Yagoori: Beesha Jaamac Siyaad oo soo saartay qoraal ay ku durayso Wada shaqaynta badhasaabka Gobolka Sool

0
Thursday May 02, 2013 - 07:39:20 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1256
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Yagoori: Beesha Jaamac Siyaad oo soo saartay qoraal ay ku durayso Wada shaqaynta badhasaabka Gobolka Sool

    Yagoori(xogreebnews) Odayaal, waxgarad iyo Madax dhaqameed ka soo jeeda Beesha Jaamac Siyaad ee Gobolka Sool ayaa soo saartay qoraal ay ku joojinayso wada shaqaynta beesha iyo badhasaabka Gobolka Sool, kaasoo ay ku eedaynayaan in uu lumiyay kalsooni

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Yagoori(xogreebnews) Odayaal, waxgarad iyo Madax dhaqameed ka soo jeeda Beesha Jaamac Siyaad ee Gobolka Sool ayaa soo saartay qoraal ay ku joojinayso wada shaqaynta beesha iyo badhasaabka Gobolka Sool, kaasoo ay ku eedaynayaan in uu lumiyay kalsoonidii beeshu ku qabtay.

Yagoori: Beesha Jaamac Siyaad oo soo saartay qoraal ay ku durayso Wada shaqaynta badhasaabka Gobolka Sool

yagoorYagoori(xogreebnews) Odayaal, waxgarad iyo Madax dhaqameed ka soo jeeda Beesha Jaamac Siyaad ee Gobolka Sool ayaa soo saartay qoraal ay ku joojinayso wada shaqaynta beesha iyo badhasaabka Gobolka Sool, kaasoo ay ku eedaynayaan in uu lumiyay kalsoonidii beeshu ku qabtay.

Sidoo kale waxay ku eedaynayaaen maamulkii iyo awoodii gobolka inuu ku tagrifalayo isla markaana beel gaar ah ugu adeegayo isaga iska indho tiraya beesha Jaamac Siyaad oo ah beesha kali ah ee dhidibada u taagtay Maamulka Somaliland, halka beelaha kale ee Gobolku ka hor taagan yihiin:

Nuqul qoraal ah oo ay ku saxeexan yihiin masuuliyiinta soo saaray dhiiladani waxa uu u dhignaa sidan:-

Mudane Guddoomiye anaga oo kala ah guddida ay magacyadoodu hoos ku qoran yihiin kana wakiil ah beesha Jaamac Siyaad, wxaanu kula socodsiinaynaa inaanaan raali ka ahayn siyaasadda qalafsan ee aad kula dhaqmayso beesha, anaga oo u aragna inaanaan mutaysan una qalman habdhaqanka foosha xun ee aad nagula dhaqmayso ee aad ku soo kordhisay Gobolka.

Mudane Gudoomiye, waxa ku agoomoobay kuna naafoobay rag iyo dumar farabadan oo ka mid ah beesha Jaamac Siyaad sidii Maamulka Somaliland uu u soo gaadhi lahaa ugana shaqayn lahaa deegaanada kale ee gobolka, ilaa hadana waxa uu joogaa deegaanada beesha oo kali ah mana uusan gaadhin deegaanada beelaha kale , mucaaradad kaga timid beelahaas kale awgeed.

Hadaba Guddoomiye markaanu aragnay siyaasadaada Leexsan waxaanu go’aansanay arrimahan:-

  1. In aanu dib uga fiirsano wada shaqaynta xafiiskaaga iyo beesha inta aad ka aqoonsanaysid jiritaanka beesha iyo waxa ay xaq u leeyihiin gobolka.
  2. In aanu guddi u dirsano dawladda Dhexe taasoo ka turjumaysa aragtid beesha ee xafiiskaaga
  3. In aanu soo celino gaadhigii dhacay raashinkiisii, isla markaana aanu keeno hortaada si aad noogala wareegto.
  4. In aanaan ku qanacsanayn isla markaana aanaan qaadanayn saamiga aad naga siisay awood qaybsigii magaaladda haday tahay mid gobol iyo mid degmaba, iyada oo anaan gayin qalinkaaga iyo qorshahaaga qaldanba, ee ay ugu horayso dafiraada jiritaanka degmadda Yagoori iyo baabi’inta golaha deegaanka ee degmadda Laascaanood oo aad ula jeedo beel gaar ah.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured