dhacdooyinkii iyo Fashilaadihii isbado yaalka ahaa ee xukuumada Siilaanyo taariikhda loogu duugay 4tii sanadood ee ay caadooyinka gunnimada ah ku caanka baxdey iyada oo ummadiina daaha uga qaadey in siyaasadeedii ay isugu soo biyo shubatey Xiisad Sameys, Danley, Sheerley, Shirkadley aanu shillin dhaafin: Qalinkii A/rahman fidhinle–

0
Wednesday June 25, 2014 - 16:54:43 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1017
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    dhacdooyinkii iyo Fashilaadihii isbado yaalka ahaa ee xukuumada Siilaanyo taariikhda loogu duugay 4tii sanadood ee ay caadooyinka gunnimada ah ku caanka baxdey iyada oo ummadiina daaha uga qaadey in siyaasadeedii ay isugu soo biyo shubatey Xiisad Sameys, Danley, Sheerley, Shirkadley aanu shillin dhaafin: Qalinkii A/rahman fidhinle–

    dhacdooyinkii iyo Fashilaadihii isbado yaalka ahaa ee xukuumada Siilaanyo taariikhda loogu duugay 4tii sanadood ee ay caadooyinka gunnimada ah ku caanka baxdey iyada oo ummadiina daaha uga qaadey in siyaasadeedii ay isugu soo biyo shubatey Xiisad Sam

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

dhacdooyinkii iyo Fashilaadihii isbado yaalka ahaa ee xukuumada Siilaanyo taariikhda loogu duugay 4tii sanadood ee ay caadooyinka gunnimada ah ku caanka baxdey iyada oo ummadiina daaha uga qaadey in siyaasadeedii ay isugu soo biyo shubatey Xiisad Sameys, Danley, Sheerley, Shirkadley aanu shillin dhaafin: Qalinkii A/rahman fidhinle– Waxa aqoon yahanka iyo wax garadka JSL ay isku wada raaceen in waxyaabihii ay xukuumadani ummadda uqabatey in ay ka sii culus yihiin diiftii, dil-dilaacii,riiqdii, hintaaqadii, qeybsanaantii, qabyaaladii,iyo afooyinkii godobta wada ah ee ay kala dhex dhigtey shacabkii iyo dhamaan beelihii iyo bulsho weyntii walaalaha ahaa reer Somaliland iyo cadaalad darada ay ummadu wada aragtey ee ay xukuumadu u qaybisey manfacii,magantii, mooradii, mansabkii,fursadihii ilaha dhaqaalaha, dhulkii danta guud ahaa, kontaratyadii iyo Liisamadii hantida maguuraanka ah ee loo baahnaa in ummaddu wada yeelato. bal nala wadaaga dhacdooyinka hoose ee wada runta ah ee ay maareyntoodii xukuumadeena faan-jecel, dur-yar, dareen-nugul ,diihaal badan ay ku-gel-gelimeysatey, kuna dhaba-baceysey, kuna asqowdey,kuna ceyn iyo baydba godey hadana ay ku adkaatey sidii ay isaga maydhi laheyd fadeexadii iyo ceebihii gunnimada ahaa ee goobahaas ka soo gaadhey oo ilaa iyo maanta xukuumada ku ah bar madow oo aaney iska meydhi karin ee taariikhda ugaley, Taa soo lagu xasuusan doono mustaqbalka.

1-- Dilkii-foosha xumaa ee Seemaal ee loo xidh-xidhey dadka fara badan oo uu kamid ahaa la taliyihii hore ee siyaasada ee madaxweynaha ee markii danbe cadka quudheed loo siiyey (Wasiir-nimada) isla markaana xilka lagaga qaadey taliyihii ciidanka qaranka ee hawlkarka ahaa.Bal-iyana yara xusuusta fadeexadii iyo ceebihii ka dhacey Ceel-bardaale iyo sidii loo maareyey.2- Dagaalkii dhiilada badnaa ee ka dhacey Degaanka Buuhoodleh ee xilkiisii uu ku waayey taliyihii cii danka qaranku, ee ciidamona ay ku naf-waayeen qaarna ay ku
dawladnimada S/land loogu fidin lahaa.
3- Diyaaradii sidey saanadda ciidamada ee Puntland ee waxoogaga lacagta ah laga qaatey, kadibna lafasaxay ee ooda laga qaade.
4- Raashinkii danyarta laga duudsiyey oo dhamaa 2 doonyood oo buuxa ee dib loogu eedeeyey xeyndaabkii madaxtooyada iyo madaxdii xukuumada taas oo aan ilaa iyo hadana aan la garaneyn Lunsigaa raashinka danyarta cidii masuuliyadeeda laheyd.
5- Liisankii ama rusqadii qaraabo kiilka ahaa ee shirkada ninka keliya leeyahay loo caseeyey ee la siiyey Buurihii Sibidhka ahaa oo ahaa ASSET-kii ummadda Somaliland oo dhami wada laheyd taas oo aan ilaa iyo haddana aan Labadii shirkadood ee iskhilaafey aan la kala maareyn dacwadoodiina dilaaliinta xukuumada ee gacan-wadaagaleyda ah lagu wareejiyey.
6- Ceebtii ka dhacdey Doorashadii golayaasha degaanka ee wadanka ka dhacdey kal hore ee ay xukumuudu af-duubtey ee sida ay doontey ugu shubatey ilaadadii iyo foodkii shacabka, taas oo ay ku dhinteen dhalinyaro qaar-na ay ku dhaawacmeen halkaasna ay ku wiiqantey sharaftii iyo karaamadii doorashooyinka S/land lagu amaani jirey ee lagu majeeran jirey, taas oo iyana sii sababtey in ay hoos usii-dhacdo cabirkii ay qaramada midoobey ay ku cabiran jireen xaraarada nabadgelyada S/land.

7) - Waxaa Ceeb ma hadho ah iyo bar-nadow ku ah xukuumada Siilaanyo sidii ay u-musuq-maasuqdey lacagtii Malaayiinka doolar aheyd ee loogu talo galey in lagu dhiso Madaarka Hargeysa iyo Madaarka Berbera, Taas oo aaney weli shacabka S/land u-cadeyn siyaabihii ay lacagahaas malaayiinka ahi ku-baxeen. Waxaa Ceeb iyo Fadeexad lama ilaawaan ah oo taariikhda loogu daabacey loona aaneeyey in qanadaraas xaqdaro ah lagu siiyey shaqsi keliya oo ahaa daba-ka nuug deris ku nool ah oo caan ah.

8) - Waxaa cadaan ah in xukuumada uu musuq-maasuqeedu uu ku saleysan yahay isxaafadeysi, kooxeysi, xabkeysi, xasabeysi, Xigaaleysi,ganacsi , shaqsi jecleysi iyo hadaf waqti-dheer ah oo ay u-meel-sameysanayaan kooxda casabada qawleysatada ahi sidii ay hantidii ummadda ka dhaxeysey ay ugu noqon lahaayeen mulkiilayaasha mustaqbalka ee berito,.Nasiib daro Waxaa uu maanta ASSET-kii iyo hantidii maguuraanka aheyd ee wadanku ay ku ragaadeen oo ku baa'ba'een gacmihii xukuumadii lagu aaminey ee loo dhaariyey in ay ka odayeyso oo bad-baadiso oo ku qaybiso sife cadaalad ah oo sharciga wadanka uyaala waafaqsan.9) - Waxaa Xukuumada Fadeexad qaawan iyo Ceeb ugu fillan lacagihii Mallayiinka Doolar ahaa ee xaqal-qalinka ahaa ee ay ka qaadatey Shirkadihii Sahaminta Batroolka oo ay ugu horeyso shirkadii wadanka ka baxdey ee Genal Energey iyo shirkadihii kale ee ay qiratey in ay heshiisyo la gashey kuwaas oo ay ka midka ahaayeen shirkadaha shidaalka ee DNO, ASDAN, RAAS-GAAS iyo AVEAL.kuwaas oo aan baarlamaanka la hor keenin oo ay ka dhawaajiyeen ilaa iyo UN monitoring group.
10) - Caadooyinka gunnimada ah ee ay xukuumada Siilaanyo ay had iyo jeer kula gal-galato Saxaafada iyo Xisbiyada mucaaridka ah ayaa tiro beelay dhawaan.Waxay Musharax Jamal Ali Xuseen ka horjoogsatey in uu booqdo Gabiley iyo Burco, waxay xabsiyada utaxaabtey Gudoomiyayaashii Xisbiga mucaaridka ee Ucid,oo Dumar iyo Ragba isugu jira, waxay albaabada ulaabtey Hubaal, Haatuf iyo Somaliland times , waxay xabsiga dhigtey wariyayaal tiro beelay oo uu ugu banbeeyey tafatirihii Haatuf iyo Yusuf Abdi Gaboobe oo uu weliba Xeer-ilaaliyuhu maxkamada dhexdeeda ugu hanjebey.

11) - Waxaa ummadda ucadaatey in aaney maanta S/land jirin Maslaxad Qaran, maadaama ay xukuumada Siilaanyo ubanbaxdey burburinta jawigii Dimuqraadiga ahaa ee Geedi socdokii Dimuqraadiga aah ee JSL ku taami jirtey mudada dheer, waxaaney Xukuumadan Siyaasadeedii isugu soo ururtey khidad daciifa oo deris ku nool ah oo ay dhuuxa ka gashey Aargoosi Degamsan, Cadaawe Siyaasadeed, xiisad sameyn iyo xaalad abuur ku raadgadasho ah oo ay ku raajicinayso waqti korodhsi abihii goblamey.
12)- Waxaa ummadda Somaliland wada daalacatey oo u- fiirsadeen siyaabaha ay usocoto maamulmaareynta hawlmaalmeedka xukuumada Siilaanyo ee isugu soo ururey Xeyndaabka Madaxtooyada waxaana waxgaradka fogaan araga ahi isku wada raaceen in hogaanka xukuumadu aanu weli ka xoroobin aragtida gaaban ee iskooxeysiga iyo xaafadeysiga ku saleysan , Taas oo aaney tusin weli xukuumad ahaan shacabkii dirtey ee doortey karti siyaasadeed oo hufan oo ku saleysan feker buuxa iyo aragti dheer ( vision ) laakiin uu xaalkeedii hada ku soo ururey oo uu noqdey himbiriirsi, dhafan-dhaaf, dhalaan habaabis, dhal-dhalaal been ah, Wadadu- wadey daalibeysaa iyo musuq-maasuq xadkii dhaafey iyo qaraabo kiil,boobaaya yaa wadanii ah oo hantidii yareyd ee ummaddan baahan wax loogu qaban lahaa lagu lunsanaayo.
13 ) - Maadaama ay xaqdaro tiro badani ay wadanka ka dhacdey intii ay xukuumadani gadhwadeenka ka aheyd Somaliland, maanta iyo haatana ay faraha la gashey Garsoorkii oo ummaddii wadda daalacatey Xeer illaaliyihii qaranka oo xeerkuu doono dooranaaya oo dhibanihii oo bilaa awood ah oo hortiisa fadhiya ku leh Cagta Hoosteeda ayaad ku jirtaa, waxa ay arintani ay wadanka ku keeni kartaa cawaaqib xumo iyo in Garsoorka qaranka oo laga aamin ka baxo oo gacmaha la isula tago ka dibna dagaalku isku bedelo dagaalo sokeeye oo qarxa, alleh ha inaga hayee.
Guntii iyo-Gebogebadii: Siyaasada guracan ee xukuumada Siilaanyo waxay lumisey haykalkii, hanaankii iyo karaamadii dawladnimo,taasna waxaa cadeyn kuugu filan qobadaa tirada beelay ee aan kor kaga soo dhawaajiyey.Danta guud ee Somalilandna waxay ku jirtaa mar-walba iyo maantaba in xal la raadiyo oo wadanka la bad-baadiyo laguna soo dabaalo midnimo qaran iyo kefedii miisaanka ee sharciga aheyd.
Alleh ayaa Mahad Leh,
Wehelkiinu Waa-Alleh iyo Nebi(scs)
Wa-laahum-Aclum- Waa Billaahi-Taw-fiiq,
Qalinkii :A/rahman fidhinle
Intensive ED BD BA
United Kingdom

London


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured