Faysal A.Waraabe oo ku baaqey,mudeeyeyna Shirweyne wada-tashi Qaran,sababahu u cuskadey +fariimana u diray Madaxweynaha Somaliya,Cali Khaliif iyo Prof Axmed I.Samatar.

0
Wednesday May 01, 2013 - 11:46:29 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1177
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Faysal A.Waraabe oo ku baaqey,mudeeyeyna Shirweyne wada-tashi Qaran,sababahu u cuskadey +fariimana u diray Madaxweynaha Somaliya,Cali Khaliif iyo Prof Axmed I.Samatar.

    Hargeisa-(xogreebnews.com)-Gudoomiyaha xisbiga Ucid Faysal Cali Waraabe oo ilaa shalay ku sugan Boorama gudaheeda ayaa shir jaraa’id uu halkaas ku qabtay kaga waramay ujeedada safarkiisa uu Boorama ku joogaa wuxuu daaran yahay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeisa-(xogreebnews.com)-Gudoomiyaha xisbiga Ucid Faysal Cali Waraabe oo ilaa shalay ku sugan Boorama gudaheeda ayaa shir jaraa’id uu halkaas ku qabtay kaga waramay ujeedada safarkiisa uu Boorama ku joogaa wuxuu daaran yahay. Faysal A.Waraabe oo ku baaqey,mudeeyeyna Shirweyne wada-tashi Qaran,sababahu u cuskadey +fariimana u diray Madaxweynaha Somaliya,Cali Khaliif iyo Prof Axmed I.Samatar.
Hargeisa-(xogreebnews.com)-Gudoomiyaha xisbiga Ucid Faysal Cali Waraabe oo ilaa shalay ku sugan Boorama gudaheeda ayaa shir jaraa’id uu halkaas ku qabtay kaga waramay ujeedada safarkiisa uu Boorama ku joogaa wuxuu daaran yahay.
Faysal wuxuu ku cadeeyay inuu quudaraynayo inuu -tashiyo la yeesho qeybaha kala duwan ee bulshada Boorama,una gogol xaadho shir wada tashi Qaran oo aan saqiirin sida kii xukumada Siilanyo ku baaqdey ee xubnada noqday oo kale.

Faysal wuxuu sheegay inuu rajeynaayo inuu shirka wada tashiga qaran ee uu ku baaqay qabto bisha June ee sanadkan,wuxuuna daboolka ka qaadey duruufaha ku kelifay shirkaa oo uu ka xusay qodobo doora oo ay ka mid yihiin Dastuurkeena oo qabyo ah,Beelaha dalka oo isu wada cadhoonaya,Golaha Guurtida oo noqday meel reero laga biilo iyo Xukumada Siilanyo oo sadex jirsatey oo ku fashilantay inay Umadda mideyso.
Geesta kale Faysal wuxuu kaga hadlay shirkaa Jaraa’id aragtidiisa shirka London wuxuuna sheegay in shirkaa aan Somaliland laga talogelin oo Ajeendihiisa ay iska qor-qorteen Somaliya iyo Ingiriisku, markaas aanu u ahayn mid Bulshada Somaliland u cuntamaya balse wuxuu taageeray shirkii uu Ankara (Turki) kaga qeyb galay oo uu ku tilmaamay mid midho —dhal ah.
Tu kale Faysal wuxuu dedefeeyay hadalo uu hore u yidhi oo kiciyey dareenka iyo xasaasiyada bulshoweynta reer Boorama inaanay waxba ka jirin oo hadalkiisa saxaafadu qaloocisey,wuxuuna ku afgobaadsadey inuu Faysal doonaayo inuu bedelo Xaaji Cabdi waraabe oo ah oday ka tirsan golaha guurtida oo ay Faysal isku beel ka soo jeedaan, wuxuuna sheegay inay u qorsheysan tahay inuu ka shaqeeyo nabadeynta geyiga Somalida.
Ugu danbayn,Faysal wuxuu shirkiisa jaraa’id ku soo hadal qaadey siyaasiyiin asal ahaan ka soo jeeda degaanada Somaliland balse aaminsan midnimada somaliweyn sida Prof.Axmed Ismail Samatar iyo Prof Cali Khaliif,wuxuuna si gaara u xusay inuu soo dhaweynaayo Prof.Samatar maadabuu soo taabtay ayuu yidhi waxa Somaliland Xamar uga maqanahay!,wuxuuna intaas raaciyey inuu caleemo qoyan ku soo dhaweynaayo haduu Somaliland imanaayo oo xukumada Siilanyo soo dhaweyn weydo,Hase yeeshee wuxuu Faysal u baaney Cali Khaliif wuxuuna ku faanay “Haloo sheego Cali khaliif in Xamar aniga layga jecel yahay balse aan ilaalinaayo qadiyada Somaliland”,wuxuu kaloo Faysal sheegay in Madaxweyne Xasan Sh.Maxamuud laga gaadhsiiyo inaanu keeni Karin midnimo Somaaliyeed balse looga fadhiyo inuu mideeyo intii laysku odhan jiray Somali Italian
.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured