Maraxalada Maanta Somaliland Marayso Waxa la Odhan Karaa Cadceedii Timaadaba Noole uu Ku Cimro Qaataa, Xidigahan Casaaday iyo Dayaxan Caadka Lagu Meershay,Caammadu waxay,moodayaan curasho Dayreede,Anigaase,Moorada cakiran kuu caddayn kara.

0
Friday May 30, 2014 - 22:15:19 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1072
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maraxalada Maanta Somaliland Marayso Waxa la Odhan Karaa Cadceedii Timaadaba Noole uu Ku Cimro Qaataa, Xidigahan Casaaday iyo Dayaxan Caadka Lagu Meershay,Caammadu waxay,moodayaan curasho Dayreede,Anigaase,Moorada cakiran kuu caddayn kara.

    Qormadii 4aad,Hadii aynu dib u raacno taariikhda ,waxaynu xasuusanaynaa xiligii dawladii milateriga ahayd ee uu hogaamin jiray Maxamed Siyaad Barre waxaa danbi ahayd taageerada SNM

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qormadii 4aad,Hadii aynu dib u raacno taariikhda ,waxaynu xasuusanaynaa xiligii dawladii milateriga ahayd ee uu hogaamin jiray Maxamed Siyaad Barre waxaa danbi ahayd taageerada SNM Qormadii 4aad,Hadii aynu dib u raacno taariikhda ,waxaynu xasuusanaynaa xiligii dawladii milateriga ahayd ee uu hogaamin jiray Maxamed Siyaad Barre waxaa danbi ahayd taageerada SNM qof kasta oo loo arko in uu taageersan yahay ama gacan saar la leeyahay jabhadii SNM wuxuu mudan jiray ciqaab xadhig ah ama dil ah.Hadaba saaxiibayaal maanta waxa muuqata in xukuumadda siilaanyo ay danbi ka dhigtay taageerada gudoomiyaha KULMIYE Muuse Biixi Cabdi oo shalay ahaa qolofta ku dahaadhan siilaanyo iyo xukuumadiisa ,hadii aynu is bar bar dhig ku sameyno Siyaad Barre iyo Siilaanyo-nawaxaynu ogaanaynaa in uu xaqiiqada u dhawaa Maxamed Siyaad Barre sababtoo ah,Siyaad Barre wuxuu sheegay in dalka uu ka jiro xisbi kali ah oo la yidhaahdo xisbiga Hanti-wadaaga Kacaanka Soomaaliyeed ,xisbiga gudihiisana cid kula tartami kartaana aysan jirin dalkuna uu ku jiro xukun milateri.Siilaanyo wuxuu sheegay in Somaliland ay tahay dal dimuqoraadi ah oo ay ka jiraan saddex xisbi qaran iyo in xisbiga KULMIYE uu yahay xisbi ay gudihiisa ay dimuqoraadiyadi ka jirto oo lagu tartami karo,halkaasi waxa ka muuqata in uu siyaad barre umadda run uu sheegay Siilaanyo-na uu been u sheegay sidoo kalena waxaa muuqata in Maxamed Siyaad Barre uu xidhi jiray ama uu dili jiray dad hubaysan oo ka soo horjeeda ,halka siilaanyo-na uu maanta danbi ka dhigay in la xidho qof kasta oo lagu arko sawirka Muuse Biixi oo ah gudoomiyaha xisbiga KULMIYE.Ma jirto cid isaga dhaw hooyada iyo ilmaheeda ,waxaana aynu og nahay in hooyadu ay ilmaheeda xanbaarto,hasa yeeshee xanbaarkaasi wuxuu ku siman yahay waqti la yaqaano, oo ilmuhu marka uu koro hooyadu ma xanbaarto ee iskii ayuu u socdaa ,siilaanyo-na Muuse Biixi iyo beshiisu waxay xanbaarsanaayeen in ka badan 15 sanno ,maanta waxa la isku hayaa waad cuslaatay oo intii aynu ku sidi karnay waanu ku sidnay ee soo deg ,isaguna waxa uu taagan yahay xanbaarkaan la qabsadee xageen u dagaa.Halka marka ay marayso ee aynu habsuugaaneed ku cabirno ,waxa muuqata in uu siilaanyo taagan yahay qaban qabadaan wadayeey qormadaan lahaa oodeey sowtan la iga kala qubayeey, waa qaali kurisguye way I khasaarinaayaan,Jawaab celinta Muuse Biixina hadii hab suugaaneed lagu cabiro waxay noqonaysa ma dhamaado waqtigaad soo dhaweysataye dheeraa mudadu ,warqadahaan is dhaafinayeen la dhacaayey tigidhada dhanka ay maraayaan dhakafaar ka qaadee dhexda waxaa u joogee dhufsadaa la yaab leh.Maah maah soomaaliyeedba jirta oo tidhaahda reer magaalku arinkiisa kaftanku ku dhamaystaaye lama arag lamana maqal nin qabiil dhan khimaayeeya siilaanyo ka horow ,Siilaanyo inta uu heshiis la galay beesha Subeer Awal oo uu kula heshiiyey in 5 sanno ee hore ay isaga doortaan 5 sanno ee danbana isaga iyo beeshiisuba ya taageeraan Muuse Biixi,ayaa markii uu kursiga ku fadhiistay wuxuu noqday rahii danta lagu lahaa ee markii hore dhoobada ku dhagsanaa ee ninkii danta ku lahaa la balabay marka uu roobku da’o , markii uu roobkii da’ay ee uu ninkii raha danta ku lahaana u yimid ,iyadoo rahii qaylinayo ayuu ninkii isa soo dul taagay markaasu ninkii rahii ku yidhi waynagii balan sanayn roobkiina waakan da’ay ee dantaydii I sii wuxuu rahii ninkii ugu jawaabay wixii miyi qaban ee aad aragtaba la hadal.Maah maah soomaaliyeedba jirta oo tidhaahda xaajo nin aan ogeynin indhuhu ka ridaa cid kasta oo arintan gashay ha ahaato guurtida ama cdii kale ee ay ahaataba waxaa muhiim ah in ay ogaadaan xaqiiqada jirta iyo waxa la isku hayo,si dawada loo helo ,waxaynu naqaanaa had iyo jeer hadii uu qof xanuusado marka uu dhakhtarka uu u tago waxaa muhiim ah , in uu dhakhtarku waraysi la yeesho qofka bukaanka ah ka dibna uu sameeyo shay baadh marka uu ogaado xanuunka hayana wuxuu dhakhtarku u qoraa dawada u haboon ee uu qofkaasi ku bogsan karo.Fariinta ugu danbaysa waxaa u dirayaa Gudoomiyaha Guutida Saleebaan Gaal oo hadii uu kala saari waayo xaqiiqada jirta iyo waxa uu jecel yahay in arintani ay gaadhi doonto meel adag oo laga soo qaban kari waayo.Hadaba saaxiibayaal waxaan idinku dhaafayaa maansadii Cirsan-ka Yeesh ee uu tiriyey Alaha ha u naxariistee Abwaankii Axmed Ismail Dirie "Qaasim"Cashadii gashaba waagu waa caynad gooniyahe Cadceedii Timaadaba Noole uu Ku Cimro Qaataa,

Xidigahan Casaaday iyo Dayaxan Caadka Lagu Meershay
Caammadu waxay moodayaan curasho Dayreede

Cilmi Felegga way garan raggii Caalimka ahaaye

Anigaase Moorada cakiran kuu caddayn kara'e

Cirsan-ka-yeedhkii maantana warbuu sheegay Caliyo'e

Wuxu yidhi halkuu ku cuyubnaa cirirki soo dhaafye

Carruuraha la dhacay Awliyada laga cadhaysiiyey

Carshigaaba laga soo aqbalay cabashadoodiiye

Caawaa la kala soocayaa Caabud iyo Gaal'e

Casha aan fogeyn waxays beddeli ciidan fara weyne

Caaddaa rag koraybuu nabsigu hoos u soo celinne

Caanuhu dhawaan way ka quban ciil dar loo qabaye

Inay Curaddo khayr lihi kacaan ciiddan la arkeeye

Ceeryaamo Subaxeed nin nool curadka roob moodye

Marse haddii cadceed lagu dhexdaro wayska cidinciide

Caloolyow aan kugu raagihayn ciidda haw qodin'e

Cagta ii dhig waakaa nabsigi soo cadceedsadaye
Qalinkii:C/risaaq Suudi Nuur
Tel:4425243
Email:suudi88@gmail.com
Hargeysa/Somaliland




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured