Somaliland Maanta Uma Baahna Sakati W/Q:Liibaan Ismaaciil Cabdilaahi
Marka aan ka hadlayno qaranka Somaliland waxa markiiba kugu soo dhacaya qaran dhamays tiray wixii wadan looga baahnaa isla markaana waxaad xusuusanayaa inay Somaliland tahay bogcad ama dal ku ag dhaw wadamo
Marka aan
ka hadlayno qaranka Somaliland waxa markiiba kugu soo dhacaya qaran dhamays
tiray wixii wadan looga baahnaa isla markaana waxaad xusuusanayaa inay
Somaliland tahay bogcad ama dal ku ag dhaw wadamo gubanaya oo ay aafayay dagaal
sokeeyo waxaanad dareemaysaa inay tahay jasiirad ku naaloonayso nabad iyo
badhaadhe ay dadkiisu samaysteen iyagoo allahood la kaashanaya. Geesta
kale waxaad xusuusanayaa inay tahay qaran curdina oo cimrigiisu uun imika
labaatanka ka talaabsaday una baahan kobcin, toosin, taabo galin, tusaalayn,
tilmaan, iyo jihayn joogta. Waxa
iyaduna maankaaga ka maqnaanayn oo markiiba maskaxdaada ku soo dhacaya
Somaliland intay tahay wadan guclo orod ugu jira sidii uu u gaadhi lahaa
aqoonsi caalimiya iyo xaqii kale ee wadan lahaa si uu beesha caalamka ugu
mid noqdo, waxaanad akhriste ogtahay ama aad dareensan tahay in ummadan iyo
dalkani ay ka soo bilaabeen hanaanka iyo habka ka jira wadanka in laga soo
bilaabay oo laga soo abyay ama laga soo unkay meel aad iyo aad u hoosaysay
iyadoo xukuumadihii kala dambeeyay iyo bulshaduba hadba taako qaadayay isla
sidaas oo kalena hadba wadanka horumarkiisu marba marka ka damaysa uu heer sii
gaadhayay hadaba inaga oo aan qalin iyo qoraal ku soo wada koobi Karin
waxaan maqaalkan aan ugu magac daray * Somaliland Maanta Uma Baahna Sakati*
waxaan uga dan leeyahay inaan yara iftiimiyo ama tilmaamo in aynaan maanta u
baahanayn qaraxyo hadba meel la dhigo sidoo kale inaynaan u baahnayn
inaynaan dadka masraxa siyaasada ku loolamaya ku milmin amaba aynaan cod qabiil
ku kala taageerin balse iyagu markay shuruucdooda ku soo kala hadhaan ka
bulsho ahaan laynoooga baahan yahay inaynu inaynu ku kala xulano inay ka
jawaabayaan baahdi bulshada oo aynu ka xorowno qabiil iyo wixii la hal
maala maadaama uu qaranku imika qaangaadhay oo la taagan yahay wakhtigii
bulshadu ay horumarka dhaqan dhaqaale iyo ka siyaasadeedba iyadu go,aamin
lahayd. Haddii
intaas aan araarta kaga imaado maxay tahay sababta ayna maanta ugu baahanyn
somalilad sakati ama shaki ? Sida aynu
la wada socono waxyaabaha uu qarankani inta badan ku taamayay ee aanu
wali gaadhin waa ictiraaf iyo inaynu bulshada caalamka ka mid noqono taas
waxaynu ka wada dharagsanahay in aynu maalinba maalinta ka dambayso aynu tako
-taako, talaabo- talaabo, iyo waliba dhudhun- dhudhun inaynu ugu sii
dhawaanayno beesha caalamka oo ay indhahoodu qabanayaan horumarka hanaanka
dimuquraadiyada iyo sida aynu wax u qabsanay waa beesha caalamkee, akhriste
hadaan dul istaagno waxyaabaha intii xukuumadani talada dalka haysay ee ku siman
afarta sano xaga xidhiidha caalamka inoo suuro galay waxaan ka xusi karnaa ·
In markii u horaysay ay beesha caalamku toos u kala saareen deeqihii ay
Somaliland iyo Somalia isugu dari jireen oo aynu helnay sanduuq
mucaawinooyinkeena u gaar ah taas oo noqoysa bog cusub iyo xidhiidh ugub
ah oo aynu la yeelano wadamada caalamka ·
In iyadoo bulshadu is aabaabulaysa ay golayaasha deegaanka qaar ka mid
ahi ina aqoon sadeen oo ay ugu horaysay tii igriiska iyagoo bulshadu taageero
ka helaysa xukuumada ·
In wadankii labaad ee afrikaan ah uu go,aansaday inuu xafiis u shaqaynaya
sidii safaarada ka furto wadanka, waxaynu ka war qabnaa in dawlada Kenya ay
dhamays tirtay hawshii oo xafiiskeedii ugu horeeyay ay furanayso dhawaan kaas
oo wax badan inoo suura galinaya geesta kale waxa isla wadankaas lagu
tagi doonaa baasboorka Somaliland talaabadaas oo noqonaysa guul maadaama aynu
in badan raadinaynay sidii xidhiidh aynu uga heli lahayn wadamada aynu isku
afrikaanka nahay iyo kuwa aynu isku geeska afrika nahayba waana cudud inoo soo
korodhay oo aynu hawlo badan is dhaafsan doono sida wadanka aynu dariska
nahay ee Ethopia oo aynu ognahay marka aad baasboorka Somaliland ku tagto
sharafka iyo milgaha dhexdiisa aad ku dhex marayso ·
In ay xafiisyo sidaas oo kale ah oo dano badan la isku dhaafsado inay ka
furteen wadamada England, Denmarka, iyo kuwo badan oo reer yurub ah kuwaas oo
ay imika wadanka ka dhexeeyaan xidhiidh dhaw oo is kaashi oo dhinac walba leh. Akhriste
marka aad waxaas oo dhan eegto iyo inta kale ee aanan xusin ama aanan ka war
hayn miyaynu u baahan ina aynu wadanka ku qarxino waxyaabo macmal ama aynu
warbaahinta isu marino waxyaabo kicin kara in bulshada naxli soo kala dhex galo
oo sababa inay adkaato is dhex galkii bulshada taas oo cidib xumaan keeni
karta. Dhinaca
kale waxa ugu mihiimsan ama ugu mudan ee aynu ku soo naaloonaynay mudada intaas
leegi waa nabad taas oo inagu waajib ah inaynu ilaalino waayo inaga oo aan
eegin sawirka qaldan ee beesha caalamku inaga qaadanayo ka sokow , nabada waxa
ku nool waa inaga hadii nabad la waayo wax jiraayaa ma jiro oo cibaado iyo
caafimaad jiri mayo markaa waa inaynu ilaalinaa wixii dhib ku keenaya
bulshadana waxa u dan ah nabada iyo horumarka markaa waa inaanay loolanada
siyaasadeed ku milmin oo ay aayaheeda garataaa . 1 . waxaan
talo ugu soo jeedin lahaa bulshada inaynu iska dayno inaynu si qabiil ah wax u
doorano oo aynu noqono bulsho danteedu tahay yaa idiin adeegaya ee fulinaya
waajibaadkaad ku lahaydeen oo ka jawaabaya baahidiinii, wax walbana inay
bulshadu ka horaysiiso xojinta nabada iyo ku dhaqanka shareecada islaamka oo
aynu illaahay u hogaansano wixii uu ina faraynaya aynu qaadano wixii uu inaga
reeabayna aynu ka reebanaano qabiilkana aynu u adeegsano sidii Alle ( SWT) ina
faray 2 . ina
madax dhaqameedka iyo indhaha bulshadu aanay ku dhaqmin wax ummada kala
fogaynaya iyo waxaan AllE raali ka ahayn oo ay ummada danteeda ugu
adeegaan si waafqan dhareecada ALLE 3. in
siyaasiyiinta iyo dadka ku loolama masraxa siyaasadu aanay dantooda uun eegin
ee ay eegaan ummadan makasta iyo maxasta leh ee ay sida qaldan ugu guurayaa oo
ay ogaadaan in Alle ka xisaabin doono wixii ay galaan QALINKII: LIban Ismail Abdilahi EMAIL:Liibaanhanad79@gmail.com Leave a comment |
|
Somaliland Maanta Uma Baahna Sakati W/Q:Liibaan Ismaaciil Cabdilaahi
Marka aan ka hadlayno qaranka Somaliland waxa markiiba kugu soo dhacaya qaran dhamays tiray wixii wadan looga baahnaa isla markaana waxaad xusuusanayaa inay Somaliland tahay bogcad ama dal ku ag dhaw wadamo