Maqaal:Barlamaankow Wax Badso Wax beel Yeysan Dhalin

0
Monday May 12, 2014 - 08:01:38 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1117
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maqaal:Barlamaankow Wax Badso Wax beel Yeysan Dhalin

    Umadda Soomaaliya kuma cusuba Dawlad la dhiso laguna bixiyo dadaal badaan kadibna si dhakhsaa ku Bur-burta khaasataan xiliyadii ugu dabeyey waxaa dadka Soomaaliyeed ka dhamaan la, dawlad mooshiin laga keeno kadibna dib loogu noqdo halkii laga yimid i

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Umadda Soomaaliya kuma cusuba Dawlad la dhiso laguna bixiyo dadaal badaan kadibna si dhakhsaa ku Bur-burta khaasataan xiliyadii ugu dabeyey waxaa dadka Soomaaliyeed ka dhamaan la, dawlad mooshiin laga keeno kadibna dib loogu noqdo halkii laga yimid iyo dawlad la,aan. Waxaa Barlamaanka Soomaaliya qayb kamida ay ku mash quulsan yihiin sidii ay jilbaha ugu dhufanlahayeen Madaxwaynaha Soomaaliya ee hada xilka haya laakiin su, aasha meesha tal waxay tahay hadiiba Madaxwaynaha xilka laga qaado maxaa ka dhalan kara ama laga faa,iidi karaa
Sida ay aniga ila tahay waxaa ka dhalan kara ama laga faa,iidi karaa in xiligaan madaxwaynaha mooshin laga keeno 4 qodob oo muhiima qalalaase siyaasadeed
Mamul gobleedyada oo xalkoodi sii xumaado ayada oo, an ognahay waxaa ka jira Mamul goboleedyada iyo samayntoota

Al-shabaab oo ka faa,iidaysata xiligaas kala guurkaa
Iyo dhammaan hawl galadii dalka lagu xasilinayey oo istaaga
Waa wax jira in la xisaabtamo lalana xisaabtamo Madaxwaynaha iyo Xukumadiisaba laakiin xisaabtu waa inay noqota mid faa,iido u leh Shacbka Soomaaliyed waa inay wax u so kordhinayso shacabka iyo Mustaqbalka dalka ee` asan noqon wixii ummadda Soomaalida haystay 22, sano ee la soo dhaafay.

Soomaalidu waxay ku mahmahdaa (Miro Guntiga kujira miro Geed saaran looma daadsho) waxaan ula jeeda Umadda Soomaliyeed wixii ay markaas haystaan ayey tooraan kadibna waxay ku soo dhacaan meel cidlaa kadib Ayey hadana dib wax u raadiyaan arrintaas waxay keentay inay adkaato Hanashada dawladnimo.

Dadka Soomaaliyeed dawlada kaliya ee ay xasuustaan waa dawladii dhexe ee Maliatariga ahayd taas oo laftigeedu khaladaad laga sheegto hadana waa dawlada kaliya ee wadanka Soomaaliya ka hirgalisay nidaamka dawladnimo waxaana bur-buriyey Somalida ayaga oo, an waxkale haysan Waxayna ku soo dheceen meel banana wixii dhacayna wad` wada ogtihiin Bildhibaanadu waa inay wax ku cabiraan wixii la soo maray.

Maxaa imaan kara hadii uu madaxwaynuhu xilkiisa waayo lagana Takhluso siday aniga ila tahay waa faa,iido daro wayn wayo sababtu waxay tahay waxaa dhacaysa kala daadasho wayn ee dhanka siyaasada inay Alshabab ku soo labtaan intii laga xoreyey iyo niyaad jab ku dhacaa shacabka rajada ka qabay soo noolaanshaha dawlad nimo waa jiraan dhaliilo uu Madaxwaynuhu leeyahay laakiin xaalku yuusan noqon ka daroo dibi dhal.
Aduunka waa ka jirta Dawlad laga horyimaado ama la badalo laakiin waxaa Lagu badalaa dawlad kale oo ka wax tar fiican mida markaas labadalaayo laakiin aduunka kama jirto wixii aad markaas haysatay baa,bi hadana meel cidlaa ku soo dhac waa dhibka Somalida haysta manta.
Barlamaanka Soomaaliya kasoo bilow Dawladii Keenya lagu soo dhisay ee Cabdulahi Yusuf uu Madaxwaynaha ka aha ilaa manta waxay ka dhamaan la,yihiin mooshin laga keeno xukuma ama Madaxwayne taasoo noqotay Barnaamij jogto ka noqday Soomaaliya.

Laakiin Golaha Sharcitajinta ee shacabiga Soomaaliyeed ma ka fekeraan wixii markaas la haysto inaysan dumin? maxayse ku badalayaan oo,ay u hayaan ummadda Soomaliyed.

Talo soo jeedin waxan talo ku soo jeedin lahaa aniga iyo inta ila amiinsan Aragtitaan Barlamaanka sharafta leh waa inay tixgaliyaan dadaalka yarkaa ee ka muuqda Soomaliya taas oo ah dawladnimada hada ka jirta dalka wa inay Madaxwaynaha tusaan wixii khaldaan lana xisaabtamaan laakiin aanloo cuskaan oo kaliya in Madaxwynaha xilka laga qaado ama uu is casilo waayo wax ay soo kordhinayso ma jirto oo an ka ahayn dib dhac Soomaaliga kale ee yimadana wax uu soo kor dhinaayo maleh

Ugu dabayntii waa in madaxwaynaha lagu dhiiri galiyaa wixii uu khalday inuu saxo waa in dalka laga bilaabo isku keened waana in xilka madaxwaynaha aan la fiirin ee la fiiriyo side horay loogu socon karaa umalayn mayo labada sano ee u hartay madaxwayne Xasan Shiikh wuxuu qaban waayo inay cid kale qaban doonto sidaas darted Golaha Barlamaanku waa inay ka fiirsadaan tilaabada ay ku doonayaan in xilka uga qaadaan Madaxwaynaha.

Waxaa qoray: Cabdi nuur Faarax Maxamuud
Email Guuleed72@hotmail.com




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured