Masuuliyiinta Ugu Sarsaraysa Laamaha Aminga SOMALILAND Oo Jabuuti Looga Yeedhay Iyo Ujeeddada Lala Xidhiidhinayo

0
Thursday July 03, 2014 - 19:36:43 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 887
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Masuuliyiinta Ugu Sarsaraysa Laamaha Aminga SOMALILAND Oo Jabuuti Looga Yeedhay Iyo Ujeeddada Lala Xidhiidhinayo

    Hargeysa(xeebnews.com-ogMasuuliyiinta ugu saraysa Amniga Somaliland ayaa shalay u dhoofay Dalka Jabuuti, kuwaas oo uu hogaaminayey wasiirka Arrimaha gudaha Cali Maxamed Warancadde.Saraakiisha Amniga Somaliland ee shalay u dhoofay dalka Jabuuti wax ak

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(xeebnews.com-ogMasuuliyiinta ugu saraysa Amniga Somaliland ayaa shalay u dhoofay Dalka Jabuuti, kuwaas oo uu hogaaminayey wasiirka Arrimaha gudaha Cali Maxamed Warancadde.Saraakiisha Amniga Somaliland ee shalay u dhoofay dalka Jabuuti wax aka mid Hargeysa(xeebnews.com-ogMasuuliyiinta ugu saraysa Amniga Somaliland ayaa shalay u dhoofay Dalka Jabuuti, kuwaas oo uu hogaaminayey wasiirka Arrimaha gudaha Cali Maxamed Warancadde.Saraakiisha Amniga Somaliland ee shalay u dhoofay dalka Jabuuti wax aka mid ahaa Taliyayaasha Booliiska iyo Sirdoonka C/laahi Fadal Iimaan iyo Jaamac Maxamed Bootaan iyo Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka Xasan Axmed Aadan.Illaa hada lama oga ujeedada safarkooda, wax war ahna warbaahinta may siin hase yeeshee wararka aanu ka helayno safarkooda ayaa lala xidhiidhinayaa baadhista ka taagan Qaraxii Jabuuti ka dhacay oo Hargeysa looga qab qabtay dad loogu tuhunsan yahay inay gacan ka siiyeen labadii qof ee Is-qarxiyey.Wararka qaarkood ayaa sheegaya Dacwadda Saddexdii qof ee ay Somaliland u dhiibtay Dalka Jabuuti iyo saraakiil Sirdoon Reer Galbeeda ahaa in khilaaf weyni ka taagan yahay, kaasoo ah in la isku haysto kiiskooda.Ilo wareedyo muhiim ah ayaa sheegaya in Somaliland lagu canaantay inay ku xad gudubtay Xeerar caalami ah oo sheegaya in dadka loo qabto Tuhumo caykaas oo kale ah ay ahayd in Somaliland lagu maxkamadeeyo, sida ay ku doodeen Eheladii ay ka dhasheen saddexda Qof ee la dhiibay.Dhinaca kale, wararka la xidhiidha Safarka masuuliyiintan Amniga ee mar kali ah Jabuuti looga yeedhay ayaa u muuqda mid culus oo la filayo in Maxkamaddaynta saddexda Qof iyo dadka kale ee Kiiskan loo hayo ay kaga qayb galayaan halkii ay ka ahayd in Hargeysa lagu qaado.Warar xogogaal ah ayaa sheegaya inay saraakiil ka socotay Dalka Ingiriisku dhawaan hargeysa u yimaadeen dhacdada Sadexda qof ee loo gudbiyey Jabuuti, kuwaas oo lagu soo waramayo Hay’adaha Garsoorku inaanay waxba kala socon dhiibistooda, taasina ay waji gabax ku noqotay Xukuumadda kadib markii ay su’aalo ka weydiiyeen qaabka loogu dhiibay Jabuuti, maadaama aan Dacwadba Somaliland looga furin.Saddexda Qof ayey Somaliland ku dhiibtay Qarsoodi, illaa hadana codsiyo loo jeediyey oo la xidhiidha inay faahfaahin ka bixiso wax jawaab ah lagama hayo, waxaana isa soo taraya saamaynta uu kiiskani ku yeeshay Somaliland, iyadoo xadkii Jabuuti la xidhay, halka Ganacsato alaabo kala soo dagi jirtay Jabuuti na ay ku xayiran yihiin.Dawladda Jabuuti ayaa toddobaadkii hore u yeedhay Taliyaha Laanta Socdaalka Somaliland Maxamed Yuusuf, Badhasaabka Gobolka Selal iyo Taliyaha Qaybta Booliiska Gobolka Awdal, kuwaas oo kulamo kala duwan la soo yeeshay Saraakiisha sirdoonka ee baadhaya Kiiska Qaraxii Jabuuti.Talaabooyinkan joogtada ah ee ay saraakiisha Somaliland ku tagayaan dalka Jabuuti ayaa ah kuwo dadweynaha iyo Axsaabta Qaranka Somaliland ba u arkaan inay yihiin kuwo ku haboonaa Somaliland inay mawqif cad oo Dawlad nimo iska taagto isla markaana sida ay dalka ugu maxkamadaysay dad badan oo loo qab qabtay kiisas Argagixiso ah kuwana u saarto hay’adaha Cadaaladda si loo abaal mariyo haddii ay danbiilayaal noqdaan.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured