Xadhiga Maamulka Haatuf, Somaliland Times Iyo Hubaal News: In Shakhsiyaad Aan Qaranka Xil U Haynini Awoodi Dalka Toos Ula Wareegeen Siday Hadba Doonaana Ugu Takri Falaan By Axmed Cali Ibrahim Sabeyse

0
Tuesday July 01, 2014 - 07:54:59 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 912
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xadhiga Maamulka Haatuf, Somaliland Times Iyo Hubaal News: In Shakhsiyaad Aan Qaranka Xil U Haynini Awoodi Dalka Toos Ula Wareegeen Siday Hadba Doonaana Ugu Takri Falaan By Axmed Cali Ibrahim Sabeyse

    Distoorka Somaliland iyo xeerarka ka farcamaaba waxay sid cad u qeexayaan xoriyaadka asaasiga ah ee muwaadinka iyo waajibaadka la xidhiidha. Ku dhaqanka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Distoorka Somaliland iyo xeerarka ka farcamaaba waxay sid cad u qeexayaan xoriyaadka asaasiga ah ee muwaadinka iyo waajibaadka la xidhiidha. Ku dhaqanka Distoorka Somaliland iyo xeerarka ka farcamaaba waxay sid cad u qeexayaan xoriyaadka asaasiga ah ee muwaadinka iyo waajibaadka la xidhiidha. Ku dhaqanka shuruucda dalku waxay ka tarjumaysaa kala dambeynta iyo dhowrista sharciyadda si uu u hana qaado nidaam ay ku dheehantahaya caddaalad iyo sinnaan hoosta ka xariiqaysa hab-sami u socodka dowladnimo.
Waxa xaaraan maqdac ah in la adeegsado xeerkii ciqaabta (Penal Code) ee lagaga dhaqmi jirey Soomaaliyadii haligantay iyadoo sharcigii saxaafada ee dhaqan galay 2004 dalka ka jiro. Garsoorayaasha dacwadda lagu riday maamulaha iyo tafatiraha Wargeyska qaabka ay dacwada u maamuleen waxa ka muuqata in meel kale laga hagay oo arrin madaxtooyada lagu go’aamiyey ayey fulinayeen taasina sidii madaxtooyadu jecleyd ayey u fushay. Dacwadani waxay daaha ka fayday:


In shakhsiyaad aan qaranka xil u haynini awoodi dalka toos ula wareegeen siday hadba doonaana ugu takri falaan;
Awoodihii u kala xadaysnaa waaxa Fulinta, Waaxda Garsoorka, iyo Waaxdii Sharci Dejinta oo gebi ahaantoodba ku ururay qasriga madaxtooyada. Sawirku waa ifafaalihii sannadkii 1987 markaas oo Guddoonkii Ururkii SNM, Guddoonkii Golihii Dhexe ee Ururka, iyo tii Golihii Fulintaba gacanta loo geliyey Md. Axmed Maxamed Maxamuud oo xiligaa aha Guddoomiyihii SNM!! Wuxu yidhi dugsiga iyo dayax isku toosanaa. Waa cajalad hadba dib u soo cusboonaanaysa; waa masraxiyad aan bilow iyo dhammaad midna lahayn.
Milgihii, karaamadii, xormadii, iyo sharaftii Somaliland oo xukuumadda dalka ka talisaa dhulka jiiday;
Xukuumaddii talada loo igmada oo gudo iyo debedba hawlihii dibloomaasiyadeed si foolxun ugu fashilantay;
Xukuumaddii talada dalka lagu aaminay oo u xuusiibatay qabyaalad, kala qoqob, qaraabo kiil, eex, iyo hanti urursi;
Khayraadkii dabiiciga ahaa ee bad iyo berriba ku jiray ee ummadda ka dhexeysey oo shirkado shisheeye hadiyad loo siiyey; heshiisyada shirkadaha shisheeye xukuumaddu la gasho way ka gows adeygtay in horkeento Dolaha Sharci Dejinta sida distoorka qaranku jideynayo;
Xukuumada maanta jirta waxa kale oy ku fashilantay sugidda soohdimihii dalka waa taa bulshadii caalamku inagula soo dhiiratay deel-qaafyo lid ku ah qarannimadeenii iyo jiritaankeeni daawacay gaadhsiisay oon ilaa maanta jawaab cad xukuumadu ka bixin la’dahay;
Doc kastoola eegaba waxa markhaati madoon ah dalkii oo heehabaya.
Madaama Yuusuf Cabdi Gaboobe iyo Axmed Cali Cige maxakamadu diiday in ay dhegeysato caddaymihii la xidhiidhayey musuqmaasuqii wargeyska Haatuf sida taxanaha ah u baahiyey. Xukunka lagu riday Gaboobe iyo Cige waa mid baalmarsan curfiga xeerarka dunida lagaga dhaqmo waana mid toos uga hor imanaya distoorka qaranka Somaliland; waa garsoor hagaasay iyo caddaalad majara habowday. Sharci lagu tunto iyo xoriyad la cabudhiyaa horumar inoo horseedimaayaane jidkan guracan xukuumaddu dib ha uga fiirsato. Bulshoweyntii caalamka ee waxqabsigeena inagu ammaani jirtey maanta cambaareyn aan kala go’ lahayn waa taa ina huwisey. Waxa haboonaan lahayd in sharciyadda dalka dib loogu soo dabbaalo.
Isku soo wada duuboo gaddaandhabadkani wuxu daaranyahay waa xaalad abuur iyo xeelad muddo kordhineed iyo sii jecleysi ku negaanshaha kursiga; taasina waxay sii kordhin doonta ummadda oo xisbul-xaakimka iyo xukuumadaba kalsoonidii kala laabta,
Axmed Cali Ibrahim Sabeyse
asabeyse@hotmail.com
June 30, 2014.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured