INA XAASHI DUMIYOO, DENBI-BAA LAGA GALAY DEGMADA XIIS

0
Sunday May 25, 2014 - 16:28:20 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1418
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    INA XAASHI DUMIYOO, DENBI-BAA LAGA GALAY DEGMADA XIIS

    Degmada Xiis Waa Magaalo Xeebeed Mug Weyn Oo 75km Dhinaca Koonfureed ka xigta magaalada ceerigaabo, waa magaalao qadiimiya oo ku caan ah sooyaalka taariikhda Soomaalida Waxaana lagu xasuustaa waqtigii Talyaanigu

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Degmada Xiis Waa Magaalo Xeebeed Mug Weyn Oo 75km Dhinaca Koonfureed ka xigta magaalada ceerigaabo, waa magaalao qadiimiya oo ku caan ah sooyaalka taariikhda Soomaalida Waxaana lagu xasuustaa waqtigii Talyaanigu

Degmada Xiis Waa Magaalo Xeebeed Mug Weyn Oo 75km Dhinaca Koonfureed ka xigta magaalada ceerigaabo, waa magaalao qadiimiya oo ku caan ah sooyaalka taariikhda Soomaalida Waxaana lagu xasuustaa waqtigii Talyaanigu Ku Duulayay Dhulka Xabashida In Kabadan 700 oo Sano Ka Hor waxay ahayd saldhig milateri oo ciidamada badda talyaanigu kaga duulayeen itoobiya gaar ahaan deegaanka dalka iminka loo yaqaan ereteeriya oo ka mid ahaa dhulkii xabashida, waa degmo jirtay in ku dhow 800 oo sanadood waa magaalo leh taariikh aan la soo koobi karin waxayna maamushaa deegaan balaadhan, xukuumadihii kala danbeeyay iyo dalalkii kala horeeyay ee soomaray dhulkan waxay ahayd magaalo muhiim u ahayd, hase yeeshee kedib 800 oo sanadood waxay noqotay magaalo duulaan lagu noqday si loo baabiiyo taariikhdeeda, wasiir maxamuud xaashi cabdi waa mid kamida golaha wasiirada xukuumada madaxweyne siilaanyo waana mid ka mida ashkhaasta door bida in deegaankan laga jaro tuulooyin ay degaan dad ay isku hayb yihiin, mudo laga joogo laba maalmood waxa uu wasiirkan oo baal madow kaga jira taariikhda gobolka sanaag uu ku guulaystay in uu madaxweynaha ku qanciyo in degmo la siiyo tuulada GUDMO-BIYO CAS si ay u maamusho magaalooyin yaryar oo hoos tegi jiray degmada qadiimiga ah ee xiis, wasiirku waxa uu weerar baahsan ku qaaday dadka deegaan ahaan ka soo jeeda degmada XIIS oo uu ku guulaystay in uu ka dabarjaro ka mid ahaanshaha xukuumada dhinaca ka raran ee madaxweyne siilaanyo.

bulshada reer somaliland waxa ay tuhmaan sida cad in beesha madaxweyne siilaanyo murursatay dulmidayna beelihii kale ee somaliland hase yeeshee waxa ay iloobeen indhahana ka qarsadeen in beesha madaxweyne siilaanyo siyaasiyiintooda xukuumada ugu jiraa ay dulmiyaan beesha degmada xiis oo ay haybta guud wadaagaan.

beeshan baaxada weyn ee degmada taariikhiga ah ee XIIS degtaa waa mid madi ku ah kelinimo haba yaraatee kama mid aha xukuumada heer qaran, heer gobol iyo heer degmo toona, waa beel ay weerar qaawan ku hayaan wasiirada wasaarada duulista iyo hawada, waxbarashada, arimaha gudaha iyo wasaarada dhalinyarada iyo ciyaaruhu, waa mid la cidhib tiray taariikhdii siyaasadeed ee deegaankaas oo lagu yaqaanay haldooro uu qarankani lahaa.

1960 waxaa jiray laba haldoor oo mugweyn magac iyo maamuus kuleh dalkan waqtigii gobonimo doonka waxayna kala ahaayeen maykal maryama iyo axmed kayse, labadaas nin waa kuwo magocooda si wayn looga yaqaano geyiga soomaalida waa xubnihii ugu firfircoonaa baarlamaankii lixdankii, MAYKAL MARYAMA waxaa uu ahaa siyaasigii u horeeyay ee SOOMAALI ahaa ee isku sharaxa mansabka madaxweyne nimo. waxa uu ahaa siyaasi ku barbaaray kana soo jeeday degamadan XIIS.

si kastaba ha ahaatee wasiir maxamuud Xaashi Cabdi waa siyaasi taariikh madow kuleh deegaanka gobolka Sanaag waa siyaasi hogaaminayay dagaalkii sokeeye ee beelaha soomaliland waxa uu ka mid ahaa fidme wadayaashii falqalateeyay qarankan la dhoodhoobayo, waxa uu ahaa masuul ay ku waajibtay in maxkamad la soo taago hase yeeshee waxaa loogu abaal guday in mansab wasiirnimo laga siiyo dalkii uu baabiinayay waxaana uu ficiladiisii foosha xumaa dib uga dhex bilaabay dalka somaliland.

waxa uu wadaa olole uu u qorsheeyay in uu ku kala fogeeyo dadka wada dega gobolka sanaag waxa uu kala goygoynayaa deegaamada walaalaha ah waxaana uu bilaabay tuhunkii laga qabay waxaana uu degmo cusub u magacaabay tuulo yar oo ku taala meel qarfe ah, taas oo uu ku xaqiray goobaha kale ee u qalma sida ceel buh, beer, karin bari, hadaaftimo, awr boogays , iyo deegaano kale oo dalkani leeyahay, balse waxaas waxa uu ka door biday degmo kala fogaynaysa bulsho wada degnayd, waqtigii waa gebo gebo, maalmihiina way yaraadee, mudadiina way kooban tahay, doorashadiina fooday inagu soo haysaa wasiir xaashina waxa uu xukuumada u xanbaariyay ceeb.

magaalada hargaysa waxaa ku sugan cuqaal iyo madax dhaqameed dib qalooca oo sheegtay inay metelayaan bulshada degmada xiis waxaana uu wasiirka duulistu ku laaluushay lacag dhan $5,000 waxaana damiirkoodii iyo baahidii deegaankoodaba ilowsiisay masaariiftan maalmaha kooban wadaysa, dowlad kale oo dhalataa waa dabaaldega dadweyanaha reer xiis waa halku dhiga bulshada deegaankaasi niyada ku dhisato, waxayna diyaar u tahay in halgankii ay u gashay xisbiga kulmiye ay ku ka badan u gasho xukuumad kale oo xalisa dhibaatada reer xiis.

bulshadan ayaa haysata xildhibaanka ku madiyoobay meeqaamkii mucaaradada waana xildhibaan rayte, waxayna taasi keentay in wasiir xaashi kumanaan doolar ku bixiyo ka takhaluusida siyaasada xildhibaankaasi waxaana uu samaystay calooshood u shaqayste yaal yaryar oo ay isku deegaan yihiin xildhibaanka si ay suuqa u geliyaan barabugaandhooyin dan u ah wasiirka iyo beeshiisa baalaysa,

gebgebadii akhristoow somaliland ma waxay maraysaa 1993-kii mise taariikh cusub iyo qorshayaal beeleed kale, maxaa xanibay talaabadii dimuqraadiyadeed iyo ka guuristii taladii beelaha, maxaa dhaliyay shir beeleedada ay ku baxayaan boqolaalka kun ee dolar ee ka qayb qaadan lahayd horumarka dalka, maxaa du miyay mucaaradadii wax toosin lahayd, maxaa ka dhigay siyaasiyiinteenii calooshood u shaqaystayaal ku duula cida loo diro xaalku maanta ma alaa wadee daa baa, ma dumiyoo ka durugbaa, ma durbaan u qaadaa, bal adba?

qalinkii

cali mahdi jibriil



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured