Silanaa Saxafi Qallinkisa Siyaasi Suulka U Qabtay !–

0
Friday May 16, 2014 - 20:26:18 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1144
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Silanaa Saxafi Qallinkisa Siyaasi Suulka U Qabtay !–

    Ma sina waanay kala sifooyin duwan yihiin laakin waxaynu diirada saaraynaa qaar ka silbaday samaantii suxufinimo,inta samaha jecelna waynu saafi ,ka jeebada siyaasiga noqdayna diirada

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ma sina waanay kala sifooyin duwan yihiin laakin waxaynu diirada saaraynaa qaar ka silbaday samaantii suxufinimo,inta samaha jecelna waynu saafi ,ka jeebada siyaasiga noqdayna diirada Ma sina waanay kala sifooyin duwan yihiin laakin waxaynu diirada saaraynaa qaar ka silbaday samaantii suxufinimo,inta samaha jecelna waynu saafi ,ka jeebada siyaasiga noqdayna diirada muuqa dheer ayaa qaban ,xaglinmaynee waynu xusi oo la xasuusin .waa sabban siyaasi iyo suxufi safka hore ka galeen soomal haadka bulshada ku dhacay .Waxay khabiirrada saxaafadu cadeeyeen in suxufigu yahay hagaha tilmaamaha, Taageeraha iyo toosiyaha bulshada isagoo u soo bandhiga xogaha ay tabayaan kana eegaya dhinacyada danta u ah dadwaynaha. Halbeegiisa shaqona yahay sinaan dhexdhexaad cadaalad iyo shaqo wanaag.Taasi laga gudub iyadoo saxaafada lagu gabraaranyo ayaa waxa salafka ku giijiyay siyaasi isagoo u holanaaya inuu hiil u noqdo qalinkana ku qardoofo siyaasiga ka soo horjeeda ,waxa uu xajiin marinayaa mid kale oo uu xangaruufanayo isagoo u xaglinaya ninka qalinkiisa caqliga ka maamulaya una huwinaaya hadalo horseed u ah inuu kan kale ku hodmo kuna helo taageero shacab oo dhalanteeda.Suxufigii aan xilkaska ahayni wuxu isu bedelay seef u adeegsadoo shaqsi iyadoo haaneedka u qabanaysa siyaasi damaciis amarinaaya qalinka hibada badan ee bulshadu ku baratay dhexdhexaad iyo xagalin l’aan, saxaafadu waxay ahayd muraayada la iska arko lagana dheehdo wanaag iyo samaan soo bandhigida iyo daah ka faydida siro qarsoon,waxana sifo qaldan u adeegsaday suxufi jabiyay sunihii saxaafada.Qoramadan aan qalinka u qaatay kuma qotonto inaan cid ku qardoofo qalinkayguna xaglin xeerkiisa maaha waxan iftiimin doonaa caado inagu soo korodhay oo qabiil dabada ku haysa sudhnaasho saxafi ka timid oo laabta ku haysa siyaasi reeraysan , Ma sheegganayo waayo aragnimo dheeri ah waanan la mid ahay kuwa aan tilmaami doono waxaaynu isla eegi suxufiga qalinkiisu qalindaarka necebyahay iyo suxufi ku suntan sifo samaani ka dheertay.

Tobankii sannlo ee u dambeeyay waxa soo baxday saxaafad u badan dhallinyaro way wanaagsantahay inay dhallinyaro haaneedka u qabato qalinka somalida laakin waxay ku milmeen siyaasada somalida ee soddon sanno ku dhawaad heehaabadka ah iyadoo in badan laga qaloociyay qalinkii sugnaanta iyo dheelitirka halbeega u ahayd, waxana lagu dheehay in looga faa’idaysto sida uu doonayo danaystaha ku saaqiday siyaasada salaankeedii qodxaystay ee somalida dhexdeeda , waxa uu u baydhay hab caadifadasan isagoo guluf ku qaadaya mid dhadhamadiisa buuxin waayay, dhulkana ka qaadaya kan dheefta badan ,waxa uu isku badalay dhuuni raac u dheeliyay dhinac qudha.Miyaanay saxaafada mamnuuc ka ahayn in la sameeyo Xaglin,
Miyaanay saxaafada mamnuuc ka ahayn in la sameeyo danaysi,
Sawtii saxaafadu ku soohnayd dheelitir iyo dhexdhexaad sugnaan iyo sifo wanaagsan
Sawkii Hal Abuur suxufi Sidiiq Maxamed Burmad hoga tusaaleeyay isagoo hareeraha ka tusay sifaha suxufiga xorta ah.Anigu cidna uma Xagliyo
Xer Gaar ahna uma shaqayn
Xisbina Waligay Ma Galin
Waxaan ahay Wariye Xor ah
Dadkaa Xulufaysi nahay
Waxan furay mid ka mid ah website-yada somalida waxaan halacsaday maqaal meel wacan ka soo widh widhaya markaan gudaha u galay waxaan arkay in suxufigan qalinkiisii loo qaloociyay ku qadhaabsasho qoor qabad u ah siyaasi , waxa uu eedo u hagoogay cid kasta oo ka soo horjeeday kan uu la saftay ee qalinkiisa daba haya, isagoo ka dhigay mid xumo ka nasahan waa xariir waxanu ku xardhay sifo uu safka hore soo dhigay laakin dad badan ay saluugeen qalinkan qaddar jabay ee qiimihiisii lagu tiray u heelnaan cid gaar ah,
Sawkii Abwaan Maxamed Ibraahin Warsame ‘Hadraawi” Maansadiisii Wariyaha ku lahaa
Wallee iyo Billan Maray
Iyo wacad illahay

Warshadaha saboolkiyo

Wadhatadad la qaybsaday.Wiil ay dhashaan ahay
Weeraarta hoosiyo
Waaheel rug sare furan
Marka laysku kala Waco
Ninka labada waaxood
Danyar weheshadaan ahay.Waa sax waxa uu iftiiminayay in markasta suxufigu hiil u yahay dadka aan codka alahayn ama aan hadli Karin ,waa danyarta la hurguftay ee siyaasigu hadal wanaagsan oo halkaa lagaga tagayo uu haaneedka ugu qabtoMarka taasi la eego waxa wacnaan lahayd in suxufigo garto waajibkiisii isagoo salka u dhigaya sifihii suxufinimo kuna suntaya sugnaan iyo dheelitir.Alle Ha u naxariistee Abwaan Gaarriye Marka uu ka hadlayay awoodda qalinka ,sida wax loogu soo bandhigo iyo inaan loo adeegsan wax noloshaada qiimo tira waxa uu lahaa.WALLEE QALIN DARAALAHA
DANBI QARANKA LAGA GALAY, KAMA QARIYO WADHATADA
Taasi way is bedashay wixii aan maatida laga qariyeen waa loo qariyaa oo waxa meesha ka saartay qolo ku qiimaynaya qabiilka uu yahay mana laha wax iina waa siyaasi xumo ka nasahan sifo wanagsana leh waayo iyagu uma haystaan inay ku hodmi doonaan ilayn waxa sifihii uu lahaa qalinka ku saxay suxufi sandareero yar ka qaatay siyaasigii sifaha qaldan iyo qiimo tirka bulshada ku foognaaye, waxaa suxufigii waxanu noqday mid ku jira jeebad qof kale .
Ma sina oo isku mid maaha laakin waa inta badan way jiraan suxufi asluub aqoon iyo karti eebbe ku manaystay dadkooda ugu adeega una dooda una soo bandhiga baahiyohooda , laakin waatii hore loo yidhi baruur ayaa baruuryo qudhmisa
Suxufiyiinta haatan salaanka soo koraya ha hiigsadaan wadooyinka ay mareen inta u heelan hareer is taagga bulshada waxna ku soo kordhisa laakin yaanu qalinkoodu qaloocan ,yaan lagu shubin lagana shuban ,yaanay noqon canjalad wax lagu duubo dibna loo dhagaysto ….La soco ……………………….Qalinkii Khadar Nuux Yoonis
knyonis@gmail.com
Journalist,Hargeisa SL



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured