Weererkii Argagaxa Lahaa Ee Lagu Qaadey Wasiirkii Dawlada Argagixisada Ku Sheegey, W/Q:Wacays Axmed Maxamuud

0
Friday May 30, 2014 - 22:14:25 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1188
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Weererkii Argagaxa Lahaa Ee Lagu Qaadey Wasiirkii Dawlada Argagixisada Ku Sheegey, W/Q:Wacays Axmed Maxamuud

    Maanta Xukuumadii Ina Sanweyne iyo xisbigeedii kulmiyeba wey ku fashilmeen hogaamintii qarrankan.Wasiir ku xigeenkii hore ee amnigu run ahaantii wax fiican kumuu hadal , hadalkiisu

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maanta Xukuumadii Ina Sanweyne iyo xisbigeedii kulmiyeba wey ku fashilmeen hogaamintii qarrankan.Wasiir ku xigeenkii hore ee amnigu run ahaantii wax fiican kumuu hadal , hadalkiisu Maanta Xukuumadii Ina Sanweyne iyo xisbigeedii kulmiyeba wey ku fashilmeen hogaamintii qarrankan.Wasiir ku xigeenkii hore ee amnigu run ahaantii wax fiican kumuu hadal , hadalkiisu waxa uu ahaa mid wax u dhimaya qaranimada soomaaliland inkasta oo ay ahayd in aanu xukuumada oo dhan wada shaabadayn ee uu kala saaro, waayo waa jiraan shakhsiyaad leyska yaqaan oo aan wacneyn ama xidhiidh la leh ururo xagjira oo la wada ogsoon yahay iney ooda ka qaadeen isla markaa xilal u dhiibeen kooxihii xabsiyada dalka ugu xidhnaa kiisaska argagixisada. Gaar ahaan xabsigii madhera. Kuwaas oo aan hebel iyo hebel u sheegi karo qaarkoodna ku jiraan hada sirdoonka qarranka. Sababta sii deyntooda waxa loo eegey qollodooda oo ka weynaatey hallista ay qarrankan gelin karaan ama ay horeba ula badheedheen. Waxase arimahaa dhamaan isku fuuqsadey weerarka.saacadaa lagu qaadey guri ay ku nool yihiin qoys reer Somaliland ah , shaleyna golaha wasiirada ee siilaanyo ka tirsanaa. Miyaan hadalkiisii ahaa waa argagixiso dhab noqoneyn, marka habeen badh gurigii loogu daato.Waa maxay dadkan caadifada ku shaqeynaya ee aan garaneyn aqoonta iyo milgaha hogaaminta toosan ee dowladnimo. Miyaaney qurrux badneyn qofkii dambi galla in maxkamada daccwad ka furato dawladu islla markaa looga yeedho halkaa oo wixii uu dembi leeyahay lagu qaado. Side ayuu wasiirka madaxtooyadu marku garoonka diyaarada yimi ee uu uga sii hanjabey uu ciidan u geliyaa isla markaa dadka degen rasaas nool loola dhacaa? Meeshu ma what kind af anarchy ayey noqotey ileyn dawladi waxan dadkeeda kuma sameysee. Gabadhii wasiirku waxay sheegtey in aaney garaneyn dadka na soo weerarey waxa ay yihiin. Hadda yaa ka masuul ah dilkaa meesha ka dhacay? Waayo cida ay saaran tahay dhagartaasi. Maanta Xukuumadii Ina Sanweyne iyo xisbigeedii kulmiyeba wey ku fashilmeen hogaamintii qarrankan. Weliba waxa intaas dheer sida ay u wada dhego culus yihiin ee aanu hadalku uba sareyn. Waa la yaqaan xukuumaduha bilaa caqliga ahi in aaney wanaaga waxba ku lahayn keliya waxa ay wax ku fahmaan dhirbaaxada. Ugu dambeyn maahmaah soomaaliyeed ayaa tidhaa Riyo hadey dub leeyihiin dabadooda ayey ku qarin lahaayeen, maanta wadankii waxaad moodaa in uu dib u socdo,waa taas ciidamada la siinayo liisan ay dadka ku toogan karaan saacada ay doonaan inta ay guryahooga ugu daataan. Waa taas dadka lagu xidhayo warqad uu gaadhigiisaku dhejiyey oo uu leeyahay ha la sii daayo Haatuf ama Hubaal ama waa taageersanahay hebel. qaska koowaad ee meesha ka socdaana waa xisbigaa cambaarta ah ee kulmiye kaas oo noqdey mid been been ku dhhisnaa tan iyo bilowgii hase yeeshee u muuqda maalamaha soo socda in baroordiiqdiisa la qabto oo godkii udub la dhigey loo qabaal jeexo.allaa mahad leh

W/Q:Wacays Axmed Maxamuud
BARRE ADDUUNYO





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured