Weraarkii Saqda Dhexe Lagu Soo Qaaday Guriga Wasiir Kuxigeenkii Hore Amniga Wuxuu Ina Xasuusinayaa Taliskii Siyaad Barre.

0
Sunday June 29, 2014 - 17:21:49 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1191
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Weraarkii Saqda Dhexe Lagu Soo Qaaday Guriga Wasiir Kuxigeenkii Hore Amniga Wuxuu Ina Xasuusinayaa Taliskii Siyaad Barre.

    ASALAAMA CALAYKUM WARAXMATULAAHI WABARAKAATUHU,RAMADAAN KARIIM DHAMAAN UMADA MUSLIMKA AH GAR AHAAN INTA AFKA SOMALIGA KU HADASHA WAXAAN

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

ASALAAMA CALAYKUM WARAXMATULAAHI WABARAKAATUHU,RAMADAAN KARIIM DHAMAAN UMADA MUSLIMKA AH GAR AHAAN INTA AFKA SOMALIGA KU HADASHA WAXAAN ASALAAMA CALAYKUM WARAXMATULAAHI WABARAKAATUHU,RAMADAAN KARIIM DHAMAAN UMADA MUSLIMKA AH GAR AHAAN INTA AFKA SOMALIGA KU HADASHA WAXAAN LEYAHAY KULU CAAM WA ANTUM BILKHAYR,INTA KA BACDI MAHAD OO DHAN ALLAH AYAY U SUGNAATAY, ALLAHA INOO SUURA GALIYEY INAYNU INAGOO DUNIDA DAAFAHEEDA KALA JOOOGNA MISANA AANAY HALNA ISKU KEEN SEEGANAYN, MAHADAAS KA BACDI WAXA IYANA MAHAD U SUGAN TAHAY WARBAAHINTA MADAXA BANAAN EE somaliland,, NOOCAY DOONTABA HA AHAATEE, KUWAASOO MAR WALBA ISKU HAWLA SIDII AY DADKOODA IYO DALKOODABA UGA HAQAB TIRI LAHAAYEEN WARAR SUGAN OO XAQIIQDA KU SALAYSAN INTAA KA BACDI.

waxaan qalinka u qaatay inaan wax yar ka idhaado weraarkii foosha xumaa ee ciidamada labaxay rru ku qaadeen saqdii dhexe 30 may habeenimadii jimcaha iyo cidkasta oo ka danbaysay weraarka oo ah mid aan hore uga dhicin dalkeena somaliland oo guri caruuri hurudo loo adeegsaday hubka kiisa kala duwan ee ugu culus iyo waliba in sun lagu buufiyo caruur yar yar oo huruda,iyada oo aad moodid inlala dagaalamaayo cadow dabada inagaga soo duulay ama inaga soo weraray dabada hadaba waxaahalkan inooga cadanaysaa inaan sidan siilaanyo aanu dalka kumaamulin ee ay dad shiisheeya taladii dalku gacanta ugu jirto taana waxaa daliil u ah tan iyo markii ay soobaxday dowladan uu mudane axmed maxamed siilanyo gadhwadeenka kayahay ay la soo baxday caga juglayn ah car hadal oo ah qofkii maanta dowlada dhaliilo u soo jeediya xabsiga lotaxabaayo taas oo shacabka reer somaliland kawada dharagsanyihiin sida uu maamulkiisu dhibka ugu hayo shicibka somaliland.iyada oo hadii ay dowladu danbi cad ku hayso wasiir kuxigeenka ay wado sharci ah u soo marilahayd sida uu ina faraayo dastuurkeenu inta ay caruur huruda la dultagayaan wixii aynu ka soo dagaalanay ee aynu dhiiga badan u soo daadinay,tanina waxay masuuliyad daro u tahay habaka uu u maamulaayo siilaanyo iyada oo ay dadku is waydiinayaan inaanay talada dalku gacanta ugu jirin madaxwayne siilaanyo ee ay dad dano gaara wataa ay ku dul maamulayaan dalkan oo uu lumiyay kalsoonidii shicibkii soo doortay oo ay dad gaari ku tagri falayaan awoodihii qaranka somaliland dad aan loo dooran iyaga oo ay cidii hanan lahayd masuuliyada qaranka somaliland ka hortaganyihiin sidaas oo ay hadana tahay ayay rabaan oo ay dad gaari dabad ka riixayaan inu sii fadhiyo kursiga oo uu ka taganyahay fashil kiisi ugu waynaa hadaba waxaas oo dhiba ee ka dhacay gurigii wasiir ku xigeenkii hore ee amniga mudane cabdilaahi abokor waxaa ay masuuliyadaasi dhakada ka sarantahaycidkasta oo ka danbaysay dhibkii halkaas ka dhacay ciidi lahayd amarkeeda dhacdooyinka sidan oo kale ahi waa wixii lagula dagalamayay dowladii kali taliska ahayd ee siyaad barre oo sidan maanta ka dhacaysa somaliland oo kale ku haysay shabka reer somaliland oo saqda dhexe guryaha kala bixijirtay.
cadaalada darada dalku waxay maraysa abid halkii ugu saraysay ee ay gaadho tan iyo markii aynu dib ula soo noqonay xoriyadeena laga bilaabo 1991, oo ay tahay dowladii ugu xaqdarada badnayd ee abid ina soo maamusha sababta oo ah waxaa ku cadaynaysa xaqdarooyinka ka taagan dalka in qofkii u adkaysan waaya dhibka,xaqdarada ama tacadiga ka taagan dalka somaliland markay u adkaysanwayaan waxaa ay arkayaan ee ay wax ka yidhaadan xabsiga loo taxaabayo tusaale ahaan maxaa wasiir ku xigeenkii hore amniga lagu haystaaa waa su,aal?
hadii aanay wax ka jirin wax yaabihii uu kagag hadlay shirkiisii jaraaid ee khuseyay dowlada axmed siiraanyo,
2. gudoomiyihii wargeyska madaxbanaan ee haatuf suusuf cabdi gaboobe iyo tafatihii wargeyska haatuf waxaa lagu haystaa xaqiiqo jirta oo ay shacanka u soo bandhigeen iyaga oo gudanaaya wajibaadkoodii shaqo ee ay haysteen waxaas oo dhan hadanay jirin maxaa xoriyadoodii looga qaaday .
waxanay ina tusaysaa tani in qofkii runta sheegaba xabsi lagalinaayo oo laga gubanaayo xaqiiqada dhabta ah ee ay arkeen muwadiniinta dalka xaqa ku leh,
waxaan leyahay oday siilaanyo dadku way kawada dhargeen oo way ka tashanayaan sanadka ku hadhayna sidaad ku dhamaysan illahay ayaa og oo inamo yar yar ayaa dadkii kugu wada dacareeyay uu ugu horeeyo xirsi.waxaan ku soo gaba gabaynayaa dhacdadani waa mid meel kugu xardhan oo taariikhdu iyada ayaa isqorta ee lama qoro.wana mid kugu taala page ka noloshaada intaad nooshay xaqdarada aaad dadka ku maamulayso iyo xisidka aad galisay dad bdan oo rajo ka qabay inay dalkan maamulaan lakiin waxaan la hubin sidaad marlabaad ugu soo labanlahayd talada dalkan somaliland.
allah mahad leh
w/q.mohamed ali
email: - MUXO410@GMAIL.COM




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured