Ugaaska Beelaha Samaroon Oo Bari Magaalada Boorama Booqasho Ku Imanaya Iyo Nuxurka Ujeedada Socdaalkiisa Ee Wakhtigan Lala Xidhiidhinayo

0
Thursday May 02, 2013 - 19:16:29 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1345
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ugaaska Beelaha Samaroon Oo Bari Magaalada Boorama Booqasho Ku Imanaya Iyo Nuxurka Ujeedada Socdaalkiisa Ee Wakhtigan Lala Xidhiidhinayo

    Hargeysa, May 1, 2013 (xogreebnews.com)- Ugaaska beelaha Samaroon Ugaas Cabdirashiid Ugaas Rooble, ayaa bari galinka hore la filayaa inuu booqasho ku

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa, May 1, 2013 (xogreebnews.com)- Ugaaska beelaha Samaroon Ugaas Cabdirashiid Ugaas Rooble, ayaa bari galinka hore la filayaa inuu booqasho ku Ugaaska Beelaha Samaroon Oo Bari Magaalada Boorama Booqasho Ku Imanaya Iyo Nuxurka Ujeedada Socdaalkiisa Ee Wakhtigan Lala Xidhiidhinayo
Hargeysa, May 1, 2013 (xogreebnews.com)- Ugaaska beelaha Samaroon Ugaas Cabdirashiid Ugaas Rooble, ayaa bari galinka hore la filayaa inuu booqasho ku yimaado Magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal, kaas oo socdaalkiisu noqonayo markii u horeysay, ka dib doorashadii lagu murmay sannadkii 2011-kii oo beelahaa deegaankaas isku khilaafeen.Ugaas C/rashiid Ugaas Rooble oo isagu maalintii Shalay ka ka soo kicitimay Magaaladda Jig-jiga ee Dawlad-deegaanka Ethiopia ee Kililka 5-aad oo uu Ugaasku ku nool yahay, isla markaana xalay u hoyday Magaaladda Aw-Barre ayaa qaban-qaabada soo dhawayntiisa si wayn looga dareemay maalmihii ugu danbeeyey gobolka Awdal, kaas oo ay soo dhawayntiisa si wada-jir ah u qaban-qaabinayaan Madaxdhaqmeedka, Siyaasiyiinta, Waxgaradka iyo guud ahaan bulshadda gobolkaasi oo u muuqda inay xal ka gaadheen muranadii hore uga dhashay doorashadii Ugaas C/rashiid.Sida ay ilo-wareedo lagu kalsoon sheegeen booqashada wakhtigan ee Ugaaska beelaha Gadabuursi Ugaas C/rashiid Ugaas Rooble ayaa lala xidhiidhiyey dalab ka yimid Madaxwayne ku xigeenka Somaliland C/raxmaan Saylici oo la sheegay inuu ka codsaday Ugaasku inuu qayb ka noqdo baaq wada jir ah oo la sheegay inay dhawaan Magaaladda Boorama ka soo saari doonaan Madaxdhaqmeedka gobolka Awdal, kaas oo sida ilahaasi sheegeen ay ku muujin doonaan taageeradooda Madaxbanaanida Somaliland iyo wada-hadaladii Somaliland iyo Somalia.Dhinaca kale dadwaynaha Magaaladda Boorama ayaa si wayn ugu diyaar-garoobay soo dhawaynta Ugaas C/rashiid, kuwaas oo Istiikaro sawiradiisu ku xardhan yihiin ka wada lulay wadooyinka magaaladaas iyo gaadiidkoodaba.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured