Xogta Ku Duugan Xadhiga Wargeyska Haatuf, Qalinkii Saleebaan Ibrahim Mohamoud

0
Sunday June 29, 2014 - 17:25:52 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1034
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xogta Ku Duugan Xadhiga Wargeyska Haatuf, Qalinkii Saleebaan Ibrahim Mohamoud

    Waabaad I xusuusisay!! ‘Shiba waxa dibnihii looga dhigay shar iyo khayr daayey Abwaan wuxu murtidii uga shakiyey sheeg hadaad garato’

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waabaad I xusuusisay!! ‘Shiba waxa dibnihii looga dhigay shar iyo khayr daayey Abwaan wuxu murtidii uga shakiyey sheeg hadaad garato’ Waabaad I xusuusisay!!
‘Shiba waxa dibnihii looga dhigay shar iyo khayr daayey
Abwaan wuxu murtidii uga shakiyey sheeg hadaad garato’
‘Runtii shibiqda waxa looga dhigay una shareernaatay
Ee Beentu shaaraca ku timi sheeg hadaad garato’
‘Shirkii lagu balamay faaladii shaaca laga qaaday
Shalmadi koore raacdaye waxbaan sheeda ka arkaaye
Shishe u garanay haasaawihii shaadirka lahaaye
Shafdhigeedu meeshuu hirdiyey sheeg hadaad garato’

‘Belaayada shinkeed galay fidnada laga shaqaynaayo
Shoocaaligeedaa hirmacay waase sheen go’aye
Shakartii qabiilkiyo wiglada lagu shanlaynaayo
Waxa qaranka shuushkii ka baxay dib ugu shaansheeyey
Shaarubo libaax iyo hadday shaadh amaan tolatay
Sharcigii qaban lahaa meelu jiro sheeg hadaad garato’
‘ninku kibirku shaanshaan ka riday maalmo shaxanreebye
misne waxaanu sheekada ku darin shiishka soo maqane inta shaqalka gaabani u jiro sheeg haddaad garato’Tuducyo ka mid ah Maansadii Shiinley ee Cabdi Iidaan Rabbi naxariistii jano ha ka waraabiyo.Sida aynu ogsoonahay wargeysyada haatuf iyo Somaliland times waxa ay soo bandhigeen musuqmaasuq ay samaysay xukuumada uu hogaamiyo Madaxweyne Axmed Siilaanyo, gaar ahaan wasiirka wasaarada macdanta iyo tamarta JSL, haddaba markii uu wargeysku daboolka ka rogay musuqmaasuqaas ayaa albaabada loo laabay wargaysyaddii Haatuf iyo Somaliland times, Mulkiilihii iyo tafatirihiina xabsiga loo taxaabay ugu danbayntiina waxa ay xukuumada ku xukuntay iyada oo maxkamada u sii maraysa xadhig, ganaax lacageed iyo wargeysyadii oo laga qaaday ruqsadii sharciga ahayd waana la mamnuucay soo bixistooda.Waxaa kale oo maalmahan la hadal hayaa in la iibinaayo dhismihii wargeysyada Haatuf iyo Somaliland times ay deganayd. Dhismahaas oo ah dhisme dowladeed balse wargeysku ku shaqaynaayey muddo labbaataneeyo sanno ah waxaana la sheegayaa in tujaarta waaweyn laga baayacay lana gaadhay qadar lacageed oo lagu qiyaasay 10 million oo doolarka maraykanka ah. Markaa haddii ay arrintaasi dhabowdo miyaanay noqonayn ‘waabaad I xasuusisay!! oo waxaan iibinayaa dhismaha wargeysyadu ku shaqeeyaan’. Ilayn wargeysyadaa ciyaartii waynayso ku eegaayee.Haddaba waxaan ugu baaqayaa xukuumada inay ku soo noqoto ku dhaqankii distoorka JSL, Wargeysyada iyo weriyayaashana ay xuquuqdoodii u soo celiso.Wasiirada dhegxumada u soo jiiday xukuumadana aanay difaacin balse ay waajibkooda mariso. Booba yaa wasiiro iyo xukuumad. Haddii kale ha ogaato inaan la iskaga hadhay dhiishaa dhaansiga hantida qaranka waana lala xisaabtami doonaa marka talada food lagaga qaado.
Qalinkii Saleebaan Ibrahim Mohamoud
Email: khayreibrahim@outlook.com
Togdheer, Burco




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured