda Dilkii Xildhibaankii Maanta Lagu Dilay Muqdisho

0
Thursday July 03, 2014 - 19:41:14 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 932
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Al-Shabaab Oo Sheegatay Masuuliyadda Dilkii Xildhibaankii Maanta Lagu Dilay Muqdisho

    Hargeysa (xogreebnews.com-Ururka Al-shabaab ayaa sheegatay inay masuula ka yihiin dilkii xildhibaan Maxamed Maxamuud Xeyd oo manta lagu dilay Degmada Xamarweyne ee Magaaladda Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa (xogreebnews.com-Ururka Al-shabaab ayaa sheegatay inay masuula ka yihiin dilkii xildhibaan Maxamed Maxamuud Xeyd oo manta lagu dilay Degmada Xamarweyne ee Magaaladda Muqdisho. Afhayeenka hawlgallada ee Al-shabaab ayaa sheegay inay ciidamadooda maanta ku dileen gudaha magaalada Muqdisho xildhibaan ka tirsan baaramaanka Somalia.
“Xoogayagu waxaa u suurto-gashay inay maanta ku toogteen Muqdisho mid ka mid h xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya, hawlgallada lagu beegsanayo xildhibaannadana way sii socon doonaan,” ayuu yidhi Sheekh Cabdicasiis Abuu-Muscab.
Mudanahan ayaa waxa toogtay kooxo hubaysan oo watay gaadhi noociisu ahaa Surf oo ku hubaysnaa bastoolado iyo qoryo ku hubaysnaa, kuwaas oo baabuurkoodii ku hor-gooyay Gaadhigii ay xildhibaannadu wateen, iyagoo halkaas ku dilay xildhibaan Xayd iyo askari ilaalo u ahaa, isla markaana dhaawacay xildhibaan Coonka iyo mid ka mid ah shaqaalaha rayidka ah oo xildhibaanka la socday.

Gaadhiga ay wateen xildhibaanadan ayaa waxa lagu weeraray meel ku dhow saldhig booliis, iyadoo kooxihii dilka gaystay ay baxsadeen, waxaana tani ay muujinaysaa in ciidamada ammaanka dowladdu ay ku guuldarraysteen inay amniga sugaan.
Dhawaan ayay ahayd markii wakiilka Al-shabaab ee Muqdisho iyo afhayeenka hawl-gallada ee Al-shabaab ay sheegeen inay xoojin doonaan qorshayaasha sida gaarka ah loogu u gaadhsanayo xubnaha dowladda Soomaaliya iyo ciidamada Midowga Afrika ka socda.
Toogashada xildhibaanka iyo labada askari ayaa waxay kusoo beegmaysaa xilli uu madaxweynaha Soomaaliya sheegay inay sameeyeen barnaamij cusub oo ay ugu magac-dareen nabad ku afur, kaas oo lagu adkaynayo amniga caasimadda inta lagu jiro bisha Ramadaan.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured