Shacabka Reer Saaxil 99% Guddoomiye Muuse Biixi Bay Taageersan Yihiin, Cali Xoor Xoorow Jooji Abaabulka Waji Ku Macaashka, Iska Daa Shacabka reer Barbaree, Bisadaha iyo Qudhaanjada...

0
Wednesday May 28, 2014 - 18:11:28 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1010
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shacabka Reer Saaxil 99% Guddoomiye Muuse Biixi Bay Taageersan Yihiin, Cali Xoor Xoorow Jooji Abaabulka Waji Ku Macaashka, Iska Daa Shacabka reer Barbaree, Bisadaha iyo Qudhaanjada...

    Shacabka Reer Saaxil 99% Guddoomiye Muuse Biixi Bay Taageersan Yihiin, Cali Xoor Xoorow Jooji Abaabulka Waji Ku Macaashka, Iska Daa Shacabka reer Barbaree, Bisadaha iyo Qudhaanjada

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shacabka Reer Saaxil 99% Guddoomiye Muuse Biixi Bay Taageersan Yihiin, Cali Xoor Xoorow Jooji Abaabulka Waji Ku Macaashka, Iska Daa Shacabka reer Barbaree, Bisadaha iyo Qudhaanjada Shacabka Reer Saaxil 99% Guddoomiye Muuse Biixi Bay Taageersan Yihiin, Cali Xoor Xoorow Jooji Abaabulka Waji Ku Macaashka, Iska Daa Shacabka reer Barbaree, Bisadaha iyo Qudhaanjada Berbera Ku Nool Ayaan Doonayn Soo Noqoshada Madaxweyne Siilaanyo:Waxaan halkan ka salaamayaa dhammaan warbaahinta madaxa banaan, waxa kale oo aan salaamayaa dhamaan shacbiweynaha reer Somaliland.Waxaa ayaamahan danbe warbaahinta ku soo badanayay dad lagu sheegay in ay yihiin reer Saaxil ama qaasatan reer Berbera oo Tv-yada kaga hadaaqayay, waxaanu soo dhawaynaynaa Murashaxnimada Madaxweyne Siilaanyo, run ahaantii dadkaasi markii aan u kuurgalay waxay noqdeen Waji ku macaash uu soo abaabulay maareeyaha Dekeda Berbera Cali Xoor Xoor, hadaba mid baan Guddoomiye Muuse Biixi Leeyahay, Midna Cali Xoor Xoor baan leeyahay, midna Shacabka Reer Saaxil.baan leeyahay.Guddoomiye Muuse Biixi waxaan leeyahay, shacabka reer Saaxil 99% way ku taageersan yihiin kuwa Gudaha Jooga iyo Qurbajoogtuba, macnaha ay kugu taageersan yihiina ma aha in ay KULMIYE yihiin, balse waxay kugu taageersan yihiin in aad sharciga ku taagan tahay, lagaana gardaran yahay, Madaxweyne Axmed Siilaanyana doonayo boob iyo Fowdo in uu dalka ka rido, inta aad xaqaaga helaysana shacabka reer SAAXIL way ku garab taagnaanayaan dhinacay kaa xigaana bahal kaaga soo dhici maayo taa ku seexo. Waxaanuna kaa raali galinaynaa erayada ka soo dhacdhacaya shiqsiyaad reer Saaxil ah oo ku caanbaxay guulwadaynta iyo ina gumeednimada, iyagoo markaa is leh iska dhaadhiciya Siilaanyo si uu Xilka aad haysaan idinku daayo.Maareeyaha Dekeda Berbera Eng. Cali Xoor Xoor, waxaan leeyahay war miyaanad ka waan toobayn Guulwadayn iyo maalinkasta in aad nin colaad ka samaysato, Calow afartan Waji ku macaash iyo turafatoorayaashan aad majlisyada ka soo ururisay ee aad ku sheegayso in ay yihiin shacabka reer Saaxil, arrintaasi waa danbi cad oo aad ka galayso shacabka gobolka saaxil, Cali Xoor Xoorow shacabka reer Saaxil war kuma seegana meesha ay marto lacagta Dekeda Berbera ka soo baxda oo aad u kala qaybiso 3 qaybood oo kala ah, 1. Qayb aad Axmed Siilaanyo guriga ugu gayso, 2. Qayb aad ku saydhiso Waji ku macaashka iyo turafatoorayaasha aad u adeegsato barnaamijyada guulwadaynta iyo qaybta 3xaad oo aad meel modow oo Illaahay nacebyahay habeenimada la huluulato, iyadoo dadkii reer Saaxil badankoodu ay beerka dhulka ku hayaan, oo magaalidii Berbera looga cararay laydh xumo, waxbarasho xumo, caafimaad xumo, biyo xumo. Cali Xoor Xoorow waxan kuu sheegayaa meel ku gaynimayso marba Madaxweyne loo guulwadeeyo, taariikhta gobolka saaxil baal madow baad kaga taal waligaana kaga oolaysaa.Shacabka reer Saaxil waxan leeyahay waa in aad isku duubnaataan, oo aad taageertaan Mujaahid Muuse Biixi, Nabigeenii Maxamed (CSW) wuxu yidhi Walaalkaa Haduu Gardaran yahayna U Hiili Hadii Laga Gardaran Yahayna U Hiili, Maanta Muuse Biixi Waa laga gardaran yahay, ninka maanta Muuse Biixi kursigiisa ku weerarayaa waa ninkii odayga ahaa ee Axmed Siilaanyo ee inaga reer Berbara weerarka iyo deegaamaynta inagu hayay uunbaa dagaalkii u jaheeyay xaga Hargeysa iyo Muuse Biixi, waa in layska illaaliyaa waji ku macaashka iyo kuwa dimiir laawayaasha ah ee hunguriga iyo shilimaadka la siisanayo, waan hubaa dadka reer Saaxil badan koodu in ay yihiin dad goba oo damiir leh oo ka danqada waxyaabaha xun xun ee gunimada ah. Waxaan aad iyo aad ugu mahad celinayaa una hanbalyaynayaa shacabka reer Abdaal oo maanta ku soo biiray Xisbiga UCID, Waxaan idin rajeynayaa guul iyo gobinimo reer Saaxilow.

Mr. Abdulqadir Mohamed (Cukaashe)
UK Bristol warfaa_101@hotmail.co.uk



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured