DILAAL HINDI AH OO GURYAHA MAGAALADA LONDON IIBIYA OO 6 LIX MILION OO POUND( 6.000.000£) KA DHACAY QOYSKA MADAXTOOYADA SOMALILAND IYO WASIIRKA MACDANTA IYO BIYAHA

0
Thursday May 02, 2013 - 19:21:46 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1285
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    DILAAL HINDI AH OO GURYAHA MAGAALADA LONDON IIBIYA OO 6 LIX MILION OO POUND( 6.000.000£) KA DHACAY QOYSKA MADAXTOOYADA SOMALILAND IYO WASIIRKA MACDANTA IYO BIYAHA

    London (xogreebnews.com):- Waqcadii iyo fadeexadii ugu weyneyd abid ayaa kaga dhacday Magaalada London ee cariga Ingiriiska Qoyska Madaxtooyada ee Somaliland iyo Wasiirka Macdanta

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

London (xogreebnews.com):- Waqcadii iyo fadeexadii ugu weyneyd abid ayaa kaga dhacday Magaalada London ee cariga Ingiriiska Qoyska Madaxtooyada ee Somaliland iyo Wasiirka Macdanta DILAAL HINDI AH OO GURYAHA MAGAALADA LONDON IIBIYA OO 6 LIX MILION OO POUND( 6.000.000£) KA DHACAY QOYSKA MADAXTOOYADA SOMALILAND IYO WASIIRKA MACDANTA IYO BIYAHA
London (xogreebnews.com):- Waqcadii iyo fadeexadii ugu weyneyd abid ayaa kaga dhacday Magaalada London ee cariga Ingiriiska Qoyska Madaxtooyada ee Somaliland iyo Wasiirka Macdanta kadib markii Dilaal Hindi Ah Oo Guryaha Iibiya Magaalada London uu 6 Lix Milion Oo Pound( 6.000.000£) Ka Dhacay.

Warar rasmiya oo laga helayo xubno ay qaraabo dhaw yihiin Qoyska madaxtooyada ayaa sheegay in Marwo Amina Weris Iyo Wasiirka Macdanta iyo Biyaha Somaliland ay doonayeen in Laba Villa oo Waaweyn ka iibsadaan Duleedka Magaalada London oo ay inta badan degaan dadka ladan ama tujaarta ahi iibka labadaasi villa ama guri ayaa soo jiitamayey ilaa bishii january 2013.
Qoyska Madaxtooyada ayaa si aan sharciga iibka Guryaha UK waafaqsanayn wakiil ka dhigtay Nin Hindi ah oo Dilaala ama dadka guryaha u kala iibiya heshiiskii ugu danbeeyey ayaa ahaa in Labadaasi Villa ama guri ee waaweyn ay Qoska Madaxtooyada iyo Wasiirka Macadanta iyo biyaha somaliland ku iibsadaan ama siistaan 6 Lix milion oo Pound(6.000.000£) Bishii march horaanteedii ayaa Marwo Amina Weris Lacagtii u shubtay Ninka Hindiga ah ee Dilaalka ah halkii la rabay in ay lacagta u shubtu Mulkiilihii Labadaasi Villa iska lahaa oo ah Qoys British ah.


Ninkii Dilaalka ahaa ee hindiga ah ayaa markuu hubsaday in lacagtii Accountkiisa ama xisaabtiisa ku soo dhacday is qariyey waxaase la ogaaday in uu dalka ka baxay oo uu u dhoofay Hindiya.
Marwo Amina Weris ayaa u Tagtay Lawyer degan xaafada east london aaga Stratford balse lawyerkii ayaa Amina Weris u sheegay In ay adagtahay in kiiskaasi guul laga gaadho maadaama ninkaasi Hindiga ahi uusan xoog lacagta ku qaadan isla markaasi wuxuu lawyerku u sheegay Amina Weris in ninkaasi Dilaalka ah ee Hindiga ihi uu yahay nin british ah uu markuu rabo soo noqon karo lana soo socodsiiyaan marka uu UK ku soo laabto.xogreebnews.com



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured