Maxaynu Askar U Noqonweynay !? Cumar Seerbiya

0
Monday June 30, 2014 - 19:49:53 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1003
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxaynu Askar U Noqonweynay !? Cumar Seerbiya

    Dhinac waa ka sixitaan dhanka waa ka madadaalin baal kalena waa ka xog waramid wax loo soo joogay oo waqtigan ku haboon in wax laga sheego.Sideedaba marka laga sheekaynayo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dhinac waa ka sixitaan dhanka waa ka madadaalin baal kalena waa ka xog waramid wax loo soo joogay oo waqtigan ku haboon in wax laga sheego.Sideedaba marka laga sheekaynayo Dhinac waa ka sixitaan dhanka waa ka madadaalin baal kalena waa ka xog waramid wax loo soo joogay oo waqtigan ku haboon in wax laga sheego.Sideedaba marka laga sheekaynayo arrin aad waaqica deegaankaaga ka jirta aad u adeegsan karto waxa kuu samaynaysaa macno gaar ah sababtuna waa adiga oo tusaale iyo tilmaan ugu adeegsan kara.Waxaan qayb qoraal yar ku darsanayaa sheekada Maxaynu Askar U Noqonweynay? oo runtii fikir iyo maskax furan lagu cabiray waxii hore looga yidhi.muddo haatan laga joogo sannado ku siman laba waxa aniga oo fadhiga goob Maqaayad laga cunteeyo, iigu yimi nin aanu asxaab dugsi waxbarasho isku ahayn waa Guuleed oo hareeraha ayuu baalo daymoonayaa waxaad moodaa in cabaar la eryanaayey salaan ka dib wuu ila fadhiistay isaga oo hadana dhinacyada sii eegaya waan dareemay in ay wax la soo darseen daqiiqado ka dib ayaan weydiiy bal waxa ku soo kordhay , isaga oo niyadiisa qosol ka dhaadhicinaaya ayuu iiga sheekeeyey waxa uu la kulmay kuwe” markii aan guriga ka soo baxaayey ee aan soo labisanaayey waxa dharkayga ku dhex arkay surwaal Tuute ah (dirayska askarta) oo aan muddo ka hor ka iibsaday suuqa balse aanan wali xidhan “ marka uu halkaasi marinaayo Guuleed sheekada ayaa waxaan eegay Suraalka uu hada xidhan yahay waxaanan arkay in uu waqtigan sito mid hun ah (duug) balse aanan ahayn dirays askareed ii sii wad Guuleed sheekadii oo yidhi “ Ka dib waan soo xidhay surwaalkii markii aan ilaa toban daqiiqo gurigii aan soo mooganaa (kasoo maqnaa) waxaan isku dayey in aan meel waddo laamay ah aan ka talaabo waxaan arkay laba nin oo dhinaca kale ee laamayda taagan oo isoo eegaya (fiirinaaya) waan eegay dhankoodii markii ay indhahayagu isku dhaceen ayey ii yeedheen , u tagay , isla markiiba waxay I weydiiyeen saldhigeed ka tirsanthaya ? si kaftan ah ayaan ugu yidhi Saldhig hebel, ma ogi waxay markaasi uga jeedaan balse waxaan isleeyahay waa iska ilaaqtan uun (Ciyaar) waxay I weydiiyeen magacaa ? u sheegay in Guuleed yahay magacayga, teleefan ayey markiiba direen waxaana la hubiyey in aan ka tirsananay saldhigaasi aan sheegtay iyo in kale markii aan maqlay in qof hadalkaygii laga hubinaayo ayaan dib u gurtay oo aan idhi” waan kaftamaayey ee maxaa u jeedeen idinku ? ii may jawaabin xoogaa yar ka dib waxa lagu soo celiyey teleefankii uu mid ka ahi diray waxaan ka fahmay in fariin maya ah loo sheegay oo ah in aan nin Guuleed magaciisu yahay katirsanayn saldhigaasi .ragani labaduba waxay ku labisan yihiin dharkii askarta laba qorina waa sitaan waxayna isla markiiba igu amreen in aan fuulo baabuurkoodii oo aan ka fogayn lay kaxee layna gee saldhigii aan sheegtay ? maxaad ahayd waa su’aashii ugu horaysya ee uu I weydiiiyey taliyihii saldhigu?.u sheegay in aan ahay nin dhallinyaro shicib ah inta uu xadhig ugu amray ayaa hadana la I weydiiyey dharkan aad xidhan tahay (qabto) iyo kaygan (ka taliyaha) bal isku eeg ? waxaan ugu jawaabay surwaalka ayaanu iskaga mid nahay? Hadana I sii weydii oo yidhi “ shaadhka (Shaatiga) isaga iyo kuwakale ee dadku ay xidhaan ma isku mid baa (shicibka)? Ugu jawaabay” maya oo isna garbaha ayuu wax ku leeyahay waxaanu yara shabahaa dirayskii askarta”. marka ay halkaasi marayso ee aan anna dhagta u taagayo meesha ay sheekadu iskugu biy shubato waxa uu intaasi ii sii raaciyey in dedaal u galay sidii uu taliyaha saldhiga ugu qancin lahaa in uu dharkan xarago ahaan uun u sitay balse ayna ka ahayn faro-gelin shaqada ciidanka waxaana soddon daqiiqo ka dib loo ogolaaday in uu ka baxo saldhiga isaga oo waliba lagu armay in uu bixiyo dharkii uu markaasi xirnaa looguna bedelay mid hun ah oo markaasi yaallay meesha saldhiga ahna dharka shacabka.Aniga oo sheekadaasi Guuleed maanka ku haya waxaan habeen kale kulanay nin asxaabta ka mid ah oo ah suxufi waxa uu si kooban iigaga waramay sheeko muddo yar socotay balse hadal haynteedu waqti badanmaskaxdayda ka sii guuxaysay waxayna ahayd sida uu iigu sheegay “Nin aanu maalin dhaweyd goob markaasi shir jaraa’id ka socday (hadalka dadka warka sameeya ) aanu ku kulanay oo markaasi aan u arkaayey weriye idaacada ma warbaahinta qoraalka ah ka tirsan marka la eegayo qalabkii uu warka ku duubayey ayaan caawa si amni ahaan ah ii baadhay “ hadalkaasi waa ka uu saaxiibkay sheekada iigu ibo fuiray. marka uu halkaasi marinaayo ayaan ku idhi bal ii sii faahfaahi maxaa kala galay suxufi iyo askari ii siiwad sheekadii “ ka dib maalintaasi ismaanan arag , caawa (habeenkaasi) ayaanu kulanay balse muuqaal kii maalintii hore ka duwan ayaan ku arkay iyo waliba shaqo ka duwan , oo maxay ah ayaan weydiiyey ? waxa uu isaga oo qoslaaya igu yidhi waxa uu ka mid ahaa askar baadhitaan ka waday jidka dhexe ee Hargeysa isaga ayaana baabuurkaygii baadhay

Labadan sheeko markii aan is bar–bar dhigay waxaan is weydiiyey askarigiiba waakan Suxufi noqdaye Suxufigu maxuu askari u noqon waayey ?
Cumar Seerbiya
Hargeysa Somaliland
Omarserbia1@hotmail.com



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured