Ciidamada Maraykanka Ka Jooga Gudaha Somaliya Oo Markii U Horaysay La Cadeeyay

0
Thursday July 03, 2014 - 18:28:29 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 884
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada Maraykanka Ka Jooga Gudaha Somaliya Oo Markii U Horaysay La Cadeeyay

    Hargeysa(Xogreebnews) Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa warbixin u gaar ah oo xalay baahisay waxay ku cadaysay inay ciidamo Maraykan ahi joogaan gudaha Somaliya, waana markii u horaysay ee ay dawladda Maraykanku qirato inay ciidamo ka joogaan Somali

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(Xogreebnews) Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa warbixin u gaar ah oo xalay baahisay waxay ku cadaysay inay ciidamo Maraykan ahi joogaan gudaha Somaliya, waana markii u horaysay ee ay dawladda Maraykanku qirato inay ciidamo ka joogaan Somaliya.

Hargeysa(Xogreebnews) Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa warbixin u gaar ah oo xalay baahisay waxay ku cadaysay inay ciidamo Maraykan ahi joogaan gudaha Somaliya, waana markii u horaysay ee ay dawladda Maraykanku qirato inay ciidamo ka joogaan Somaliya.

Ciidamadan ayay wakaaladda Reuters sheegtay inay Somaliya ka hawlgalayeen tan iyo sannadkii 2007, waxaanu sarkaal si hoose ugu waramay sheegay inay yihiin la taliyayaal iyo tababarayaal. Qirashada masuuliyiintan Maraykanka ah waa markii u horaysay ee ay cadeeyeen inay ciidamo ka joogaan Somaliya laga soo bilaabo markii uu talada hayay madaxweynihii hore ee Maraykanka George W. Bush. Wakaaladdu waxay xustay inay ciidamadu ka koobanyihiin 120 askari oo jooga dhulka, waxaana Maraykanka qorshaha dhow ugu jira inay si toos ah ula shaqeeyaan ciidamada Milatariga Somaliya, ka dib markii ay dhawr sanadood la shaqaynayeen ciidamada AMISOM. “Waxaad arki doontaa dhawaan bilowga wada shaqaynta ciidamada Somaliya.” Sidaas waxa wakaaladda ku yidhi sarkaal Maraykan oo ka cudur daartay in magaciisa la baahiyo, waxaanu sarkaalkani sheegay in 120-ka askari ee dhulka Somaliya ku sugani yihiin tababarayaal iyo la taliyayaal. “Dagaalada kuma dhex jiraan askartan Maraykanka ahi.” Ayuu yidhi sarkaalka Reuters u waramay. Sarkaal kale oo Maraykan ah ayaa Reuters u sheegay inay ameerikaanku AMISOM ka caawiyeen qorshaynta hawlgalada, samaynta khidadaha dagaalka, caawimada caafimaadka, xuquuqal insaanka iyo isgaadhsiinta. Waxaanay sidoo kale Ameerikaanku ka shaqeeyeen isku xidhka ciidamada AMISOM iyo kuwa Somaliya.

Reuters waxay sarkaalkan weydiisay halka ay Somaliya ka joogaan ciidamadan Maraykanka ahi waxaanu sheegay inay ku suganyihiin meelo gudaha Somalia ka mid ah, isagoo arrimo amni uga gaabsaday inuu warar dheeraad ah bixiyo. “Waxay ahayd qiyaastii 2007” ayuu yidhi sarkaalka oo ka war wareegaya inuu cadeeyo wakhtiga rasmiga ah ee uu Maraykanku hawlgalada ka bilaabay Somaliya.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured