Siilaanyo: Hogaanka Fitnada.

0
Monday May 26, 2014 - 21:02:13 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1163
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Siilaanyo: Hogaanka Fitnada.

    Go’aan wadari leedahay Hadduu goonidiisiyo, Gaarkiis u maamulo Keligii nin gob yahay,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Go’aan wadari leedahay Hadduu goonidiisiyo, Gaarkiis u maamulo Keligii nin gob yahay, Iyadoo loo arko in marka gacanta lagu dhigo xoog iyo xoolo (Power and wealth) ay tahay ta kaa dhigaysa inaad wax kasta xor u tahay, isla markaana aad samayn karto wixii hadba aad rabto adigoon werwer iyo walaac ka qabin waxa ka dhalanaya kibirkaasi, ayaa ah halka garaaad ugu hoosaysa, waxayna tani keenta in ay abuurmaan iska horimaadyo u dhexeeya kuwo damac leh iyo kuwo diidan oo marka hore ku bilaabma weedho, ka dibna isu roga ficilo.
Siilaanyo waa hogaamiye muddo dheer ku soo jiray saaxadda siyaasadda, waxase yaab leh in marka kasta oo uu hogaan qabto uu la soo boxo ficilo yaab badan oo bilaa naxariis ah, kuwaasi oo uu dadka ku kala qaybiyo, kuna kala kexeeyo, isla markaana aanu isku deyin inuu demiyo sharka uu abuuro.Waxa kale uu nasiib u leeyahy inuu had iyo jeer yeesho kaaliyaal iyo kooxo guulwadyaal danaystayaal ah oo aan kula talin wadada khayrka iyo wanaagga, iyo tan isfahamka.Taariikhdu waxay dhigaysa in SNM markii uu qabtay hogaankeeda uu ahaa ninkii u kala qaybiyay labada garab.Labadaasi garab oo iyagoon heshiin dalka la soo galay, waxayna sababtay dagalaadii ka dhacay Burco, Berbera , Hargysa.Dhamaan dagaladaasi waa kuwo asal ahaan ku arooraya qaybintii iyo hogaan xumadii Siilaanyo ee mudadii uu xilka SNM hayay.Dib u heshiisiintii beelaha Somaliland ee lagu soo afjaray dagalaadii sokeeye ee ka dhashay garabadyadii SNM 1997-kii, ee uu abaabulay Marxuum Maxamed I. Cigaal , ka dib waxay bulshadu noqtay mid ka baxaday labadii garab.Mudadii uu Rayaale xukunka hayayna waxay ahayd garabka dawladda iyo xisbiyadii mucaaridka ahaa oo keliya.Mar kale ayuu hogaanka la wareegay Siilaanyo, waana wakhtigan aynu joogno bal u fiirso, xisbigiisi ayuu u kala qaybiyay laba garab, wasiiradiisiina waa laba garab, durba laba wasiir ayuu eryay. Waxa yaaban mucaaridkii oo amankaaga ku dhacay, bulshadii oo ka walaacsan hogaan xumida Siilaanyo ee aan karti marna u lahayn muranka uu abuuro inuu si xikmad leh usoo afjaro.Waxa keliya ee u yaqaana waa abuurka sharka laakiin muu baran deminta sharka. Wasiirada aad eriday waxba kama tarayaan muranka taagan way sii shidaysaa, waxa ka fiican isfahanka iyo isu dulqaadashada.Dawlad iyo xisbigeeda iyo xisbiyo mucaarid ah ayay dadku yaqaaneen, Siilaanyo wuxu keenay:Dawlad — Xisbigeeda isku ah muxaafid iyo mucaarid.Waa dhaqan soo jireen ah oo ay leeyihiin hogaamiyaha aan lahayn kartida hogaamineed ee kursiga jecel kuwaasi oo ku jahawareera maamulka , taagerayaashiisana u kala qaybiyo laba garab oo isku mashquula.Sidaas darteed Siilaanyo mar kasta waa hogaan shar badan, kuna xeeran yihiin kuw shar badani.

Kuwani talada ku siinayaa waa danaystayaal aan bulshada kasban Karin.
La taliyaasha xumi yay wadada kaa leexin. “Mar kasta waxa jira dariiq sax” T.Edson
Go’aan wadari leedahay Hadduu goonidiisiyo,
Gaarkiis u maamulo Keligii nin gob yahay,
Inta badan gun hoosiyo Garax iyo qadhoon iyo,
Gaagaab ka wada dhigo Marka loo ged sheegtana
Galka seefta kala baxo Wuxuu goosto keligii
wux geysto dabadeed Garashaa ku tidhi yeel.
Ninka kale gilgilashada Hadduu giirto hibashada
Ama goosto dabadeed Gacan inuu ku ciil baxo.Dala’siga la gaasiray Garashaa ku tidhi diid.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured