Dhuxul : Ma Afhayeen Madaxtooyaa Mise waa Aafo-ummadeed?

0
Saturday May 31, 2014 - 08:43:27 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1279
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhuxul : Ma Afhayeen Madaxtooyaa Mise waa Aafo-ummadeed?

    “Maxaad kala socotaan Guriga Hanuuninta Madaxtooyada ee Xaafada Xero awr, Degmada Koodbuur” “Dhalanteedka beenta ah, Bulshadaa u dhaawacan” Ficilada iyo astaamaha lagu yaqaan hogaanada xun ayaa ah inay adeegsadaan kooxo iyo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

“Maxaad kala socotaan Guriga Hanuuninta Madaxtooyada ee Xaafada Xero awr, Degmada Koodbuur” “Dhalanteedka beenta ah, Bulshadaa u dhaawacan” Ficilada iyo astaamaha lagu yaqaan hogaanada xun ayaa ah inay adeegsadaan kooxo iyo ashkaas aad u hoosaysa oo aan aqoon iyo waayo aragnimo midna “ Maxaad kala socotaan Guriga Hanuuninta Madaxtooyada ee Xaafada Xero awr, Degmada Koodbuur”
“Dhalanteedka beenta ah, Bulshadaa u dhaawacan”
Ficilada iyo astaamaha lagu yaqaan hogaanada xun ayaa ah inay adeegsadaan kooxo iyo ashkaas aad u hoosaysa oo aan aqoon iyo waayo aragnimo midna lahayn.
Shakhsiyaadakasi oo isku daya inay ku difaacaan xukuumadaha liita qaab aad u hooseeya oo aan waxyeelo mooyee waxtar marna u lahayn. Waxqabadka kooxhaasi ayaan ka badanyn shirar iyo kulmo ay u samaystaan guryo gaar u ah oo ay ku kulmiyaan dhalinyarada.

Nidmaayadii burburay iyo xukuumadihii hawada ka baxay dhamaantood waxy isticmaali jireen guryo ay u adeegsadaan inay bulshada uga baaahiyaan beenta iyagoo ka dhigaya inuu maamulku yahay mid aanay bulshadu ka maarmi Karin.
Fircoon iyo boqortooyadiisu waxay samaysteen guri laga faafin jiray beenta iyo dhaleecaynta reer Banii Israa’il iyo Nebi Muse (CS) wuxuuna ahaa guri wax kasta oo xaaran ah lagu samayn jiray. Gurigaasi maa keenin waxaan ahayn in aakhrikii uu Fircoon maamulkiisi burburo. Muddo yar oo keliya ayuu ahaa mid dadka been ku maaweeliya.
Halkaasi ayay shuuciyaduna kala soo dhex baxday guriyihii hanuuninta dadweynaha ay u bixisay oo ahaa mid dadka lagu qasbi jiray isaguna waxa keliya ee lagu yaqaanay waxay ahayd been iyo maaweelo ah in Kacaanku yahay mid aan lagama maarmi Karin.
Kacaan kasta iyo hogaan kasta oo xumi kana shakisan hogaaminta bulshadiisu wuxu adeegsadaa qaab iyo nidaam aan ahayn kii saxda ah. ee runta laga tebin lahaa.
Afhayeenka Madaxtooyada ayaa maanta xukuumadan u sameeyay guri weynoo uga kireeyay Degmada Ibrahim Kood-buur gaar ahaan Xaafada Xero awr agagaarka Business Centerka, kaasi oo uu ku baabiinayo dhalinyarada, isagoo ugu qaybinaya qaad iyo sigaar. Waxaana gurigaasi loo adeegsadaa faafinta beenta iyo inuu Siilaanyo yahay hogaan aan laga maarmin.Gurigaasi maalintii kharashka ku baxaa waa qiyaas ahaan dhawr milyan oo Sh sl ah, waxa yaab leh in bulshada ku nool deegaanka ku xeeran ay yihiin 80% kuwo baahi u qaba waxtar ay ka helaan xukuumada. Isla markaana wadooyinka hareeraha ka maraa waa wada burbur u baahan dhisme looga faa’idaysato kharshaka lagu bixinayo Guriga Hanuuninta Dhuxul Carab furay.
Gurigani wuxu si toos ah daaha uga fayday aqoondarada afhayeenka xukuummada iyo inta kula talisay gurigan ee kharashka la daba taagan oo ah kooxo wasiiro ah, oo aan taariikhda guryaha noocan ah waxba kala socon iyo sida ay u horseedaan burburka xukuumadaha liita.
Xukun iyo hogaan laguma hagi karo been iyo dacaayad ee wax lagu hagi karaa run iyo kaaliyaal aqoon maamul iyo waayo aragnimo leh, kuwaasi oo ka madhan danaysi gaar , hamigooduna yahay sidii ay bulshada ugu hogaamin lahaayeen horumar iyo barwaaqo
Dhalanteedka beenta ah, Bulshadaa u dhaawacan
Lasoco Xogo badan oo aad u xiiso badan si joogto ah………………………….?
Muse Ali Axmed
Hargeysa,Somaliland



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured