MUU DANBAABIN DAHABSHIIL? CABDIRAXMAAN MAXAMED DHEERE

0
Sunday June 15, 2014 - 16:33:30 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1138
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    MUU DANBAABIN DAHABSHIIL? CABDIRAXMAAN MAXAMED DHEERE

    Waxay u muuqatay in hadalkaasi daba socday khillafkii ka dhex abuurmay xisbiga kulmiye ee salka ku hayay cida noqon doonta musharaxaMahad oo idil waxaa iska leh oo ay u sugnaatay eebaha ina abuuray ee ina ahaysiiyay, nabad galyo iyo naxariisi korkiis

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxay u muuqatay in hadalkaasi daba socday khillafkii ka dhex abuurmay xisbiga kulmiye ee salka ku hayay cida noqon doonta musharaxaMahad oo idil waxaa iska leh oo ay u sugnaatay eebaha ina abuuray ee ina ahaysiiyay, nabad galyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaato sayidkeenii
Waxay u muuqatay in hadalkaasi daba socday khillafkii ka dhex abuurmay xisbiga kulmiye ee salka ku hayay cida noqon doonta musharaxaMahad oo idil waxaa iska leh oo ay u sugnaatay eebaha ina abuuray ee ina ahaysiiyay, nabad galyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaato sayidkeenii suubanaa, ehelkiisii iyo axaabtiisii. Intaas kadib waxaan halkan ka salaamayaa warbaahinta qiimaha leh iyo akhristayaasha maqaalkaygan kooban.Maalmihii ina dhaafay waxaan ku arkayay shabakadaha qaarkood kooxo si ka fiirsasho la’aan ah uga hanjabayay in ay xawaalada dahabshiil kala bixi doonaan lacagahooda iyagoo baaq iyo digniina u dirayay qurbajooga ay afkooda ku hadlayeen oo ay leeyihiin ka baydha dahabshiil. Waxay u muuqatay in hadalkaasi daba socday khillafkii ka dhex abuurmay xisbiga kulmiye ee salka ku hayay cida noqon doonta musharaxa madaweynaha ee xisbiga kulmiye u tartami doona doorashada inagu soo aadan sanadka 2015ka hadii allah idmo.Iyadoo xawaalada dahabshiilna loo aanaynayo inay xidhiidh soke la leedahay xukuumda soomaaliland oo ah garab ka mida garabyadii khilaafku ka dhex dhacay ee ka wada tirsanaa kulmiye. Anigu arinkaas ma beenin karo waxaanse aad ula yaabanahay odayaashii iyo aqoon-yahaynka ee yidhi waanu shirnay oo waxaanu soo isla garanay in aanu dabahshiil ka wareegno oo aanu lacagtayadii ka duwano. xagay wax ka eegeen? Maxay u cuskadeen? Yay ka soo wariyeen? Maxaase ku jaban xidhiidhkaasi hadii uu jiro?
Odayaasha iyo aqoon- yahanku haba la xanaaqeen garbka kale ee aan xukuumada ahayne, dahabshiil muxuu bi’iyey? Hadiiba ay jirto in uu xukuumada xidhiidh la yeeshay, iyagu maxay u dudayaan saw xidhiidhkaas oo kale kama rabaan kooxdan ay la socdaan?. Odayaasha iyo wax-garadku inoomay cadayn sida qaldan ee ay xidhiidhka u wada leeyihiin xukuumada siilaanyo iyo xawaalada dahabshiil balse waxaan u qaatay inay leeyihiin waa isku qolo.
Shirkad kasta oo aduunka ka jirtaa waxay xidhiidh la samaysaa dawlada ka dhisan wadanka ay ka jirto waana mid ay xaq u leedahay oo waxaa ka dhaxayn kara dano aad u badan balse xidhiidhkaasi waa inuu ahaadaa mid sharci ah oo aan ka hor imanaynin danaha dalka iyo dadka ku dhaqan toona, waxaa iyana mubaax ah ama u banaan oo waliba waajib ku ah shirkadaha inay ka qayb qaataan mashaariicda horumarineed ee dalka ka socda taasina waa mid aanu dahabshiil ku mutaysan Karin dhaliil iyo dhaleecayn toona, waxaanay u egtahay in ay odayaashu ku durayaan shirkadan maxay uga qayb qaadanaysaa qaadhaanka lagu harumarinayo dalka
Waxaan ku soo ururinayaa qoraalkayga, xaasha e’ dahabshiil maaha kulmiyihii aydun umada ku qasbayseen in uu wadanka ka taliyo ee waa shirkad ka shaqaysa baahiyaha lacageed ee soomaalida oo dhan iyo bulshooyin kale oo kaba balaadhan kana tiro badan 8da milyan ee soomaaliya oo dhan ku dhaqan.
Cabdiraxmaan maxamed dheere Samawade1@yahoo.com 0634306359 Hargeysa




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured