Haayadda Caalamiga Ah Ee Ilaalinta Suxufiyiinta Ayaa Si Adag Uga Hadashay Falkii Dilkii Lala Damacsana Maareeyaha Wergeyska HUBAAL

0
Wednesday May 01, 2013 - 11:41:42 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1345
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Haayadda Caalamiga Ah Ee Ilaalinta Suxufiyiinta Ayaa Si Adag Uga Hadashay Falkii Dilkii Lala Damacsana Maareeyaha Wergeyska HUBAAL

    Haayadda Caalamiga Ah Ee Ilaalinta Suxufiyiinta Ee Saldhigeedu Yahay New York CPJ Ayaa Si Adag Uga Hadashay Falkii Dilkii Lala Damacsana Maareeyaha Wergeyska HUBAAL

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Haayadda Caalamiga Ah Ee Ilaalinta Suxufiyiinta Ee Saldhigeedu Yahay New York CPJ Ayaa Si Adag Uga Hadashay Falkii Dilkii Lala Damacsana Maareeyaha Wergeyska HUBAAL Haayadda Caalamiga Ah Ee Ilaalinta Suxufiyiinta Ayaa Si Adag Uga Hadashay Falkii Dilkii Lala Damacsana Maareeyaha Wergeyska HUBAAL
Haayadda Caalamiga Ah Ee Ilaalinta Suxufiyiinta Ee Saldhigeedu Yahay New York CPJ Ayaa Si Adag Uga Hadashay Falkii Dilkii Lala Damacsana Maareeyaha Wergeyska HUBAAL Maxamed Axmed Jaamac Uguna Baaqay Xukuumadda Siilaanyo Inay Marmarsiyaha Iska Dayso Oo Ay Si Madax Bannaan Kiiskaasi Loo Baadho Waxaana Tuhunka Loo Saaray Wasiirka madaxtooyada Xirsi Cali Xasan

New York (xogreebnews) Haayadda ugu balaadhan ee ilaaladda xuquuqda suxufiyiinta caalamka ee saldhigoodu yahay magaalada New York ee dalka maraykanka ee CPJ magacooda loo soo gaabiyo (Committee To Protection Journalists) ayaa qoraal ay ka soo saareen maanta xaruntooda waxay si adag ugu eedeeyeen xukuumadda Siilaanyo inay ka danbaysay oo ay soo maleegtay dilkii dhawaan fashilmay ee la doonaayey in lagu khaarajiyo maareeyahii guud ee wergeyska HUBAAL Maxamed Axmed Jaamac.Qoraalka oo ku soo baxaya nuqulka wergeyska Newyork Times maalinta berri ah isla markaana ay ku shaaciyeen boggooda internetka ayaa lagu yidhi sidani “Sarkaal sare oo ka tirsan maamulka Somaliland ayaa xaqiijiyey in nimankii weerarka isku dayga dilka ah dhawaan doonaayey inay ku khaarajiyaan agaasimahii wergeyska HUBAAL Maxamed Axmed Jaamac ay ahaayeen Booliis” qoraalka isagoo sii socda oo faahfaahin ka bixinaya wixii dhacay una sharaxaya dadka maraykanka ah iyo dunida afka ingiriisiga ku hadasha ayaa waxaa lagu yidhi “laba nin oo afka soo duubtay ayaa waxay weerar ku soo qaadeen xarunta wergeyska HUBAAL oo ku taalla caasimadda abaaro 11:30 habeenimo iyadoo wakhtigaasi hawl-wadeenadda wergeyskaasi HUBAAL ay ku jireen hawl ay dib ugu eegayaan nuquladda wararka wergeyska ku soo baxaayey maalinta xigta”Qoraalka CPJ oo sii socda waxaa lagu yidhi “sida ay warbaahinta maxaliga ahi tabiyeen mid ka mid ah labada nin ee habeenka weerarka ku soo qaaday xarunta wergeyska HUBAAL ayaa wuxuu xabbad rasaas ah ku riday Maxamed Axmed Jaamac Agaasimaha wergeyska HUBAAL laakiin xabbadaasi wuu la waayey oo kumay dhicin ayaa lagu yidhi warbixinta” warbixinta oo haayadda CPJ sii wado waxaa lagu yidhi “Maxamed Axmed Jaamac waxaa soo gaadhay dhaawac ka soo gaadhay gacanta oo jabtay iyo faraha oo iyaguna jabay iyadoo isla wakhtigaasi dhaawacu uu gaadhay Maxamed ay shaqaalaha wergeysku ay iskugu geeyeen awoodooda sidii ay mid ka mid ah labada nin ee weerarka soo qaaday u qaban lahaayeen oo ay ugu danbayntiina u suurtagashay inay qabtaan” ayaa lagu yidhi qoraalka.

Haayadda CPJ ayaa sheegtay in wergeysku uu maalmaha ka horeeyey uu daabacaayay qoraalo ku saabsan wasiirka madaxtooyada Xirsi Cali Xasan oo isagu safar ku wehelinaayey madaxweynaha oo London ku sugna, isla markaana aanay jirin habayaraate wax digniino ah oo la xidhiidha in weerarkani lagu soo qaadayo, waxaanay haaayadda CPJ sheegtay inuu jiro tuhun weyn oo laga qabo in mu’aamaraadkani fashilmay oo u dhacay sida kuwii argagixisada uu toos uga danbeeyey wasiirka madaxtooyada Xirsi Cali Xasan oo isagu u xil saaray inuu weerarkani fuliyo madaxa gaadiidka ee xarunta madaxtooyada Abshir Xasan Xaashi oo ninka isagu la qabtay ee falkani loo hayo ee ka mid ahaa labadii nin ee weerarka gaystay ay walaalo yahiin.Haayadda CPJ waxay usoo jeedisay maamulka Siilaanyo in arrintani si madax bannaan loogu xil saaro cid u baadha ee aan la dhayalsan”Ka Sokow baaqani ka soo baxay haayadda ugu saraysa ilaalinta xuquuqda suxufiyiinta ee CPJ ayaa waxaa la filaya maalmaha soo socda in haayado kale oo ay ka mid yahiin AMNESTY INTERNATIONAL iyo weliba madaxda Congresska, Senateka iyo weliba baarlamaanka Britain ay toos uga hadlaan, waxay dhaawac weyn oo siyaasadeed ku tahay xukuumadda Siilaanyo.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured