"SIILAANYO KA HOR LAAMI LAMA ARAG" WQ: MUSTAFE TEACHER

0
Wednesday May 07, 2014 - 19:10:42 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1125
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "SIILAANYO KA HOR LAAMI LAMA ARAG" WQ: MUSTAFE TEACHER

    Meeshani Waa Borama, Maan arag, maalintaas ka horna weligay indho ma saarin, Dhegta se wan ka maqli jirey, Muraayadaha Tvyadana wan ka daawan jirey, way iigu jirtaa khariidada ama maabka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Meeshani Waa Borama, Maan arag, maalintaas ka horna weligay indho ma saarin, Dhegta se wan ka maqli jirey, Muraayadaha Tvyadana wan ka daawan jirey, way iigu jirtaa khariidada ama maabka Meeshani Waa Borama, Maan arag, maalintaas ka horna weligay indho ma saarin, Dhegta se wan ka maqli jirey, Muraayadaha Tvyadana wan ka daawan jirey, way iigu jirtaa khariidada ama maabka Somaliland, inay Gobolada Dalka ka mid tahayna wan ogahay,waxan u haystaa Magaalo la mid ah Magaalooyinka aan inta badan Arko Sida Berbera, Burco iyo Hargeysa, Dhaqdhaaqa ka socda kama yarayn kuwa ka socda Berbera iyo Burco, balse iyada Waxa ciishay oo naftii isugu keentay, oo dadka deggen ee an halkaas dhaafin aanay aqoon ba Wax waddo laami ah la yidhaa, Waxay lahayd Laami keliya oo ah kan magaalada Soo gala kana Baxa, jidadka Xaafadaha iyo suuqyada dhex mari jirey Waa Dhagax iyo Buuro, iyo meelo dooxyo ah,Baabuurta yaryar maba joogin, dadka yimaada ee u soo waxbarasho doonta baabuurta yaryar ee raaxada inay helaan dhib badan bay ku qabeen, waa la isu lugayn jiray inta badan xaafadaha, nolosha noocaasa mid iska caadi ah bay Bulshadu u arkayeen, marka se magaalooyin kale ay tagaan dadka reer borama, aad ayay u dhibsan jireen waddo la’aanta magaalada, gaadiid yarida iyo waxyaabo badan oo magaalooyinka waaweyn ee ay tageen ay ku soo arkeen.Magaaladu iminka sidii hore Maha is bedel Wayn ba ka muuqday, sidaan u haystay oo ahayd inaanu xatta baabuurkaygu tegi karin way ka duwanayd, waxan ku baxay Baabuurkayga yar oo Borama i geeyey, Goor Casar ah oo an suuqa u baxnay ayaan la kulmay dhalinyaro u dhashay Gobolka, oo noloshooda aan dhinacna uga bixin, waxay dhigtaan jamacaddaha Camuud iyo Eelo, is xogwaraysi iyo is barasho kadib waxan waydiiyey dhowr su’aalood oo ay ka mid ahaayeen.Magaalada ka warran? weligay maan arag oo wan maqli jirey uune maxa iminka ku so kordhay magaalada ee an hore uga jirin? xukuumadi Rayaale iyo Xukumadda Madaxweyne Siilanyo teebaa Dadku la dhacsan yihiin ama aad is ledihin waxbay idiin qabatay? siyaasad ahaan dadku ma u bislaadeen waddaninimo iyo somalilander nimo? iyo su’aalo kaloo badan.Jawaabaha su’alahaas oo dhaadheera isuna bedelay sheekooyin I qiiro geliyey oo dhalinyaradaasi iiga sheekeeyeen, iyo jawabo waafi ah oo ay isiiyeen haddii an qayb ka mid ah kasoo qaato waxay aad uga cawdeen waddoo xumo haysatay sannado ka hor, waxayna ka warameen in xaalku sidii hore iska bedelay oo ay ummada kale oo ay ka yar danbeeyeen magaalo ahaan la midnoqdeen, waddooyin badan loo sameeyey, isu socod aan jirina bilaabmay, waxay iyagoo is illowsan ku celcelinayeen oo u ducaynayeen Madaxweyne Siilaanyo iyo Wasiirka Madaxtooyada Xirsi, Odhaahyada aan illaawi waayey ee I dhaheen waxa kamid ahayd“ SIILAANYO KA HOR LAAMI BA MAANAAN ARAG”waxay sheegeen in xukuumaddii hore uu haysatay Nin Gobolkooda ka soo jeeda, balse aanu waxtar badan u lahayn, marka la qiimeeyo madaxdii Dalka soo martayna Madaxweyne Siilaanyo Noqday Madaxweynihi ugu waxqabadka badnaa ee so mara Somaliland.Dhalinyaradaas ayaa habeenkii iyo subixii Danbe oo Jimce ahayd I kaxaysay waxay isoo tuseen Laamiyo Badan oo la hirgeliyey intii Madaxweyne Siilaanyo Talada Hayey ama 4tii sanno ee ugu danbeeyey, qaarkood Bulshada ayaa dhistay iyo shirkado Ganacsi , qaar dawlada hoose qaarna xukumadda, balse dhammaantood waxay ku ammaaneen xukuumadda maadama bay yidhaahdeen ay keentay Fikirkan ah in Dadku isku tashado oo wax qabsadaan kuna dhiirigeliso in Bulshadu wax qabsan karto, muhiimadda koowaad na siiso waddooyinka.

Magaaladu maaha sidii 4 sanno ka hor, waxa ka furan macdaaro Baabuurta lagu kireeyo oo dhowr ah, waxa ku yaalla laamiyo qurux badan oo si fiican loo sameeyey oo xaafadaha iyo suuqyada magaalada dhex mara, Carwooyin caalami ah, iyo Makhaayado lagu shaaho oo dhalinyartuna kukulanto. Baabuur badan oo kuwa yaryar ee raaxada ah ayay dhalinyarada badankoodu iska wataan, baabuurta yaryar oo an jidkaa dheer soo mari kari jirin waddo la’aan awgeed iminka si dhib yar bay uga soo gudbaan oo ugu kala socdaan Borama illa caasimadda hargeysa, aniga laftaydu Baabuur yar oo indhacade ah oo an watay waxan u haystay inaanu gaadhayn inkastoo marki danbe la ii sheegay in iminka si toosa ay u tagaan baabuurta nooc waliba oo laga raystay waddo la’aantii, dalkuna isu wada bedelay dal isku wada xidhan Gobol, Degmo iyo Tuulo ba, ilaahayna sabab uga dhigay in waddooyinka intaas leeg ee baaxaddaas lehi dhismaan Madaxweyne Siilanyo iyo Wasiirkiisa Madaxtooyada oo u qaabilsan Hawlahan Waddooyinka.Borama waxay isku raacsantahay markaan in badan u kuurgalay , dhalinyaro iyo waayeel badana la sheekaystay inaanay Madaxweyne siilaanyo ka hor ba laami arag, iyadoo laamiyadu ka midyihiin qaybaha ugu muhiimsan ee deegaan ama dal leeyahay, kana qaybqaataan isku xidhka Bulshada Gobolada iyo Degmooyinka iyo weliba magaalada Gudaheeda.
Hadaba Waxa su’aashu tahay Xukuumadaha ka danbayn Doona Xukuumadda Siilaanyo hore ma uga sii wadi doonaan halka dalku manta marayo mise waxay ku mashquuli doonaan hawlo kale oo an ummada wax doorata waxna Ridda aan macno badan u samaynayn?????
Qalinkii:
Mustafe Osman Abdirahman (Teacher)
Burco Somaliland
Mustafeteacher@hotmail.com



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured