Dahabshiil Waa Astaan Heer Caalami Ah Oo Somaliland U Taagan Siyaasadna Ka Madhan.
Dahabshiil waa shirkad muddo dheer jirtay kana da’ wayn Somaliland, waxa la aasasay 1970, waa Shirkad soo martay maraaxil kala duwan iyada oo marba duruufaha caalamka ama Geeska Africa ka jira la jaan qaadaysa, dhan kale waa shirkadda qudha ee heer caalami ah ganacsade Somaliland ahi
Dahabshiil waa shirkad muddo dheer jirtay kana da’ wayn Somaliland, waxa la
aasasay 1970, waa Shirkad soo martay maraaxil kala duwan iyada oo marba
duruufaha caalamka ama Geeska Africa ka jira la jaan qaadaysa, dhan kale waa shirkadda
qudha ee heer caalami ah ganacsade Somaliland ahi leeyahay.Dahabshiil waa
shirkad koobsatay adeegyo iyo laamo isku xidhan, oo wakiilladeeda iyo
xafiisyadeedu si joogto oo xdhiidhsan u sii baahayaan. Waxa shirkadd
ballaadhisay dhammaan goobaha lacag-bixinta iyo lacag dirista sida Afrika
,Yurub, Waqooyiga Ameerika iyo Aasiya. Maanta in ka badan 30000 oo goobood ayaa
u adeega oo u furan macaamiisha shirkadda.Muddadaa Dahabshiil jirtay waxay
laf-dhabar u ahayd horumarka bulshada afka Somaliga ku hadasha, maaha oo qudha
mid qayb ka ah horumarka iyo u adeegista dadyowga somalida ah lakin waa astaan
kale oo u taagan Africa iyada oo dhul badan oo Somalidu dagin ka adeegta
bulshadeedana wax ku celisa.Dahabshiil waxay ahayd wakhtiyo umadda afka
Somaliga ku hadashaayi kala baaday dagaalana kala irdheeyeen midka isku
xidhaysay kooga taagta daran ee baahidu haysana ku xidhaysay ka jeebka dhaama
ee dadkiisa ah, waa halka wax loo soo mariyo bulshaduna ku wada xidhiidho,
Qoxoontigii dalkani dowladii Siyaad bare baday waxay ahayd Xawalaada kaliya ee
bulshadeenu wax u soo marin jirtay dadyowgii ku tabaalaysnaa xeryihii
qaxoontiga ee Ethiopia iyo Djibouti, iyada oo u heelanayd inay duruufahaa
qalafsan ee bulshadeeda ku habsaday la tacaasho, way u heelanayd inay qof walba
bartiisa ku gaadhsiiso wixii loo soo diro ama uu ka helo ehel iyo
asxaabba.Shirkaddu waa mid ganacsi xuduudaheeduna u wada furanyihiin Aduunka
maaha shirkad gobal iyo mid Qabiilb, waa mid baahiyaha bulshada u wada taagan
meel gaar ahna gacan ku lahayn, waa shirkad howl maalmeedkeedu u taaganyahay u
adeegista macaamiisheeda waa mid ka dhowr soon wax kastoo xafiiltan siyaasadeed
ah, Dahabshiil ganacsiyada kala duwan ee ay ku jirto uma taagna oo qudha inay
macaash ka raadiso lakin waa hormoodka ka qayb qaata wixii horumar ah ee dalka
iyo dadku u baahanyahay. Dahabshiil iyo ka Qayb qaadashada Kaabayaasha dalka: Shirkaddu maaha oo
qudha mid bulshada dheef ka gurata, ka xoogsata macaash qudhana ka kasbata, waa
shirkad bulshada wax ku soo celisa waana shirkadda ugu wayn bulshada wax tarta
kana qayb qaadata horumarka, Sida tacliinta oo door wayn ka qaadato iyada oo
dugsiyada, jaamacadaha iyo koobaha kale qayb wayn ka qaadatay marwalbana u
taagan, Goobaha cibaadada masaajidada iyo madaarista diiniga ah waxay u tahay astaan
ka qayb qaadashadeeda, tartanka Quraanka iyo dhiiri galintiisa waa shirkaddii
ugu horaysay ee daah furta. Wadooyinka: Dhabshiil marka loo eego shirkadaha Ganacsiga maaha mid ula
siman ka qayb qaadashada horumarka wadooyinka, shirkadani waxay dheertahay in
iskeed wadooyin u fuliso, iyada oo si wayn ama gacanta ugu wayn uga qayb
qaadata dhismaha, iyada oon qabiil iyo siyaasad midna u eegayn, mihimada ay ka
leedahayna ay tahay horumarka dalka oo hagaaga inay shirkada lafteeda horumar u
tahay. Abaaraha: Dahabshiil waxay ku astaansanayd inay lacago aad u badan u
qoondayso wixii aafo ah sida abaaraha iyo wixii la halmaala khaasatan Dabka iyo
aafadiisa oo bulshadu wada dareemi karto inay tahay meesha qudha ee Somaliland
loo Qayli doon dirto, ka qayb qaadashada aafada abaaraha waxay ka fulisaa
dhamaan dhulyowga Somalidu dagto, waynu xusuusanaa abaarihii hore inay ku
bixisay lacag ku dhow hal million oo dollar, waxay ku mutaysatay inay ahaato
shirkadda ugu wayn dhanka xawilaadaha aduun intaa leeg ku bixisa waxayna ku
noqotay shirkadda ugu wayn dhanka xawilaadaha ee Geeska ama Africa, waa shirkad
si isku mid ah loo wada aaminay laguna amaanayo ka qayb qaadashada baahiyaha
dadka iyo u adeegista bulshada.
Shirkadda Dahabshiil Iyo Siyaasad maxaa iska Khuseeya? Dahabshiil
Astaanteedu waa nabad iyo Wada jirka umada, waxa ay ku ceeshto bulshadana uga
mid tahay waa labadaa astamood, shirkaddu qayb kama aha horana ugamay mid noqon
xafiiltanka siyaasadeed ee dalka ama guud ahaanba Somalida, waa shirkad ku
mashquulsan u adeegista bulshada danaheedana ku kooban, waa shirkad marna aan
lagu astaamayn Karin gobalaysi ama qabiilaysi, shirkadda sida ay macaamiisha u
simantahay ayey adeega bulshadana ugu simantahay, waxa runtii aan meesha qaban
kuna jirin in wax aan siyaasad galin la siyaasadeeyo ganacsiguna siyaasad maaha
mid gala, maaha in bulshada xumaan loo tuso meel aan mudnayn in faraha lagu
fiiqo, waxa mihim ah wixii siyaasad ku kooban in halkeeda lagu hayo lakin aan
majaalista siyaasadda loo soo rarin xurmaha ganacsiga Q/ Hussein-Mahdi Hassan Hussein Leave a comment |
|
Dahabshiil Waa Astaan Heer Caalami Ah Oo Somaliland U Taagan Siyaasadna Ka Madhan.
Dahabshiil waa shirkad muddo dheer jirtay kana da’ wayn Somaliland, waxa la aasasay 1970, waa Shirkad soo martay maraaxil kala duwan iyada oo marba duruufaha caalamka ama Geeska Africa ka jira la jaan qaadaysa, dhan kale waa shirkadda qudha ee