Hor Imaatin La’aanta Madaxwayne Axmed Siilaanyo Ee Warbaahinta Iyo Turjumaadda Laga Bixin-Karo

0
Sunday June 01, 2014 - 16:31:10 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1082
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hor Imaatin La’aanta Madaxwayne Axmed Siilaanyo Ee Warbaahinta Iyo Turjumaadda Laga Bixin-Karo

    Hargeysa(Xogreebnews)-Cajalad Video ah oo la soo duubay ayuu Madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) kaga dhawaaqay musharaxnimadiisa doorashadda madaxtinimada shanta sano ee danbe ee la filayo inay dalka ka qabsoonto sanadka 2015-

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(Xogreebnews)-Cajalad Video ah oo la soo duubay ayuu Madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) kaga dhawaaqay musharaxnimadiisa doorashadda madaxtinimada shanta sano ee danbe ee la filayo inay dalka ka qabsoonto sanadka 2015-ka ee inagu soo foolka leh.

Hargeysa(Xogreebnews)-Cajalad Video ah oo la soo duubay ayuu Madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) kaga dhawaaqay musharaxnimadiisa doorashadda madaxtinimada shanta sano ee danbe ee la filayo inay dalka ka qabsoonto sanadka 2015-ka ee inagu soo foolka leh.

Shalay galinkii hore ayaa afhayeenka madaxwayne Siilaanyo uu warbaahinta ugu yeedhay xarunta Madaxtooyadda oo sida la sheegay ay warbaahintu filaysay inuu Madaxwaynuhu ku qabto shirjaraa’id oo uu khilaafka cakiran ee ka dhex taagan madaxtooyada iyo hogaanka Kulmiye, waxase warbaahintii loo yeedhay oo ahayd suxufiyiin ka socday Telefishanada afka Soomaaliga ku hadla sooc ah oo sita qalabkoodii Kamaradihii ay wararka ku duubanayeen ay halkaasi kala kulmeen arrin la yaableh ka dib markii loo qaybiyey Cajalado DVD ah oo laga soo duubay Madaxwaynaha oo marka la daawado la arkayey in la jarjaray oo mudo dheer laga shaqaynayey sida cajaladaha aroosyada ee lacagta lagu bixiyo habayntooda (Video Editing).

Dabcan wariyeyaashii meesha tagay aad bay uga cadhoodeen hab-dhaqankan oo telefishanada ku cusub ee codkii iyo muuqaalkii oo diyaar ah inta loo dhiibay lagu yidhi shirkii jaraa’id ee Madaxwaynuhu halkaasi ayuu ku duuban yahay ee baahiya, isla markaana ay taasi keentay in suxufiyiintii qaar ka mid ahi afhayeenka hortiisa ku daadiyeen cajaladihii.

Hadaba waxay is-waydiintu tahay sababta uu madaxwaynuhu u hor imankari waayey warbaahinta la iska arko ee ay raga ku xeerani u door-bideen in cajalad laga duubo isagoo waliba doonaya in dadwaynaha wax doorta uu u sheego inuu isku soo taagi doono doorashadda madaxtinimada ee soo socota si uu shan sano oo danbe xukunka u sii hayo, taas oo ahayd arrin mihiim u ah damaciisa madaxtinimo oon marna ku haboonayn inuu bulshadda kula xidhiidho cajalad laga soo duubay sida looga bartay hogaamiyeyaasha ururadda xagjirka ah oo iyaga sababo la xidhiidha amnigooda isku qariya marka ay hadlayaan, balse xaqiiqatan ay habdhaqankan uga wanaagsanayd madaxwayne Siilaanyo inuu dadka si toos ugala hadlo warbaahinta

Murashax madaxwayne Siilaanyo fagaare uu bulshadii uu codka ka doonayo kala hadlo iska daayoo hadiiba aanu tahli-karaynin inuu warbaahintiiba hor imaado sideebay shacbigu ugu kalsoonaan karaan inuu hogaamiyo shan sano oo kale?.

Hadaba miyaanay shaki ku abuurmi karin mujtamaca Somaliland oo u arki kara in madaxwaynahoodu aanu caafimaadkiisu wanaagsanayd oo laga qarinayo inay ogaadaan, iyadoo waliba ay su’aali ka taagnayd arrintaa mudadii uu xilka hayey oo dhanba.

Tan iyo intii Axmed Siilaanyo xilka qabtay waxay gacan-yarayaashiisu isku taxaluujin jireen inay ka ilaaliyaan shirar jaraa’id oo isaga iyo wariyeyaasha aan loo dhaxayn sida madaxda kale ee dunidda

Axmed Siilaanyo oo ahaa nin lagu yaqaanay aftahan-nimo ayaa afartii sanadood ee u danbeeyey waxa laga dareemayey marka uu qudbadaha akhriyayo hag-hago iyo hilmmaan badan oo aanu hore u lahaan jirin, iyadoo mararka qaarkood uu sida ardayda dugsiyada hoose/dhexe oo kale wax u akhirayo.

Mudadaas Madaxtooyadda Jamhuuriyadda Somaliland looga taliyo waxa caado u noqotay in marka madaxwaynuhu qabanayo “shirjaraa’id” loo yeedho TV-yada oo kaliya, Wargeysyada iyo Website-yada oo su’aalo kulkul looga bartayna iyaga codkii oo duuban Emailada loogu diro, waxaana sidaasi meesha uga baxay kaalintii ay dadwaynuhu ku halayn jireen warbaahinta ee ahayd inay diiradda ku hayaan oo ay uga soo waramaan madaxda sarsare ee dawladooda.



Inkasta oo ay warbaahintu ku doodi karto inaanay iyadu kaalinteedii gabin ee dambiga ay leedahay madaxtooyadda is-hortaagaysa inay warbaahintu xogogaal u noqoto hadba arrimaha dawladda iyo madaxdeeda, hadana warbaahintu gar kuma helayso aamusnaanta ay kaga muquurata arrintan khatarta ah ee lagaga qarinayo xogaha mihiimka ah ee ay bulshadda u soo bandhigi lahayd.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured