CAAQIL MAXAMED CABDI QAWDHAN OO XABSIGA LOO TAXAABAY

0
Thursday May 02, 2013 - 19:17:39 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1186
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    CAAQIL MAXAMED CABDI QAWDHAN OO XABSIGA LOO TAXAABAY

    Gabiley(xogreebnews.com) Caaqil Maxamed Cabdi Qawdhan oo ka mid ah cuqaasha ugu waaawayn

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gabiley(xogreebnews.com) Caaqil Maxamed Cabdi Qawdhan oo ka mid ah cuqaasha ugu waaawayn CAAQIL MAXAMED CABDI QAWDHAN OO XABSIGA LOO TAXAABAY
Gabiley(xogreebnews.com) Caaqil Maxamed Cabdi Qawdhan oo ka mid ah cuqaasha ugu waaawayn gobolka gabiley ayaa manta abaaro 12:30 duhurnimo loo taxaabay jeelka isla markaana siduu ii sheegay caaqil maxamed cabdi qawdhan mar aan khadka tilifoonka kula xidhiidhay isagoo ku sugan saldhiga dhexe ee magaalada gabiley waxaa amray in la soo xidho badhasaabka gobolka gabiley Yuusuf Ibraahim Geedi.xadhigan caaqilka ayaa ahaa mid sifaha sharciga baalmarsan loomana soo jarin waaran maxkamadeed oo xalaalaynaya qabashada caaqilka sida ay uu ii xaqiijiyay gudoomiyaha maxkamada gobolka oo sheegay arinkaa inaanu wax war ah ka hayn maxkamada gobolka gabiley.dhanka kale mar aan isku dayay si aan faahfaahin uga ogaado sababta rasmiga ah ee caaqilka loo xidhay ayaa waxaan khadka tilfanka kula xidhiidhay badhasaabka gobolka gabiley mudane yuusuf ibraahim geedi balse wuu ka gaabsaday inuu tafaasiil ka bixiyo xadhiga caaqilka waxaanu iigu jawaabay( haa mid ayaa la xidhay miyaa,,,,,waxba kaaga sheegi mayno)kadibna waxuu xidhay tilifoonkiisii gacanta ee aan kala hadlayay.

Caaqil Maxamed Cabdi Qawdhan oo ka mid ahaa cuqaasha had iyo jeer la shaqayn jiray xukuumada ayaa dhawaan todobaadkan gudihiisa ka hadlay warbaahinta oo si adag u naqdiyay saamigii raashinkii mucaawimada turkiga ahaa oo gabiley xukuumadu u qoondaysay inay saamiga ku qaadato dagmo ahaan isla markaana dhaliilo u jeediyay madaxweyne ku xigeenka Somaliland cabdiracmaan cabdilaahi ismaaciil wallow maalin kadib caaqilku raaligalin ka bixiyay hadlkii uu ku yidhi madaxweyne ku xigeen arinta ku sahabsan saamiga raashinkana waxuu kala sinaa dhamaan cuqaasha gobolka iyo golaha deegaanka gabiley oo isku mawqif ka taagnaa, hadiiba taa wax ka taaganyihiinba maalintiiba waa la xidhi lahaa caaqilka,hasayeeshee sida ay sheegayaan wararka aanu ka helayno ilo u dhuundaloola arintan ayaa waxaa loo aanaynayaa xadhiga caaqilka inay sabab u tahay inuu abaabulay shir beesha uu caaqilka ka yahay ay maalintii shalay ku yeelatay beer ku taala ceelginiiseed oo duleedka waqooyi ka xigta magaalada gabiley balse badhsaabka gobolka gabiley mudane yuusuf ibraahim geedi ayaa shalay ka qaybgalay shirkaasi isla markaana ay wada joogeen caaqilkan uu maanta jeelka u taxaabay iyagoon wax turxaani dhexdooda oolinwaxayse iswaydiintu tahay shalayba waa kuwii wada qoslayee waxan badhsaabka maanta ku soo cusboonaadey ee uu u xidhay caaqilkasikastaba ha ahaatee xadhigan caaqil maxamed cabdi qawdhan ayaa xansaska ku sii hurinaya xidhiidhka xukuumada iyo bulshada gabiley oo beryahan dambe sii xumaanayay.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured