Mowduucaagu waxa uu ku saabsan yahay dadka sida xad dhaafka ah ugu soo qulqulaya mihnadda saxaafadda, kana shaqo gelaya iyagoo aan u lahayn sadexdan arimood
Mowduucaagu
waxa uu ku saabsan yahay dadka sida xad dhaafka ah ugu soo qulqulaya mihnadda
saxaafadda, kana shaqo gelaya iyagoo aan u lahayn sadexdan arimood
Hibo eebbe
aqoon
dheeraad ah
waayo
aragnimo
Aragtidayda
waa arin ku timid sadex sababood oo kala ah
1. qaybaha
warbaahineed oo qaarkood noqdeen wax hal qof samaysto hal qofna ka shaqeeyo,
hal qofna waxa uu rumaysan yahay iyo rabitaankiisa ku baahiyo, kuwaa waxaa ugu horeeya (Mareegaha), qofka
sidaa ku soo galay ayaa u soo gudba xarumaha warbaahineed ee lagu kalsoon yahay
sida TV, News agency, Radio & News papers. markaa qofkaasi waxa uu ku
shaqeeyaa aqoontii iyo hanaankii mareegtiisa oo ay aad u kala fog yihiin
warbaahintan kale haday tahay dhinaca shuruucda, qaabka shaqada, ujeedada laga
leeyahay baahinta iyo qaybaha dad ee loo baahinayo.
2. arinta
labaad ee keenaysa in dad badani sheegtaan mihnada Saxaafada waa iyadoo aanay
jirin Hay'ado dawladeed oo diiwaangeliya suxufiyiinta, isla markaana
kaantaroola aqoontooda iyo inay u qalmaan.
3. arinta
sadexaad waxaynu odhan karnaa waa shaqo la'aanta dalka ka jirta iyo dadkii oo
aan fahamsanayn mihnadan culayskeeda iyo miisaanka ay leedahay, iyadoo
jaamacaduhu dakhli badan ka helaan ardayda ay u qaadanayaan kuliyadaha
Journalizam-ka, halka sidoo kalena dadka
qaarkii ay xittaa ku soo galaan qaab
abtirsiimo sida aabbahay ayaa saxaafadda ka shaqayn jiray ama adeerkay ayaa
ahaa weriye caan ah.
Su'aasha ah
maxaynu askar u noqon weynay waxay ila tahay jawaabteedu inay noqonayso Askarta
enaga ayaa ka sarayna ama ka awood badan markaa suxufiga dhabta ahi waxa uu ka
khashaafayaa inuu dib u noqdo oo hoos u dhac ku yimaaddo mustaqbalkiisa, dadka
qaarkood waxay mihnadan u arkaan inay tahay mid qiimo gaar ah leh sidaa darteed
waxay isku taxallujiyaan inay meeshii ay
ka gaadhayaan ka qabsadaan, waxana qayb ka noqda dadkan aynu ka hadlayno ee
sida kedisada ah loogu dhex arko shaqada saxaafadda, warbixin keliya oo hal weriye qoray ayaa laga
yaabaa inay wadan dhan wax ka bedesho, laakiin hawlgal hal askari sameeyey
saamayn badan ma laha.
waxaa jirta
in weriyayaashu tiigsadaan meelaha ka sareeya sida xilalka shaqo ee dawladaha iyo hay'adaha caalamiga ah, taasna
waynu helnaa inta badan.
askarta iyo
suxufiyiintu way kala fog yihiin waayo askarigu waxa uu u tababaran yahay in
aanu haba yaraatee wax warbixin ah gudbin, xog kasta oo uu hayana xafido,
laakiin suxufigu waxa shaqadiisu tahay inuu xogta raadiyo ka dibna baahiyo,
dadka ugu dhow ee suxufiyiinta dhinaca ka raaca waxaa ka mid ah
majaajilaystayasha, caruurta ay fanaaniintu dhaleen, macalimiinta iyo
ciyaartoyda cuslaatay.
waxaa jira
shaqsiyaad isku nooc ah oo meel kasta laga heli karo, waxay had iyo jeer isku
taxalujiyaan inay sheegaan warbixin ay baahiyeen ama ay daabaceen, kuwaasi kama
turjumaan suxufiga dhabta ah, qaar kale waxay ku wareeraan qaabka lebbiskooda
(waxaa u badan hablaha) waxay aaminsan yihiin in suxufigu qaab gaar ah u lebbisto, waad ka dareemi kartaa dadka noocaas ah
calaamadahaas, waxaana hagaysa kalsooni darro iyaga haysa, dhiirranaanta
qalinkooda iyo yaraanta khibradooda waxay ka tuurtaa haadaan, dadka noocan ah
waxaa ku adag inay wax ka korodhsadaan cidda ku dhaanta waxay u arkaan ceeb,
koox isku
nooc ah oo qaybahan sare ka mid ah ayaa laga yaabaa inay ka wada hawlgalaan hal
meel, taasina waa waxyaabaha horseeda in qof aan maalin keliya IDAACI noqonin
uu hal mar sheegto mihnadan oo la hawlgalo kooxdan aynu ka hadlayno. doodani ha
socoto inta aynu degayno waayo waxa inoo hadhay geeddi dheer sidii aynu u noqon
lahayn umad maskax ahaan isku filan iskuna kalsoon.
Xuseen
Aadan Yuusuf (Kurdi)
Xuskurdi@gmail.com
Maxaa Aynu Askari u Noqon Waynay WQ Xuseen Aadan Yuusuf(Kurdi)
Mowduucaagu waxa uu ku saabsan yahay dadka sida xad dhaafka ah ugu soo qulqulaya mihnadda saxaafadda, kana shaqo gelaya iyagoo aan u lahayn sadexdan arimood