GUUSHAADU UMAD BAY KU TAHAY GUBASHO

0
Monday June 09, 2014 - 16:17:43 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1234
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    GUUSHAADU UMAD BAY KU TAHAY GUBASHO

    Horumarka iyo dhamaysterka haykanka dawladnimo ee j.s.land ayaa soo marey maraaxiil kale duwan meel hoose ayaa laga soo bilaabey dhisitaanka iyo fikrada sameysta dastuur wadanku ku dhaqmo madaxda dhaqanka culimo awdiin siyaasiyiin aqoonyahan guud aha

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Horumarka iyo dhamaysterka haykanka dawladnimo ee j.s.land ayaa soo marey maraaxiil kale duwan meel hoose ayaa laga soo bilaabey dhisitaanka iyo fikrada sameysta dastuur wadanku ku dhaqmo madaxda dhaqanka culimo awdiin siyaasiyiin aqoonyahan guud ahaan bulshada reer somaliland

Horumarka iyo dhamaysterka haykanka dawladnimo ee j.s.land ayaa soo marey maraaxiil kale duwan meel hoose ayaa laga soo bilaabey dhisitaanka iyo fikrada sameysta dastuur wadanku ku dhaqmo madaxda dhaqanka culimo awdiin siyaasiyiin aqoonyahan guud ahaan bulshada reer somaliland ayaa gundiga dhiisha iskaga dhigey in ay wadanka ka soo kab sado burburka iyo dhaawacyada deegaanka ka soo gaadhey dagaaladii duqayntii diyaarada ka amar qaata xukunkii militariga ahaa ee ragaadhiyay deegaanada somalind waxaa la curinta qoraalka dastuurka,yagleelida cuduba ciidamada qalabka sida.iyo in bulshada somaliland aya sameystaan dawladaiyo bulsho ku talaabo qaada nabad galyo iyo xasilooni buuxda lama soo koobi karo dadaalada iyo dhibaatada loo soo marey in la dhiso dawlad ay u dhameystiran tahay kaabyaasheeda ay ku anba qaadeyso, deegaanada jamuuriyada somaliland ayaad ka dheehaneysaa horumar balaadhan oo bulshadu ka kaagey kaabayaasha arimaha bulshada Hogaamihii ururkii hubeysnaa ee SNM ee ku guuleystey xoriyada wadanka Marxuum CABDIRAXMAAN AXMED CALI ayaa noqdey madaxweynihii ugu horeeya ee Somaliland yeelato waxa uu ku dadaaley in uu wadanka gacaha u dhigo oo nidaamka dawladnimo ku soo celiyo bulshada sababta oo ah waxa oo uu suuro galiyay in jabhadii hubaysney ay talada wadanka iyo hogaanka qaranka ay ku wereejiyaan shacabka si nabad galyo ah.

Madaxweynihii labaad ee somaliland Maxxuum MAXAMED XAAJI IBRAAHIN CIGAAL waa hogaamiyhii hal abuurey nidaamka dawladnimo waxa uu kaalin weyn ku lahaa hubka dhigistii beelihii reer somaliland waa alifa haykalka dawladnimo hirgalinta qoraalka dastuurka qaranka wax badan oo horumar ah ayaa bulshadu ku xasuustaan hogaamiyahaa..

Madaxweynahii Sadexdaad ee Somalilnd MD DAAHIR RIYAALE KAAHIN waa hir galiyay dumuqraadiya iyo kobciya nidaamka doorashooyinka isagoo wadanka ka qabtey doorashooyin badan mudaduu xilka hogaanka qaranka hayay waxa uu gaashey guulo dhinaca dumuqraadiyada ah waxa uuna noqdey madaxweynihii si nabad galyo ah u wareejiyay xilka ee doorasho lagaga adkaadey..

Madaxweynaha Afraad ee Somaliland waa madaxweynaha talada dalka haya MD AXMED MAXAMED MAXAMUUD (SIILAANYO) waxa uu cod aqlabiyad ah kaga guuleydtey madaxweynaha talada haya markuu xilka hogaanka qaranka la wareegey waxa uu isbadal balaadhan ka sameeyay siyaasada arimaha dibada oo guulo ugub ah ka gaadhey isagoo keeney in gole deegaan oo ka mid ah dawlada caalamku ay aqoonsadaan jiritaanka somaliland. madaxweynuhu waxa uu bilow fiican ka noqdey rajo soo celinta shaqaalaha dadawlada oo uu musaharadihii u laban laabey.dhamystirka shuruudaha dawladnimo oo uu lacagihii qalaad ka badeley gobolada bariga oo wadanka intiisa kale ka danbeeyay. balaadhinta nidaamka maamulka dawladnimo isagoo galanta soo galiyay deegaano maqnaa.waxbarasha dugsiyada hoose oo bilaa lacag laga dhigey.wadanka oo dhan ayaa laga hirgaliyay wadooyin casri ah oo adkeysi leh.horumarka balaadhan ayaa xukuumada talada haysaa suurto galisey mudadii ay hogaanka hayso guud ahaan shacabka reer soamliland ayaa meel ugu soo wada jeeda horumarka wadanka iyo ilaalinta adkeynta nabad galyada qaranka waxbadan qabsadey iyadoo aaney beesha caalamka aqoonsi buuxa ka helin.....horumarka xasiloonida iyo dadaalada waxqabsiga shacabka reer somalialnd ayaa waxa uu lee yahay cadow ka xun waxa bulshadu qabsatey markaa waxaa waajib ah in shacabku ay il dheer ku eegaan cadowgooga meel kasta oo uu googaan

Qalinkii Suxufi:RIDWAAN-AKIID CAYDIID ISMAACIIL




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured