Dagaal Hubka Noocyadiisa Kala Duwan La Isku Adeegsaday Oo Maanta Ku Dhex Maray Xeebaha Gobolka Sanaag Ciidamadda Bedda Somaliland Iyo Doonyo Hubaysan Oo Laga Leeyahay Dalka Iran

0
Wednesday May 01, 2013 - 11:42:45 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1140
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dagaal Hubka Noocyadiisa Kala Duwan La Isku Adeegsaday Oo Maanta Ku Dhex Maray Xeebaha Gobolka Sanaag Ciidamadda Bedda Somaliland Iyo Doonyo Hubaysan Oo Laga Leeyahay Dalka Iran

    Ceerigaabo (xogreebnews)—30/04/2013— Ciidamadda ilaaladda xeebaha Somaliland iyo todoba doonyood

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ceerigaabo (xogreebnews)—30/04/2013— Ciidamadda ilaaladda xeebaha Somaliland iyo todoba doonyood
Dagaal Hubka Noocyadiisa Kala Duwan La Isku Adeegsaday Oo Maanta Ku Dhex Maray Xeebaha Gobolka Sanaag Ciidamadda Bedda Somaliland Iyo Doonyo Hubaysan Oo Laga Leeyahay Dalka Iran
Ceerigaabo (xogreebnews)—30/04/2013— Ciidamadda ilaaladda xeebaha Somaliland iyo todoba doonyood oo nooca kalluumaysiga ah oo hubaysan ayaa maanta dagaal qadhaadh ku dhex maray biyaha bedda gobolka Sanaag jasiirado ku teedsan agagaarka degmooyinka Maydh iyo Xiis.
Dagaalka ayaa bilaabmay ka dib markii ay ciidamadda ilaalada xeebaha Somaliland ay arkeen doonyahani oo si sharci darro ah uga kalluumaysanaya biyaha bedda Somaliland waxaana goobtaasi ka dhacay iska hor imaad ka dibna doonyahaasi ayaa goobta ka cararay iyadoo ciidanka ilaaladda xeebaha Somaliland ay caydhsadeen isla markaana ay gacanta ku dhigeen laba doonyood oo ka mid ah todobadii, lama sheegin wax khasaare ah oo dhacay marka laga reebo daryan rasaasta ka dhacaysay doonyaha oo laga maqlaayey dhulka berriga ah.
Taliyaha ciidamadda ilaalada xeebaha Somaliland ee gobolka Sanaag ayaa u sheegay warbaahinta in ay ku qabteen doonyahaasi kooxo Soomaali ah oo ahaa kuwii u adeegaayey kooxahani Iraniyiinta ah ee sida sharci darrada ah uga kalluumaysanaayey xeebaha Somaliland.
Iska hor imaadkani iyo dagaalkani dhinaca bedda ka dhacay ayaa ah kii ugu horeeyey ee noociisa ah ee ciidamadda bedda Somaliland ay kala hor tagaan doonyo laga leeyahay dalka Iran.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured