Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka Ah Ee UCID Ayaa Booqasho Ku Tagay Magalada Borame Arrimo Dhinacyo Badan Tabanayana Ka Hadlay

0
Tuesday April 30, 2013 - 19:06:48 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1188
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka Ah Ee UCID Ayaa Booqasho Ku Tagay Magalada Borame Arrimo Dhinacyo Badan Tabanayana Ka Hadlay

    Hargeysa(xogreebnews) Apr.30, 2013- Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe ayaa maanta booqasho qaadan doonta muddo 2 maalmood ah ku tagay Boorama, Eng. Faysal oo shir Jaraa,id Boorama ku qabtay waxa uu kaga waramay ujeeda

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(xogreebnews) Apr.30, 2013- Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe ayaa maanta booqasho qaadan doonta muddo 2 maalmood ah ku tagay Boorama, Eng. Faysal oo shir Jaraa,id Boorama ku qabtay waxa uu kaga waramay ujeedada safarkiisa iyo waxa uu qaban doono

Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka Ah Ee UCID Ayaa Booqasho Ku Tagay Magalada Borame Arrimo Dhinacyo Badan Tabanayana Ka Hadlay
Hargeysa(xogreebnews) Apr.30, 2013- Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe ayaa maanta booqasho qaadan doonta muddo 2 maalmood ah ku tagay Boorama, Eng. Faysal oo shir Jaraa,id Boorama ku qabtay waxa uu kaga waramay ujeedada safarkiisa iyo waxa uu qaban doono mudada uu Boorama Joogo.


“Waxa aan u imid wada tashi balaadhan oo aan la yeelan doono qaybaha kala duwan ee bulshada, waxa aan rabaa inaan xog rursado ku saabsan aayaha dambe ee dalka sidii salka loogu dhigi lahaa, waxa aan rabaa inaan u gogol xaadho shir balaadhan oo wada tashi qaran ah, oo aan saqiirin sida kii ay xukuumadu ku baaqday oo kale inaan qabano bisha JUNE hadii Eebe idmo, waa lagama maarmaan inaan shirkaas qabano sababta oo ah waxa na horyaala arrimo badan oo aan wali wax la iska waydin oo ay ka mid yihiin, dastuurkeena wali qabyalada ah, beelaha dalka ee isku wada cadhoonaya, golaha guurtida oo noqday meel reeraha laga biilo, iyo xukuumadii aan dooranay oo 3 sano jirsatay oo aanan wali wax badan ka qaban inay dadka midayso oo arrimaha na horyaala loo wajaho si laga midaysan yahay” ayuu yidhi Gudoomiye Faysal.

Sidoo kale Eng. Faysal Cali Waraaabe waxa uu markale ka hadlay waxa uu ku diiday shirka London ee uu uga qayb galay shirkii ANKARA waxana uu yidhi “ Shirka London la inagalama tashan oo waxa ajandihiisa iska qortay Somaliya iyo Ingiriiska, waxana ay rabaan inay arrinta Somaliland hoos galiyaan, sidaasi awageed arrinta Somaliland way ka wayn tahay wax la qariyo, sidaas ayaa sababtay inaan diidno, dhinaca kale shirkii Turkigu waa ka duwanaa kan London, waxa uu lahaa midho dhal fiican oo la taban karo, wada hadalada Somaliland iyo Somaliya waan soo dhawaynaya waxana ay qabsoomayaan waqtigii la mudeeyay balse shirka London ma aha mid qaranka iyo umada Somaliland u cuntamaya”

Eng. Faysal mar wax laga waydiiyay waxa uu ka odhanayo mar kale hadalo dareen dhaliyay oo salka ku hayay kulano uu Itoobiya kula yeeshay oday dhaqameedyo waxa uu ku jawaabay “ Maya Maya waxa ay saxaafadu qaloocisay ma odhan anigu, taariikhdayda dib u baadha, marwalba waxa aan taaganahay dhinaca reer Awdal, waxa la ogaa sidii aan uga hadlay iyo mawqifkii aan ka qaatay arrimo badan oo ka soo bilaabmay qulqulatooyinkii CAADA, si isku mid ah ayaan ula kulmay labada Ugaas, waxana aan ka wada hadalnay midnimada umada, waxa aan rabaa inaan bedelo anigu Xaaji Cabi Waraabe, waxana ii qorshaysan inaan nabada gayiga Soomaalida ka shaqeeyo, dhinaca Itoobiya, waa lagama maarmaan inaan wax iska waydiino waxa aan ka yeelayno KILILKA SHANAAD oo ah dhul muhiim ah sidii aan uga faa’iidaysan lahayn ee aan wax uga qabsan lahayn, markaa waa lagama maarmaan inaan umada midayno”

Eng. Faysal waxa uu ka waramay sida uu u arko in Prof. Samatar uu booqasho ku yimaado Somaliland, waxaanu yidhi “ Waa muwaadin Somalilander ah, waxa uu soo taabtay waxa aan Xamar kaga maqanahay, waanan soo dhawynayaa, sidan si lamid ah ayaan ka yeelaynaa Cali Khaliif Galaydh, balse dhibta haysata Cali ayaa waxa ay tahay isaga oo ay wax kale ugu lamaan yihiin, haddii uu Prof. Samatar Hargaysa ka soo dago oo ay xukuumadu ka gaabiso, anaga ayaa caleemo qoyan ku soo dhawynayna”.

Ugu dambayntii waxa uu Eng. Faysal u diray fariin cad Madaxwaynha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud iyo Cali Khaliif Galaydh, waxana uu yidhi “U sheega Cali in Xamar aniga la iga jecel yahay balse aan qadiyada Somaliland ilaalinayo, sidoo kale Xasan Sh. Maxamuud waxa aad u sheegtaan in isagu aanu keeni karin midnimo Soomaaliyeed, waxa lagaaga fadhiyaa inaad midayso intii la isku odhan jiray Somali-Italia, intaas oo kaliya haddii aad midayso waa la wadi hadli karaa balse maanta yaan la hadalnaa, ma Puntland, ma Juba Land, Ma Baay mise Central Somalia, ma jirto cid aan la hadalnaa, Xasan Sheekhna waxaan u sheegayaa in anaga ay ahayd cida keentay midnimadii lixdankii, maantana aan anagu goosanay.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured