Xukuumada Siilaanyo waxay Qarimada u taqaanaa inta u darban ee dalabka ugu shaqeysa, inta maleegta qudha iyo qoonta iyo inta Futeysa Maalka,Maganta,Moorada iyo Muquunada Qalinkii A/rahman fidhinle–

0
Tuesday July 01, 2014 - 19:43:25 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1071
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xukuumada Siilaanyo waxay Qarimada u taqaanaa inta u darban ee dalabka ugu shaqeysa, inta maleegta qudha iyo qoonta iyo inta Futeysa Maalka,Maganta,Moorada iyo Muquunada Qalinkii A/rahman fidhinle–

    Xukuumada Siilaanyo waxay Qaranimada u taqaanaa inta digreetadeeda ku timi iyo inta dabo socota ee dabo ka nuuga ah, inta deman ee deris ku noosha ah, inta darban ee dalabka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xukuumada Siilaanyo waxay Qaranimada u taqaanaa inta digreetadeeda ku timi iyo inta dabo socota ee dabo ka nuuga ah, inta deman ee deris ku noosha ah, inta darban ee dalabka Xukuumada Siilaanyo waxay Qaranimada u taqaanaa inta digreetadeeda ku timi iyo inta dabo socota ee dabo ka nuuga ah, inta deman ee deris ku noosha ah, inta darban ee dalabka ugu shaqeeya,inta sibiqada yar,sedbursiimada iyo susumada ku soo gashay ee dhawaan dhaladka ah, inta faydan ee fiintu ka qeylisey ee fidnada iyo findhicilka ah, Inta lunsiga,laab lakaca, labaca iyo laba liska ku caan-baxdey ee maalin la noolka ah, inta agnaanta iyo afgarooca ah ee doogdhabanaaya ee doogsin cararaaya ee dalqada indhaha ku leh, inta aan laheyn buruudka, burhaanta iyo burjigaba ee uqawdhamaaya una qaldhabaaya sidii ay uxantoobsan lahaayeen midigeys iyo odeyeys aaney xaq iyo xeegaantoona ulaheyn.inta horyaaleysiga,huuhaada,habaqleysiga iyo habqan socodka ku caan baxey si ay uhaleelaan una hantiyaan dhawr iyo muquuno aaney geyin, inta danla-ordka ah ee durdurineysa ee darjiidhka ku caanka ah si ay ufagtaan weysha jimcaha,inta kala horka diidan ee hormo qamaameysa si ay ufadhateystaan ibdarka iyo gawnka,inta dibiro dhaaftey ee dawaada ka maraareysatey ee doobineysa ee dhibishaxleyneysa ee ku caanka baxey qoorqabadka,qarqarsiga iyo qabyaalada ay ku dhextuurtey shacabka qeybihiisa kala duwan,inta weyraxsan ee waranlaha ah ee wanjalaahada,wejigabaxa,isweerarka iyo isweeteynta ku caanka baxey ee mujaahidiintii madashu ka hadhsan ladahay.Xukuumada Siilaanyo ha loogu dhaarto in aaney Qaranimadu aheyn bilaa qorshe iyo wadadu wadey daalibeysaa, wado-wado ku xanid,iskooxeysi, isxaafadeysi,isxigaaleysi,isxidideysi,xabkeysi,taajir wasteysi,shaqshi jecleysi,isqabyaaladeysi, isdegaameysi, ganacsi, dilaalis, hanti lunsi iyo sheerar kala iibsi ee ay Qaranimadu tahay dhamaan shacabka reer Somaliland qaybihiisa kala duwan oo siman, isku duuban oo isku dan ah isku dad iyo isku dal ah. Maanta oo Bil Rabadaan ah Xukuumada Siilaanyo waxaa looga fadhiyaa in ay muskeeda iyo miscirirteeda, ka qocondho iyo qodaxba tirto khushi talaabsiga iyo awooda dawladnimo ee la isu adeegsanaayo waxaana tusaale kuugu filan Mujaahid Yusuf Abdi Gaboobe oo uxidhan xaqdaro iyo aargoosi Siyaasadeed.Waxaa looga fidhiyaa in ay caadka iyo ciiradaba ka qaado gooni-isutaaga JSL, waxaa looga fadhiyaa in ay faraha kala baxdo si shaqadooda dastuuriga ah ay ugutaan Garsoorkii qaranku, waxaa looga fadhiyaa in ay dhidibada u-adkeyso dawladwanaag ku fadhida dhaxalkii awowyaasheen oo ay horseed iyo hormuudba uyihiin mideeyeyaal, jideeyayaal iyo Jiheeyayaal shacabka Somaliland walaaleeya kuna haga tobiyaha toosan, horumar iyo himilooyinkii la higsanaayey ee lagu taamaayey mudada dheer.Waxaa looga fadhiyaa hadal hanaqaad ah oo hilaaban, waxaa looga fadhiyaa Xilgudasho,xisaabtan isxisaabin iyo xishmad.. Waana iyaga iyo Allehood !!

Allaa Mahad iyo Mudnaanba Leh
Wa-Laahum-Aclam-Wa-Bilaahi-Tawfiiq
Wehelkiin Waa-Alleh iyo Nebi (scs)
Qalinkii : A/rahman Fidhinle
Intensive ED BD PA
United Kingdom
Londo
n.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured