Maamulka Dekada Iyo Adeegsiga Qaloocan Tan Iyo Wakhtigii Somaliland Ay Dib Uala Soo Noqotay Xoriyada ay Maanta Ku Naaloonayso Waxa Dalka Dib Uga Curtay Hanaan Dawladeed

0
Monday June 09, 2014 - 21:08:59 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1224
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maamulka Dekada Iyo Adeegsiga Qaloocan Tan Iyo Wakhtigii Somaliland Ay Dib Uala Soo Noqotay Xoriyada ay Maanta Ku Naaloonayso Waxa Dalka Dib Uga Curtay Hanaan Dawladeed

    Maamulka Dekada Iyo Adeegsiga Qaloocan Tan Iyo Wakhtigii Somaliland Ay Dib Uala Soo Noqotay Xoriyada ay Maanta Ku Naaloonayso Waxa Dalka Dib Uga Curtay Hanaan Dawladeed Oo ay Salka U Dhigeen Labadii Madaxwayne Ee Ugu Horeeyey Alla How Naxariistee ( C

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maamulka Dekada Iyo Adeegsiga Qaloocan Tan Iyo Wakhtigii Somaliland Ay Dib Uala Soo Noqotay Xoriyada ay Maanta Ku Naaloonayso Waxa Dalka Dib Uga Curtay Hanaan Dawladeed Oo ay Salka U Dhigeen Labadii Madaxwayne Ee Ugu Horeeyey Alla How Naxariistee ( Cabdiraxmaan Tuur Iyo Maxamed X.Ibraahim Cigaal) Intaasi Ka Dib Waxa Dib Loo Hawl Galiyey Xarumihii Dawlada Iyo Difaaca Qaranka Isla Markaana Waxa Dalka Hirgalay Nidaam Sharci Iyo Haykal Dawladeed.

Maamulka Dekada Iyo Adeegsiga Qaloocan Tan Iyo Wakhtigii Somaliland Ay Dib Uala Soo Noqotay Xoriyada ay Maanta Ku Naaloonayso Waxa Dalka Dib Uga Curtay Hanaan Dawladeed Oo ay Salka U Dhigeen Labadii Madaxwayne Ee Ugu Horeeyey Alla How Naxariistee ( Cabdiraxmaan Tuur Iyo Maxamed X.Ibraahim Cigaal) Intaasi Ka Dib Waxa Dib Loo Hawl Galiyey Xarumihii Dawlada Iyo Difaaca Qaranka Isla Markaana Waxa Dalka Hirgalay Nidaam Sharci Iyo Haykal Dawladeed. Dekada Berbera Waxay Ka Mid Meelaha Dakhliga Dhaqaale uu Ka Soo Galo Somaliland Waana Goob Uu Ka Soo Xaroodo Dakhli Badan , Madaama Laga Dhoofiyo Khayraadka Dalku Hodanka Ku Yahay Ee Xoolaha Nool Iyo Soo Dejinta Meceeshada, Agabka Kala Duwan Iyo Gaadiidka Oo Cashuuro Laga Qaado Taasina Waxay Sababtay In Dhakhligu Uu Kor U Kaco Isla Markaana Ay Dekadu Noqoto Meelaha Ugu Dakhliga Badan Somaliland. Waxaana La Filaayey In Dakhligaasi Uu Qayb Ka Qaato Horumarka Dalka Sida wadooyinka, Cisbitaalada, Waxbrashada Iyo Dhamaanba Adeega Bulshada Balse Taasi Waxa Waxba Kama Jiraan Ka Dhigay Maamulka Ugu Mudada Dheer Dekada Caalamiga Ah Eng. Cali Xoor Xoor Oo Si Khaldan U Adeegsaday Hantida Umada Isagoo Intii Uu Dekada Joogay Wax Horumar Ah Oo La Taaban Karo Aanu Gaadhsiin. Taa Badelkeedana Waxa Uu Kaga Mashquulay Guul wadaynta Xukuumadaha Somaray Somaliland Isagoo Shaqadiisa Kowaad Ka Dhigay Inuu Hadba Cidii Xukuumada Mucaarid Ku ah Uu U Adeegsado Lacagta Hantida Umada Oo Ku Laaluusho Taasna Waxa Ku Tusaysa Sida Uu Uga Dhex Muuqdo Xukuumad Kasta Oo dalkan Ka Talisa. Inkastooy Jireen Xukuumado Wanaagsan Oo Dalkan Soo Maray Hadana Egn. Cali Xoor Xoor Mar Walba Waxaad Arkaaysaa Isagoo Guulwadaynaya Oo Mar Walba U Ololaynaya Xukuumada Uu Ka Tirsan Yahay Waxaana Uu Ku Caan Baxay Burburinta Shirarka Beelaha Laaluushka Salaadiinta , Cuqaasha Iyo Siyaasiyiinta Saluugsan Xukuumada Uu Ka Tirsan Yahay Waa Astaamaha Lagu Garto Maareeyaha Dekada Berbera Eng. Cali Xoor Xoor. Guulwade Cali Xoor Xoor Waxa Uu Hormood U Yahay Guulwadayaasha Gobolka Saaxil Wakhti Xaadirkana Waxa Uu Ku Mashquulsan yahay Sidii Uu Gacan Uga Gaysan Lahaa Taageerida Garabka Madaxwaynaha Ee Xisbiga Kulmiye Ee Kala Jabay Sidoo Kale Waxa Uu Ka Hor Istaagay Warbaahinta Inay War Ka Soo Duubaan Xaflad Lagu Soo Dhawaynaayey Ururo Haween Ah Oo Xisbiga UCID Ku Soo Biiray. Si Kastab Ha Ahaate Dakhliga Dekadu Waxa Uu Noqday Hantida Loogu Guulwadeeyo Xukuumada Khilaafka Badan Ee Uu Hormoodka Ka yahay Madaxwayne Axmed Maxamed Siilaanyo, Waxaana Hada Jirta Lacago Lagu Iibsanayo Siyaasiyiinta Si Ay U Taageeraan Musharaxnimada Madaxwaynaha Axmed Maxamed (Siilaanyo) Ee Xisbiga Kulmiye.


Qalinkii Aadan Jamac X CAli Tell 0634442480 aadanjaamac@gmail.com/Saaxilpress@gmail.com

Xogreebnews//Office

Hargeisa Somaliland

By Zaki Adam Zuxufi



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured