Garnaqii Guurtida Garawshiyihii Garabyadu Waa Guusha Somaliland

0
Sunday June 08, 2014 - 09:58:05 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1346
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Garnaqii Guurtida Garawshiyihii Garabyadu Waa Guusha Somaliland

    Odayaal talinayaa illaahii nasiiyay isagaa ku abaal leh . Waxa mahad iska leh allaha awooda leh ee mar walba inoo suura galinay inaynu wanaaga garano gacmahana is qabsano inoo suura galiyay, Waxaan salaan kala iyo laaba u dirayaa dhamaan akhristaya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Odayaal talinayaa illaahii nasiiyay isagaa ku abaal leh . Waxa mahad iska leh allaha awooda leh ee mar walba inoo suura galinay inaynu wanaaga garano gacmahana is qabsano inoo suura galiyay, Waxaan salaan kala iyo laaba u dirayaa dhamaan akhristayaasha sharafta iyo karaamada mudan , waxaanan ilaawi Karin barbaarta mar walba u heelan una heegan ah inay bulshadadooda u adeegaan ee ee war baahinta iyo dhamaan bahda saxaafada

Odayaal talinayaa illaahii nasiiyay isagaa ku abaal leh .

Waxa mahad iska leh allaha awooda leh ee mar walba inoo suura galinay inaynu wanaaga garano gacmahana is qabsano inoo suura galiyay,

Waxaan salaan kala iyo laaba u dirayaa dhamaan akhristayaasha sharafta iyo karaamada mudan , waxaanan ilaawi Karin barbaarta mar walba u heelan una heegan ah inay bulshadadooda u adeegaan ee ee war baahinta iyo dhamaan bahda saxaafada.

Guushu waxay ku jirtaa gacmaha oo la is qabsado, garawshiyaha oo la bixiyo iyo danta gaara oo looga tanaasulo ta guud, marka ummadu ay is karaamayso dhexdeeda waxa ka dhalata badhaadhe iyo barwaaqo hadiise bulshadu is qadarin weydo waxa imanaysa kala tag iyo tafaraaruq alle ha inaga hayee,, akhriste ummada Somaliland intii ay taariikhda jirtayba waxa alle (SWT) ku manaystay oo ay ummada kale ee somalida dheer tahay waa mar kasta oo xaaladi timaado tu guud iyo tu gaaraba inay iyadu isku noqoto oo ay tidhaahdo waar sidaasi ina anfacayso ee aynu dib isugu noqono oo aynu ta guud ilaalino taasna waxa u sababa oo alle ku gardaashay golaha guurtida oo ah laf-dhabar aan la dabooli Karin iyo tiir dhaxaad ay taariikhdu qori doonto isla imikana ay bulshada qalbiyadooda ku leeyihiin boosas aan la qiyaasi Karin oo mar kasta oo ay wax toosiyaanba ay u ducayso bulshadu.

Sidaynu ka wada war qabno isla sanadkan gudihiisa waxa golaha guurtidu isu xil qaameen oo ay damiyeen laba khilaaf siyaasadeed oo kala dambeeyay, hadii aynu u nimaadno kii ugu dambeeyay ee ahaa xisbil xaakimka kulmiye ee gaadhay heer aad iyo aad u daran oo xataa la dareemay wax aanay bulshadani hore dhaqan ugu lahayn oo ahaa qaraxyo macmal ah kaas oo ay bulshadu aad ugu fajacday waxaana intaas baal taalay hadalo turxaan guud iyo mid gaaraba leh oo warbaahinta laysu marinayay.

Markii xaajadu halkaas maraysay waxa hawsha soo galay oo u guntaday inay damiyaan xaaladaas oo guntiga dhiisa isaga dhigay sidii horeba looga bartay golaha ugu faca weyn Somaliland ee guurtida golahan oo ah mid gayiga Somaliland uu dheer yahay deegaanada ama dawladaha somalida kaas oo ah gole inta badan marka kasta oo xaajo guracato loo noqdo oo isagu turxaan saara , hadaba akhristaha sharafta mudanoow waxaad ka war qabtaan in shalaytoay ku dhawaaqeen go’aamadii ay ka gaadheen ama xalka u ahaa xudunta khilaafka xisbiga kulmiye waxanay talabadaasi guul u ahayd dhamaan gayiga Somaliland iyo guud ahaanba bulsho weynta. Su,aasha isweydiinta mudani waxa weeyi maxaa laga dheehan karayay go’aamada ay gaadheen guurtidu???

Sideedaba marka xaajo la galayo ee loo xil saara cid lafa gurtaoo arinkaa shilinta iyo qodaxdaba ka idlaysa waxa saaran xil culus waxaanad garaysaa miisaanka iyo culayska ay leedahay in xaajo laga garnaqaa.

Sida laga wada war qabo odayaasha hawsha galay waxa ahaayeen dhamaantood xulkii golaha ku jiray haday tahay da’da ay jireen iyo waayo aragnimadooda khilaafyada iyo wixii ay arin soo galeenba , taasi markaa waxay cadaynaysaa oo ay ku tusaysaa inaanayn ahayn dad ama rag looga baqan karo inay si qaldan wax u qaadaan, geesta kale waxa markaad aragto waraaqda ay qoreen iyo qaabka ay u dhigeenba waxaad garanaysaa inay eegeen dhamaan wixii shuruc ama xeerar dalka iyo xisbiga gudihiisa u yaalay isla sidaas oo kale iyagoo dhagaystayna cabashadoodii isla markaana markay intaas oo dhan rogrogeen ee ay gees walba waxa u eegeen waxay keeneen ama gaadheen qaraarkii ay ku xaliyeen oo ahaa mid dhinac waliba u hogaansamay.

Waa iyaduna meesha ka soo baxaysa isla su,aal ah oo tolow garabyadu siday arinkaa u arkeen???

Mar kasta oo arin la galo waxa ka soo baxda waxaad doonaysay iyo waxaanad doonayn oo gari laba nin kama wada qosliso oo dhinac ayuun baa xaajadu raacdaa oo la galbada guusha tanina waxay ahayd sidaas oo kale waxaaba iyada u dheeraa inay ahayd arin siyaasadeed oo wax laga tix raaci karo waxa la isku hayo ayaaba la helayay hase yeeshee dee xaajo nin la toosini nin tuur la leh waaba sunaha uu illaahay ku abuuray aadamaha in waxaad adigu si u arkayso in cid kalana sida kale u aragto , ismaan dhaafkuna waa dabciga noolaha oo carab iyo labadiisa daan ayaa ayaa is qaniina mihiimaduna waxa weeyi uun. Halkuu ka yidhi abwaan cali seenyo

Gafkii maalin dhaca

Godobta ruuxii tirsada

Garawshiyaa u sada

In wixii dhaca garawshiyo laysaga garaabayo dhinac waliba ka bixiyo loona hogaansamo wixii ka soo baxa cidii loo igmaday waana ta soomaalid tidhaahdaa garta hadii lagaa helo oo aad qaadato maad guul daraysan ee sidaas oo kale waad guulaysatay markaa markaad madasha shalay eegto shucuurta ka muuqatay waxay ahayd in gees waliba ku qanacday wixii Alle uga qaybshay waana mida looga bartay ummadan curdinka ah.

Go,aanadaasi maxaa hadaba maxaa laga baran karaa amase maxay bulshada Somaliland u ahaayeen????

Marka aad sideeda u dul istaagno akhriste go’aamadan iyo kuwii ka horeeyay ee ay xaliyeen golaha guurtidu waxay ku tusaysaa in waxa ay guulaha is daba jooga uu wadanku ku gaadhaa inay tahay habka iyo hanaanka xalinta khilaafka ee ay udub dhexaadka u yihiin u yihiin odayaasha guurtida Alle miisaanka xasanaadka ha ugu daree, waana waxa aynu kaga duwan nahay dhamaan ummada iyo wadamada geeska afrika oo aan iyagu lahayn golahan oo kale.

Geesta kale waxay ku tusaysaa in guud ahaan ummadda Somaliland haday noqoto siyaasi iyo shiciba ay u bisil yihiin danta guud oo ay dhaqan u tahay isu tanaasul iyo kala dambay inkastoo marka ay xaaladuhu jiraan ay timaado waxoogaa caadifad ah balse marka dambe ay xeegadu xeego noqoto oo runta uun laysugu soo noqdo .

Isla sidaas oo kale sawirka ugu weyn ay bixinaysaa waxa weeyi in odayaasha marka walba u heelan dajinta, turxaan saarka, iyo laab xaadhinta bulshada inay qiimahaa iyo kalsoonidaa ka helaan bulshadadooda waayo waxa jira meelo badan oo soomaali ah oo odayaal leh balse waayay cid karaamaysa oo dhagaysata isla markaana magacoogii iyo muuqoogiiba siqiiriyay.

Waxba yaanu qalinku ila sii durkine waxaan ku soo xidhay

Allahayoow adigaa daayinee, naxariistaada noogu deeq,

Allahayoow dalkoo barwaaqaa, dagalkoo san

Dadkoo walaalaa iyo daris wadaag

Danta guud midoo, daacad loo wada yahay

Adigaa daayinee na deeqiisii

Adigay naxariistaadu door tahaye


QALINKII: LIban Ismail Abdilahi


EMAIL:Liibaanhanad79@gmail.com



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured