Maraxalada Maanta Somaliland Marayso Waxa la Odhan Karaa Caammadu waxay moodayaan curasho Dayreede Cilmi Felegga way garan raggii Caalimka ahaaye,Anigaase Moorada...

0
Monday May 19, 2014 - 16:56:06 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1102
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maraxalada Maanta Somaliland Marayso Waxa la Odhan Karaa Caammadu waxay moodayaan curasho Dayreede Cilmi Felegga way garan raggii Caalimka ahaaye,Anigaase Moorada...

    Qormadii 1aad:Had iyo jeer halbeega lagu ogaado xukuumadda uu waqtigeedu dhamaado waa dadka suugaanyahnka ah oo iftiimiya mar walbaxaqiiqada jirtasidaay tahay hadii aanu taariikhda

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qormadii 1aad:Had iyo jeer halbeega lagu ogaado xukuumadda uu waqtigeedu dhamaado waa dadka suugaanyahnka ah oo iftiimiya mar walbaxaqiiqada jirtasidaay tahay hadii aanu taariikhda Qormadii 1aad:Had iyo jeer halbeega lagu ogaado xukuumadda uu waqtigeedu dhamaado waa dadka suugaanyahnka ah oo iftiimiya mar walbaxaqiiqada jirtasidaay tahay hadii aanu taariikhda soomaalida dib u raacno waxaa soo maray waqtiyo badan oo kala duwan ,waxaana had iyo goor ka hadli jiray dadka suugaan yahanka ah ee uu ilahay hibada u siiyey,saadaalinta marba sida ay ay wax yihiin.Sanadkii 1969-kii xukuumadii rayidka ahayd ee markaa jirtay oo lagu tilmaami jiray musuq maasuq iyo wax is daba marin ayaa allaha u naxariistee Abwaankii Axmed Ismail Dirie "Qaasim" uu tiriyey maanso tilmaamaysay in uu waqtigeedu gaba gabo yahay sidii ayayna u dhacday oo mudo kooban kadibwaxaa dhacday is bedel deg deg ah.Hadaba akhristow hadii maanta xukuumadda siilaanyo la bar bar dhigo xukumadii markaa jirtay 1969-kii waxaa muuqanaysa in xukuumaddasiilaanyo ay kulansatay musuq maasuq iyo qabyaalad aan qarsoodi ahayn,iyadoo ay weliba ay intaa dheer tahay taladii dalka oo u gacan gashay dad aan la dooran,iyadoo madaxweynihii umadani doora tahay uu yahay nin aan waxba ka ogeyn xaqiiqada jirta iyo marxalada dalku meesha ay marayso.Hadii aynu wax yar ka taabano arinta xisbigaKULMIYE eemusharaxnimada madaxweynaha maah maah soomaaliyeedbaajirta oo tidhaahdo soomaalidu ninka ay adhiga kala quusato ayay geela u dirtaa ,iyadoo aynu og nahay in siilaanyo maanta aysan talada dalku gacanta ugu jirin in maanta mar kale la yidhaahdo waa musharax waxay ayaan daro ku tahay umadda somaliland oo dhan.

Soomaalida waxba uma kala qarsoona oo siilaanyo da’diisu waa 90 jir waayo waxa uu siyaasadda ku soo jiray in ka badan 50 sanno ,had iyo jeerna waxa umadda loo sheegaa in siilaanyo uu dhalinyarada uu waxla qabanayo oo uuxukuumadiisana qaar ka mid ah ku soo daray hadaba su’aasha maanta is weydiinta u baahani waxay tahay siilaanyo marka uu wax u ogolaan waayey Muuse Biixi oo abaalka uu ku leeyahay aan la koobi kari sideebay suurtagal u tahayin uu siilaanyo waxla jecel yahay dhalinyrada da’yarta ah.Had iyo jeer waxaynu aragnaa in siilaanyo qoraalada loo soo qoro ay ku adag tahay in uu akhriyo oo marka ay ugu yar tahay uu qoraalkii khaldayo in ka badan 10 jeer mar walbana uu agtaagan yahay nin hadalka u toos toosinaya ,waxa kale oo aynu og nahay 4 sano ee uu kursigaku fadhiyey in uusan hal mar xafiskiisa ku qaban shir jaraa’id oo ay saxaafaddu su’aalo ku weydiiso.Maah maah soomaliyeedba jirta oo tidhaahda reer magaalku arinkiisa kaftanku ku dhamaystaa ,hadii aad la sheekeysato wasiiradda guul wada yaasha ah ee u guntan musharashnimada siilaanyo eeXisbiga KULMIYE waxay si cad kuugu sheegayaan oo ay ku odhanayaan Muuse Kursigama geyo,waxaasina waa wixii laga dagaalamay ee sababay in la sameeyo jabhadii SNM markii beel ka mid ah beelaha somaliland la yidhi “ISAAQ MA GAYO’’ oo macanaheedu ahaa baabuurka quruxda badan “ISAAQ MA GAYO’’.Hadaba saaxiibayaal waxaanu qoraalka kusoo gunaanadeynaa markii uu siilaanyo arkay inay dhabarka u jeediyeen madaxdii dhaqanka iyo dadkii suugaan yahanka ahaa oo aynaan soo koobi kareynin maansooyinka iyo heesaha loo tiriyey mudadii 4 sanno ahayd ee kursiga fadhiyey ee tilmaamaya musuq maasuqa iyo qabyaaladu halka ay gaadheen, wuxuu siilaanyo miciin biday in kaalintii ay ku jireen suugaan yahanka iyo madaxda dhaqanku in uu ku bedelo dhinaca masaajidada iyo culimadda oo la odhan karo in aad Rubad Wiil Ku Dhali ma kula Tahay.Wixii ka horeeyey 1980-kii waxaa la xusi jiray siyaarada Aw Barkhadle waxaana jiray dhagax halkaasi ku yaalay oo uu ku shaqaysan jiray nin wadaad ahi ,waxaanadadku xiligaasi rumaysnayeen in dhagaxaasi qofka dumar ah eedhali weyda hadii ay ku fadhiisato inay dhalayso,waxaana dhagaxaasi kuyuu u geli jiray dumarka dhali waaya oo dhan ,ninka wadaadka ahina wuxuu ku urursan jiray lacag,sixir u go’ani muujirin laakiin qof kasta oo dumar ah wuxuu wax kagaqaadi jiray inta jeebkeedu yahay marka aydhagaxa ku fadhiisatana wuxuu odhan jiray maxaad jeceshahay inaad dhasho markaasay dhamaantoodba odhan jireen wiil.Hadaba waxaa dhacday in maalin ay ku fadhiisatay dhagaxii gabadh uu qabay inkii madaxda ahaa ee gobolka ugu sareeyey ,markii ay dhagaxii ka kacdayna waxay wadaadkii u dhiibtay Rubad oo la mid ah shilin iyo badh halkii uu ka sugayey in ay u dhiibto dhawr boqol oo shilin wadaadkii mar wuxuu eegay gabadhii marna wuxuu eegay Rubadii ay u dhiibtay markaasu ku yidhi Aaminaay inaad Rubad Wiil ku dhali ma kula tahay, hadaba maanta iyadoo marxalada dalku halka ay marayso aynu og nahay dadkii suugaan yahanka ahaa iyo madaxdii dhaqankuna ay siilaanyo dhabarka u jeediyeen siilaanyo doorasho ma ku heli karaa masaajid u tago oo ujeedo xanbaarsan.Hadaba aaxiibayaal waxaan idinku dhaafayaa maansadii Cirsan-ka Yeesh ee uu tiriyey Alaha ha u naxariistee Abwaankii Axmed Ismail Dirie "Qaasim"
Cashadii gashaba waagu waa caynad gooniyahe
Caammadu waxay moodayaan curasho Dayreede
Cilmi Felegga way garan raggii Caalimka ahaaye
Anigaase Moorada cakiran kuu caddayn kara'e

Cirsan-ka-yeedhkii maantana warbuu sheegay Caliyo'e

Wuxu yidhi halkuu ku cuyubnaa cirirki soo dhaafye

Carruuraha la dhacay Awliyada laga cadhaysiiyey

Carshigaaba laga soo aqbalay cabashadoodiiye

Caawaa la kala soocayaa Caabud iyo Gaal'e
Casha aan fogeyn waxays beddeli ciidan fara weyne
Caaddaa rag koraybuu nabsigu hoos u soo celinne
Caanuhu dhawaan way ka quban ciil dar loo qabaye
Inay Curaddo khayr lihi kacaan ciiddan la arkeeye
Ceeryaamo Subaxeed nin nool curadka roob moodye
Marse haddii cadceed lagu dhexdaro wayska cidinciide
Caloolyow aan kugu raagihayn ciidda haw qodin'e
Cagta ii dhig waakaa nabsigi soo cadceedsadaye
Qalinkii:C/risaaq Suudi Nuur
Tel:4425243
Email:suudi88@gmail.com
Hargeysa/Somaliland





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured