Guddoomiyaha Bangiga Dhexe Ee S/Land Oo Aafo-Qaran Ku Tilmaamay Adeega Zaadka Ee Shirkadda Telesom Bixiso, Sixir-Bararka Dalka Ka Taagana Sabab Uga Dhigay

0
Tuesday April 30, 2013 - 19:31:32 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1360
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddoomiyaha Bangiga Dhexe Ee S/Land Oo Aafo-Qaran Ku Tilmaamay Adeega Zaadka Ee Shirkadda Telesom Bixiso, Sixir-Bararka Dalka Ka Taagana Sabab Uga Dhigay

    Cabdi Dirir Waxa Uu Xusay In Dhawaan La Joojin Doono Adeega Zaad Oo Uu Sharci Daro Ku Tilmaamay” Hargeysa, April 30, 2013 (xogreebnews.com) —

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Cabdi Dirir Waxa Uu Xusay In Dhawaan La Joojin Doono Adeega Zaad Oo Uu Sharci Daro Ku Tilmaamay” Hargeysa, April 30, 2013 (xogreebnews.com) — “Cabdi Dirir Waxa Uu Xusay In Dhawaan La Joojin Doono Adeega Zaad Oo Uu Sharci Daro Ku Tilmaamay”Hargeysa, April 30, 2013 (xogreebnews.com) — Gudoomiyaha Baanka Dhexe Ee Somaliland Cabdi Dirir Cabdi ayaa mar uu maanta warbixin siinayey Golaha Wakiiladda fadhigoodii maanta ayaa sixibararka dalka taagan sabab uga dhigay Adeega Zaadka ee ay Shirkadda Isgaadhsiinta ee Telesom bixiso, kaas oo sheegay in dhawaan la joojin doono.Sidoo kale Guddoomiya Cabdi Dirir Cabdi waxa uu ka luqun-diinleeyey inuu xaqiiqada dhabta ah ka sheego guul-darooyinka xukuumada Madaxwayne Siilaanyo ku fashilantey inay wax ka qabato Sixir-bararka aafeeyey bulshadda Somaliland.Ugu horayna isaga oo Guddoomiyaha Baanku arimahaas ka hadlaya, waxa uu hadalkiisa ku bilaabay “Waxaan ka hadlayaa arimihii u waa weynaa ee sadexdii bilood ee u danbeeyey aanu galnay iyo wixii nooga qabsoomay, arinta ugu horaysa waxa weeye inaanu sadexdii bilood ee ugu danbeeyey la lagdamaynay sixir bararkii ka yimid doolarka oo sare u kacay sidii aanu u dajin lahayna, sadex wiig ka hor doolarku waxa uu ahaa 7250 shilinka Somaliland ah maantana waxa uu taagan yahay 6700 markaa waa la dareemi karaa is badelka aanu arintaas ka samaynay joojina mayno ilaa aanu gaadhsiino sixir macquula.”Cabdi Dirir isagoo hadalkiisa sii wata waxa uu intaa ku daray oo uu yidhi “Doolarku sanadihii hore waxa u dhici jiray wakhtiga aynu xoolaha dirno sanadkan wax ayaa iska bedelay arintaas oo xoolihii laynaga iibsan jiray sidii hore may ahayn sanadkan, dadka xoolaha ka ganacsadaana waxay ka soo iibsadeen kilalka shanaad ee dalka itoobiya iyo koonfurta, doolarku waxa uu gaadhi jiray wakhtiyadii hore 6200 shilinka Somaliland ah sanadkan marka laga bilaabo wakhtigii xoolaha la dirayey waxa uu gaadhay 6500 dabadeedna kor ayuu u sii kacay arinta keentayna waxay ahayd doolarka oo ku yaraaday suuqyadeen.”Mar uu ka hadlaayey furitaanka baananka ganacsiga waxa uu yidhi “Waxaanu doonaynaa inaanu furno nidaamka baanka ganacsiga, maadaama oo aanay jirin dadka khibrad u leh nidaamka baanka ganacsiyada waxaanu baanka aduunka waydiisanay inay noo tababaraan dad khibrad u leh oo maamula baananka ganacsiga, waanay naga aqbaleen tababarkiina intiisa badani wuu soo dhamaaday oo gaba gabo ayuu ku dhaw yahay.”Gudoomiyaha baanku mar uu ka hadlaayey kulan ay la yeesheen shirkada isgaadhsiinta ee Telesom, kana wada hadleen adeega lacagaha ee loo qayaan Zaad-ka, isagoo arrintaas ka hadlaayana waxa uu yidhi “Waxaanu la kulanay shirkada Telesom anaga oo ka wada hadlayna arinta Zaad-ka oo aanu is leenahay saamayn ayey ku leedahay sixirka doolarka ee kor u kacay, shirkadaasna waxaanu u sheegnay inay arintan ay wadaan ee Zaad-ku ay tahay Electornic Banking kana dhalatay sharci daradii ka jirtay qaybta adeega Maaliyada iyo lacagaha sharcigaasina aanu sii socon doonin, anaga oo rajaynayna in adeega Zaad-ku aanu ku sii shaqayn doonin nidaamka isku bedelka lacagaha oo uu sidaa ku sii socdo hadii aanay shirkada Telesom talaabo qaadin oo aanay samayn baan uu Zaad-ku hoos yimaado, waayo Zaad-ku waa Electronic Banking lacag fara badan oo dibada inaga soo gashaana waxaanu qabnaa inay ku wareegayso xisaabaadka uu Zaad-ku leeyahay taas oo keenta inuu doolar fara badani gacmaha isku adeega Zaad-ka isku waydaarto taas oo aanu aamin sanahay inay wax yeeli karto doolarka suuqa soo galaya.”Gudoomiyihu isagoo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi “Waxaanu ku nidhi arintaasi mid aanu idinka yeelayno maaha, waxaanan rabnaa inaad hore u soo kacdaan oo aad samaysaan baan uu Zaad-ku hoos yimaado waanay naga yeeleen waxaanay sheegeen inay doonayaan inay baan samaystaan, waxa kale oo aanu isla gaadhay inay Zaad-ka doolarka ah wax ka qabtaan oo ay u badalanaa shilinka Somaliland, waxaanay balan qaadeen inay qaabkooda wax ka badali doonaan.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured