Wasiir Xirsi oo Gabay Mar Labaadna London Kasoo Tiriyey Mid Cusub+Madaxweynaha UCID iyo Cali-na kusoo Daray

0
Wednesday May 01, 2013 - 11:53:04 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1306
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiir Xirsi oo Gabay Mar Labaadna London Kasoo Tiriyey Mid Cusub+Madaxweynaha UCID iyo Cali-na kusoo Daray

    Gabaygan oo uu ugu Magac daray Dardaaran Wuxuu yidhi 1.Dhawaaq gabay hadii aan marshoo dhayda ka cadeeyo,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gabaygan oo uu ugu Magac daray Dardaaran Wuxuu yidhi 1.Dhawaaq gabay hadii aan marshoo dhayda ka cadeeyo, Wasiir Xirsi oo Gabay Mar Labaadna London Kasoo Tiriyey Mid Cusub+Madaxweynaha UCID iyo Cali-na kusoo Daray

(xog)Gabaygan oo uu ugu Magac daray Dardaaran Wuxuu yidhi
1.Dhawaaq gabay hadii aan marshoo dhayda ka cadeeyo,
2.Hadii aan rabbaa ii dhashee dhuuxa ka higaadsho
3.Dhalinyarada waano iyo talaan soo dhex dhigayaaye
4.Dhaqsay Libin u soo hoyn haday dhego u yeeshaane
5.Dhambaal iyo wargays aan qoroo dhiibay iga hooya
6.Dhismihii dalka iyo baad tihiin dhaayaha indhaha e

7.Dhaqaalaha dalka iyo qaranku waa idinku dhaataaye
8.Dhan loo rogaba idinkaw halgamay dhogor idiinleye
9.Dhulka yurubta iyo carabahaa maanta dhacadiida
10.Dhulkaa gaasta laga qoday saliid dheemata la shiilay
11.Dhalinyaro hagta iyo waxa u wacan dhidid ay saydheene
12.Dheraga iyo barwaaqada haday kala dhex-jiifaane
13.Afartaa wax lays kuma dhibee dhidibka maw aasay
14.Ragbaa xarafka kala dhaawacee dhiif ma illaashay
15.Dhalaanka iyo ubaxeena kacay dhaxal-gal ma u reebay
16.Aan dhameeyo waanada inbaa iigasii dhimane
17.Dhegtu waa wardheer Illina waa arag-dhawaysaaye
18.Dhibka iyo Xumaha Waa inaad dhan uga baydhaane
19.Dhigasho iyo tacliin waa inaad wada dhamaysaane
20.Dhaqanka iyo Hidaha waa inaad dhab u adkaysaane
21.Dhagagaalayaal foolxumo iyo dhagar ka faalooda
22.Dhoof iyo tahriib loo kacoo dhimasho keenaaya
23.Dhibaato iyo wixii aan dani ku jirin looma dhaadhaco e
24.Dhawaanbaa dhismaha dawladeed soo dhexgelaysaane
25.Dhankaan xigana taageeradaan dhaax idiin fidine
26.Dhabadii lasoo raacayiyo dhabar adayg yeesha
27.Dhidibada u Aasoo dalkana Dhuuga ka illaasha
28.Dhib wixii ah Calankeena dhugan dhawrta ka illaasha
29.Dhayal laguma helo gobanimo e dhab ugusoo jeeda
30.Dhibaato iyo Somaliland Dhaawac ka illaasha
31.Afartaa wax lays kuma dhibee dhidibka maw aasay
32.Ragbaa xarafka kala dhaawacee dhiif ma illaashay
33.Dhalaanka iyo ubaxeena kacay dhaxal-gal ma u reebay
34.Aan dhameeyo waanada inbaa iigasii dhimane
35.Taariikhdu wixii soo dhacay dhaxal ka reebtaaye
36.Gobanimada idinkaa dhashoo dhiig usoo huraye
37.Waxay soo dhignayd iminka iyo maantii aad dhagaxa tuurteed
38.Hadaydaan ku dhiidhiyin xornimo nooma dhalateene
39.Ciidaa gumaystihii dhidbaday kama dhaqaaqeene
40.Dhulka debeda magaceena tegay lagama dheeleene
41.Dhay iyo karuur kama cabneen sidigta dhaameele
42.Isku dhega nuglaan iyo midnimo dhab faalooda
43.Afartaa wax lays kuma dhibee dhidibka maw aasay
44.Ragbaa xarafka kala dhaawacee dhiif ma illaashay
45.Dhalaanka iyo ubaxeena kacay dhaxal-gal ma u reebay
46.Aan dhameeyo waanada inbaa iigasii dhimane
47.Nin waliba dhitada uu dhigtuu dhaxal ka tuugaaye
48.Wax shisheeye soo dhiibayaa malaha dheecaane
49.Dhudhunkaagu wuxuu xoogsadaa dheef wax kaa tara e
50.Dhidig iyo labood hawshu way idin dhextaalaaye
51.Somaliland nimaan dhaqayn naca dhawaaqiisa
52.Dhuxdhuxle iyo been la liic dhaafa hadalkiisa
53.Dhukus iyo ninkii qarax sitee soo dhabacanaaya
54.Dhab intii aad ugu fiirsataan booliska u dhiiba
55.Hadii awrka dhaan loo rartoo dhoomo lagu tiirsho
56.Hadii walaxi dheeraad ku tahay dheeli hurwaaye
57.Wax ka dhigan wanaag iyo dhaliil lays dhexgeliyaaye
58.Waayeeldhadhamo xeeriya iyo dharabta loo qaado
59.Dhawaaqaan mabda’a lagu salayn looma dhiidhiye
60.Dhataq hadalka Cali baan milgaha dhawrin wiligiiye
61.Xisbiyadii dhamee Jamaala waa kala dhaqaaqeene (Kulmiye, Udub iyo Ucid)
62.Dhabadii kaluu raacayaa wuxuu halis u yahay inuu dhagaxa tuuraaye
63.Dhugta oo iska ogaada rag baanbaan aragti dheerayne
Xirsi Cali X Xasan
Wasiirka Madaxtooyada S/Land


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured