Wuxuu Madaxweyne Daahir Riyaale ku Wareejiyey Siilaanyo Shacab isku dan ah oo isku dad ah Laakiin maanta Sarifmey Qalinkii A/rahman Fidhinle– Abdirahman Mohamoud

0
Tuesday June 03, 2014 - 07:37:03 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1092
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wuxuu Madaxweyne Daahir Riyaale ku Wareejiyey Siilaanyo Shacab isku dan ah oo isku dad ah Laakiin maanta Sarifmey Qalinkii A/rahman Fidhinle– Abdirahman Mohamoud

    Bilowgiiba markii ay xukuumada Siilaanyo ay Hogaanta wadanka hantidey waxaa dhinac u-ciirey oo Weecsin iyo Beegsin noqdey Qandaraasyadii iyo ilihii dhaqaalaha ee wadanka taas oo markiiba Xeyndaabkii Baanka lagu xareeyey Xawaaladihii ilma Jini boqor s

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Bilowgiiba markii ay xukuumada Siilaanyo ay Hogaanta wadanka hantidey waxaa dhinac u-ciirey oo Weecsin iyo Beegsin noqdey Qandaraasyadii iyo ilihii dhaqaalaha ee wadanka taas oo markiiba Xeyndaabkii Baanka lagu xareeyey Xawaaladihii ilma Jini boqor si loo caseysto oo loo lunsado Lacag dakhli Bilowgiiba markii ay xukuumada Siilaanyo ay Hogaanta wadanka hantidey waxaa dhinac u-ciirey oo Weecsin iyo Beegsin noqdey Qandaraasyadii iyo ilihii dhaqaalaha ee wadanka taas oo markiiba Xeyndaabkii Baanka lagu xareeyey Xawaaladihii ilma Jini boqor si loo caseysto oo loo lunsado Lacag dakhli dawladeed ah ama lacagaha deeqaha ahba. Taas ay sababtey in Maanta S/land ay yeelado shaqsiyaad ku taajirey naasnuujinta dawlada mudo kooban . Waxay arintani keentey in ay meesha ka baxdo yuhuuntii iyo wax-wada lahaanshihii anfaca,agabka, iidaanka iyo kheyraadka dabiiciga ah ee dalka, Taas oo iyana meesha ka saartey in la is aamino oo beelaha S/land ku midoobey ay kal sooni buuxda isu yeeshaan.


- Wuxuu Madaxweyne Siilaanyo uu dalacsiiye oo uu gurada soo gashadey oo kuraas ku taxey kuwii ay hore isu eryan jireen ee ay mucaaridka isku ahaan jireen markii ay mucaaridka adag ahaayeen, waxa uu Bahdilay oo uu buruud shiiley oo uu debeda wada dhigay kuwii la soo halgamey ee waqtigoodii iyo karaamadoodii usoo lumiyey sidii uu kursiga u-fuuli lahaa ee uu wax u-noqon lahaa Siilaanyo.- Waxaa uu caad iyo ciiro qarsoon uu saarey ictiraafkii ay S/land ku taameysey mudada dheer , taas oo ictiraafkiiba uu hada iska noqdey Afka baarkiisa,Hadaaq iyo Halheys.- Waxa ay xukuumada Siilaanyo majaro habaabisey oo milgaheedii iyo karaamadeedii lumisey Geedi socodkii Dimuqraadiyadii curdinka aheyd ee S/land Mandaqadu ku majeeran jirtey.waxaana kaaga markhaatiya markii uu Muse Biixi ka dhawaajiyey in uu yahay Musharax Madaxweyne sawaxankii iyo aargoosigii siyaasadeed ee ganafka la geliyey, waxaa taa ka sii daran Naceybka loo qaadey Mujaahid Muse Biixi awgeed in Sawirkiisii lagu xidh-xidho taageerayaashiisii oo isla xisbigii ah. Waxaa kala oo iyana kaaga markhaatiya Dimuqraadiyada ay xukuumada kulmiyey ku gel-gelimeysatey 1162 Ergo ee xisbi xaakimku uu ku qeybsadey qaleylka qaab beeleed iyada oo docjiidh iyo dar jiidh ah oo aan lala tashan isimadii iyo salaadiintii dhaqan ee S/land ku soo caano maashey.

- Waxaa looga fadhiyey xisbiga kulmiyey Xisbi Xaakim bahweyn ah oo leh Mabda'a iyo afkaar mideysan si looga midho dhaliyo hadafyadoodii iyo yoolalkoodii indho sarcaadka ahaa oo hada isugu soo wada biyo shubtey ku daneyso, Ka daneyso,Dhafan dhaaf, dhal-dhalaal been ah iyo dhagxaan-meel la dhigo oo aan dhameystir laheyn. -Waxaa Ceeb iyo fadeexad qaawan ku ah qaranimada S/land in maanta duufaanada hurinaaya khilaafka xisbi xaakimka dhexdiisa uu ka soo burqanaayo oo ay dabada ka soo riixayaan Xubnihii ugu cuslaa golihiisa wasiirada oo qaar ka mid ahi ay daaqada ka soo galeen xisbiga dhawaan. Waa Xukuumadii ugu horesey ee S/land soo marta ee shacabka ucadeysey in ay xukuumadeedu ku dhisantahay is xulafeysi kooban, isxasabeysi fidsan iyo duul indho la' oo awr ku kacsi ah kuwaas oo dhexda iskaga marey Xukunkii, Xeegaankii iyo ilihii dhaqaalaha ee wadanka. intii khilaafka Kulmiye kowsadey Waxaa ummadu bilicsatey duul uu dhuuxa ka galey maseyr iyo aargoosi siyaasadeed oo danbaabidho iyo dabino isu wadadhigaaya kuwaas oo garan waayey in waxa ay isku hayaan ay ka mudan tahay waxa ay masuuliyadeeda qaadeen ee la wada leeyahay.

Allaa Mahad iyo Mudnaanba Leh
Wa-Laahum-Aclam-Wa-Bilaahi-Tawfiiq
Wehelkiin Waa-Alleh iyo Nebi (scs)
Qalinkii : A/rahman Fidhinle
Intensive ED BD PA
United Kingdom
London.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured